Raac Qodobadaan Si Aad U Wanaajiso Caafimaadka Dheefshiidkaaga

Fayber (fiber): jirku waxuu maalintiiba u baahan yahay xaddi u dhaxeeya 20 ilaa 35 gram oo fayber ah, cunida la joogteeyo laga hello fiberka sida, qamadiga, galleyda, digirta, cagaarka, canabka. Cunooyin kaan ayaa u fiican dheefshiidka, waxayna ka hortagaa calool istaagga. Waxay kaloo u wanaag san yihiin fcaafiamaadka wadnaha iyo sonkorta dhiigga. Cunnooyika uu ku badanyahay faybarku waxaa ay kaloo kontoroolaan miisaanka jirka

Xanjada: Xanjo calali markaad cuntayso kadib tani waxay sababaysaa in qanjirada afku ay soo daayaan calyo badan taasoo ay ku yartahay aashito. Arintaan ayaa ka hortag wanaag san u ah laabjeexa.

Isku day inaad lumiso xeyrta wareegga: xataa hadii aad lumiso inyar waa faa’iido caafimad iyo waliba mid wax ka taraysa culeyska jirka. Waxaad ku lumin kartaa xayrtaan adigoo joogteeya jimicsi sidoo kalena la socda cunnooyinka aad cunayso.

Habka ugu wanaagsan ee looga hortago: laabjeexa, daaca qurunka, iyo xanuuno kale oo soo wajaha dheefshiidkaba ayaa ah in la cuno cunno yar oo caafimaadka u wanaag san, taasoo ay ku yaryihiin hilibka iyo subagu. Cunnada oo si tartiib ah loo cunno ama aan la boobsiin, laguna raaxaysto calalinteeda.

Cab biyaha ugu yaraan sodon daqiiqo kahor ama kadib cunnada: joogteey inaad cabto biyo kugu filan. Sida caadiga ah waxaa qof walba looga baahan yahay inuu cabo 6 ilaa 8 galaas oo biyo ah maalintiiba. Tani waxay dheefshiidka ka caawinaysaa in burburinta iyo waliba saarida haraaga aan jirku isticmaalayn ama keydka aan galayn.

Same jimicsi ama soco maalin kasta ugu yaraan 30 daqiiqo: waxay faa’iido balaaran u tahay guud ahaan caafimaadka jirka. Waxay dheefshiidka ka caawinaysaa inuu u shaqeeyo si habsami leh, qofkuna uu dareemo gaajo. Oraah caalami ku ah xirfadleyda caafimaadka ayaa oranaysa, hadaad gaajaysantahay waad caafimaad qabtaa

Seexo hurdo kugu filan joogteena jadwal wanaagsan oo ku aadan hurdadaada: Waxay yareyy neysaa walwalka oo la ogaday inuu qayb ka yahay waxyabaha sababa xanuunka boogta ee ku dhaca caloosha iyo mindhicirada yaryar . Hurduda waxay u wanaag san tahay guud ahaan jidhka iyo maskaxda caafimaadkooda. Waqtiga hurdada ku filan dadka qaangaarka ah ayaa u dhaxeeya 6 ilaa 8 saacadood, 24kii saacba

Jooji balwada xun sida cabida sigaarka, waxuu u xunyahay dhamaan caafimaadka jirka. Sigaarka ayaa qayb ka ah curashada xanuunka boogta kaasoo wax yeeleeyo caafimaadka dheefshiidka. Joojintiisu waa mid sare u qaadaysa caafimaadka dheefshiidka kana hortagaysa calool istaagga.

Haboobin cunnada: Dadka booba cunnada maahan kuwo ku raaxaysta cuntada. Boobku waxu keenayaa in hawo ay gasho dheefshiidka, waxaana dadka cunada booba ku badan dhuusada iyo laabjeexa.

Yaree cusbada aad ku dareyso cuntada: Cusbada badan uma wanaagsana caafimaadka guud ah aan waana mid ka qayb qaadata dibirada, umana wanaagsan dheefshiidka, waxaa muhiim ah in la yareeyo xadiga cusbada ee lagu darayo cuntada.

Dhaq oo nadiifi qudaarta inta aadan karin kohor: Qofna ma jecla inuu haleelo shuban, inuu cunnada ku sumoobo, lalabo iyo matag toona. Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in la nadiifiyo lana dhaqo cunnada intaan la karin kahor.

Xilimaad u baahantahay inaad la kulanta dhakhtarka?

Waxaa muhiim ah inaad aragto dhakhtarka hadii ay soo noqnoqdaan astaamaha calool xanuunka ama dabeecada aan wanaag sanayn ee soo wajaha dheefshiidka kuwaasoo ah kuwo la dhibsado. Hadii aad is leedahay waxaad yeelatay uur, hadii liqidda cunadu aad ku dhiban tahay. Dhamaan qodobadaan ayaa ka dhigaya lagama maarmaan inaad la kulanto dhakhtarka.

Check Also

noocyada madax xanuunka, goonjab, dhanjafka,

Noocyada Madax Xanuunka, Calaamadaha Lagu Kala Garto Iyo Hababka Loo Maarayn Karo

Madax xanuunku waxaa uu saameeya ku dhowaad kala bar dadka dunida ku nool, taas oo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *