Raacdaynta Oogga Waaberi (Chasing Daylight)

Raacdaynta oogga waaberi (chacsing daylight):

“Bal tolow maxaad fali lahayd kahor inta cadceeddaadu aysan ciirin”.

Waxa uu madax ka ahaa mid ka mid ah shirkadaha lacagaha ee ugu tunka-wayn dunida, nin haysta hanti farobadan, qoys xasilloon, iyo mustaqbal ifaya, ayaa loo arkayey.

Waxaa lagu tirin jiray kuwa abaabulan ee u go’ay shaqadooda, kuwa jecel u bareeridda caqabadaha iyo ka gudbiddoooda. Mar ay dani ka gashay mid ka mid ahaa ganacsadayaasha saamaynta leh, uma ay suuroobin inuu ballan dhow u qabto, kolkaa ayuu la safray si uu ula sheekaysto inta lagu guda jiro duulimaadka diyaaradeed, dhab ahaanna wuu ku guulaystay inuu heshiis la saxiixdo.!

Wuxuu ahaa sida saacadda Suweysriga oo kale; wax walba oo noloshiisa ah waxay u muuqdeen heersare aan guuldarro geyin, ilaa ay kooxdii baaritaanka caafimaadka ee kallaha ahaa soo booqdeen, waa sida uu xeerka shaqada ee shirkaddu dhigayay e, dhambaal farxadeed se ma ayan sidin, kolkii dhakhtarkiisu baaritaankii raajada uu ku ogaaday jirintaanka astaamo aan caadi ahayn oo maskaxdiisa ka muuqday, illeen wuxuba waa “buro maskaxeed halis ah” oo gaartay heer aan la dabiibi karin.

Alla naxdin waynaa, waa tiiraanyo ragga kan ugu geed-adaygsan een la loodin uu la liicayo, balse Eugene O’kelly isma waaline wuxuu yiri: dhakhaatiirtu waxay iisheegeen in cumrigayga ay saddex bilood uun ka hadhay, si howlahayga u dambeeya aan u kala habeeyo.

Si aan labalabayn lahayn ayuu Eugene arrintan u aqbalay, wuxuu ku qaabilay isla dareenkii iyo caqliyaddii sannadaha badan ka dhigtay hoggaamiye foolaad ah.

Wuxuu guda galay diyaarinta qorshe uu howlihiisa ugu kala hormarinayo sida ay u kala mudanyihiin, habayaraatee wax aan muhiim ahayn kumuu darin, wuxuu ka ambaqaaday waxa uu ugu yeeray “xiriir-goyn” asagoo soo afjaray dhammaan xiriiradiisii howleed, shaqadiisii ayuu toos isaga casilay, dabeedna wuxuu judhiiba bilaabay ku wargelinta geeridiisa xigto iyo xigaalba iyo sagootintooda.

Eugene, farsamadiisa gaarka ah ayuu u maray maaraynta hawlihiisa, goobooyin ayuu qaarba qaar kale ku dul sawiray, deedna dadka ayuu goobooyinkaa ku guray asagoo u kala hormarinaya sida uu u kala danaynayo, wuxuu ka bilaabay goobada dibedda xigta asagoo ku xijiyey tan ku guda jirta ilaa uu kasoo gaaray goobada wadnaha (ubucda) ah, oo uu u asteeyay dadka naftiisa ugu dhow; xaaskiisa, ubadkiisa iyo saaxiibadiis kuwa ugu dhow, waana dadka uu doonayo maalmaha noloshiisa ugu dambeeya inuu la qaato, daqiiqadba ha joogto e wax waqti ah ma uu lumin, mararka qaar wuxuu ku kaaftoomay wicitaan taleefan iyo kulamo gaagaaban si uu sagootiyo macaariftiisa, asaga oo ugu cududaaranayey inuusan haysan cumri uu waqti intaa ka badan kula qaato.!

Ayada ooy cabsiyi ku gedaamantahay, caleentiisuna ay dhawaan qallali doonto, ayay Eugene la gudboonaatay inuu qoro dhigane uu ku waarinayo waayo-aragnimadii uu kororsaday iyo aragtiyihii ayaamihii ugu dambeeyay noloshiisa u iftiimay, waana arrinka ka amakaagiyey kuwii ku gedaamnaa, run ahaantiina wuu ka dhabeeyay oo wuxuu soo saaray buug uu ku magacaabay “Chasing Daylight” (raacdaynta oogga waaberi), cinwaan hoosaadna uu uga dhigay; “sidee buu noloshayda u beddelay warka wadkayga ee lay ogaysiiyey?”.

Eugene dhiganihiisa ayuu ku sheegay; inuu warka geeridiisa ku guddoomay naf xasilloon, waayo wuu ayaan badnaa maadaama uu wadkiisa horay u ogaaday asagoo haysta muddo ku filan, taas oo u suuragelisay sagootinta gacalkiisa iyo inuu u reebo xusuuso qurux badan, asaga oo xiriiradiisa nolosha kusoo idlaynaya farxad iyo raynrayn, uuna dhimanayo asaga oon uurka ku haysan shallayto iyo tiiraanyo toona, marka laga reebo werwerka uu ka qabo in xaaskiisa inta nolosha uga dhimman ay keli ahaato, sidaa oo kale ayan u suuragalayn inuu ka qayb galo munaasabadda qalinjabinta iyo guurka gabdhihiisa tan ugu yar.

Eugene, oo asagu sanaddii 2005-tii ku geeriyooday da’da konton iyo saddex—ayaa yiri: saddexdii bilood ee iigu dambaysay waxaan mar walba Alle ka baryi jiray in awoodayda garaad iyo nafeed ay ii baaqi ahaato, si uu holwshiisa sagootinta ahi ugu guto sida ugu habboon, wuxuu kaloo sheegay inuusan marnaba ka qoomamayn inuu waqtigii noloshiisa u dambeeyay ku qaatay qaabkaa ad-adayga iyo qallafsanaanta leh.

Dadka oo idili uma geed-adaygsana sida Eugene O’kelly, umana malaynayo in dadku giddigood ay geerida laabxaarnidiisii iyo xasiloonidiisii nafeed oo kale ay ku qaabilayaan, balse arrinta aan marar badan is-dul-taagay ayaa ah; sida uu ninkaasu ilbiriqsigaa ugu arkay noloshiisa shayga ugu muhiimsan, si aan labalabayn lahaynna uu dhanka gacalkiisa ugu weecday, uuna uga maagay inuu waqtigiisa ku beeldareeyo meel ayaga ka fog.

Waa waayo-aragnimo maan-daar leh, naftayduna waxay igu hoggaaminaysaa waydiinta ugu madan; waa waydiinta aan midkeenna hurayn maalin maalmaha ka mid ah, inay dhowdahay ayaaba suura ah: ka warran haddii dhakhatarka ku dabiibayaa intuu indhaha indhaha kuu saaro uu sida “Eugene” oo kale kuu sheego? Bal tolow maxaad fali lahayd kahor inta cadceedaadu aysan ciirin?!.

W/Q: Saajid Al-cabdali.
W/T: Madasha Tarjumaadda Hoobaan

Tixraac: buugga: Chasing Daylight

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *