Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada ka hor waa hab qadiimi ah oo loo adeegsado in nafta lagu dejiyo iyo wanaajinta tayada hurdada.

Wareegga hurdada ee aadamaha waxa uu xiriir wayn la leeyahay heerkulka jirka. Tani waa sababta qubayska hurdada ka hor uu u saamayn karo dhaqsiyaha aad ku gam’i karto iyo tayada hurdaada.

Faaidooyinka qubayska hurdada ka hor:

Qubayska hurdada ka hor ma ahan nadaafad oo keliya balse wuxuu leeyahay saamayn nafsi ah taas wanaajin karta tayada hurdada. Waa kuwaan qaar ka mid ah faaidooyinka qubayska hurdada ka hor:

1. Heerkulka iyo hurdada:

Jirku bani-aadamku waxa uu ku shaqeeyaa waqtiyeyn baayooloji oo jirka ku beeran oo cilmi ahaan loo yaqaanno “circadian rhythms” kaas oo nidaamiya wareegga hurdada iyo soo jeedka. Nidaamkani waxaa qayb ka ah in heerkulka jirka uu hoos dhaco habeenkii, taas oo jirka u dirta dhambaal ah in la gaaray waqtigii nasashada. Qubayska biyaha diirran waxa uu kordhiyaa heerkulka dusha sare ee jirka.

Balse marka aad ka soo baxdo qubayska kadib, waxaa si dhakhso ah hoos ugu dhaca heerkulka, tani waxay u egtahay hoos u dhaca dabiiciga ah ee heerkulka jirka ee nidaamka “circadian rhythms” waxayna keeni kartaa in qofka dhaqso hurdo qabato.

2. Degenaanta oo siyaadda iyo stress ka oo hoos u dhaca:

Biyaha diirrani waxa ay leeyihiin awood nafsad dejin, waxayna yareeyaan hormoonka loo yaqaanno “cortisol” kaas oo masuul ka ah stress-ka. Heerka cortisol oo hoos u dhaca waxay caawisaa in qofku si dhaqso ah u gam’o iyo inuu helo hurdo tayo leh.

3. Wareegga dhiigga:

Biyaha diirran waxay caawiyaan waasicinta xididada dhiigga, taas oo hagaajisa wareegga dhiigga. Tani waxa ay dejisaa murqo xanuunka taas oo keenta qofka inuu raaxo ku dareemo qaab jiifkiisa, khaasattan hadduu aad u daallanaa.

4. Caafimaadka maqaarka:

Qubayska hurdada ka hor, waxa uu maaqaarka ka ilaaliyaa in wasakh, dufan ama bakteeriyo ay ku uruuraan maqaarka. Qubaysku Waxa uu maqaarka oo ah xubinta ugu wayn jirka bani aadamka ka caawiyaa inuu neefsado iyo inuu soo kabsado habeenkii.

Qaabkan waxaad uga hortegi kartaa cilladaha maqaarka waxaadna ku kobcin kartaa hanaanka dabiiciga ah ee maqaarku u soo kabsado.

5. Nadaafadda hurdada:

Xiriir wayn ayaa ka dhexeeya seexashada qol nadiif ah iyo helidda hurdo wanaagsan.
Mayrashadu waxay xaqiinaysaa inaadan ku seexanin dhididkii iyo wasakhdii maaliintii, waxayna qolka hurdada u ilaalinaysaa nadaafadda.

Isbardhiga qubayska biyaha diirran iyo biyaha qabow:

Qubayska biyaha qabow iyo biyaha kulul waxaa lagu yaqaannaa inay saamayn kala duwan ku leeyihiin tayada hurdada iyo dhaqsiyaha gam’itaanka. Labaduba waxay leeyihiin faaidooyin, dadkuna way kula duwaan midka u shaqeeya.

Dadka badankoodu waxa ay door bidaan biyaha diirran. Si dhakhso ah ay u dejiyaan, waxayna yareeyaan kacsanaanta. Biyaha diirrani waxa ay waasiciyaa xididada dhiigga ee dusha sare ee maqaarka, waxayna hagaajiyaan qulqulka dhiigga.

Ku qubayshada biyaha diirran si ay fududeeyan hurdada dadka waayeelka ayaa la arkay inay tahay hab waxtar badan oo lagu maareeyo cillada hurdo la’aanta ee dadka waawayn.

Qubayska biyaha diirran kadib, waxaa dega heerkulka jirka taas oo jirka u sheegaysa in la joogo xilligi nasashada, tani waxay qofka ka caawinaysaa inuu helo hurdo wanaagsan.

Si kastaba ha ahaatee, qubayska biyaha diirran ee xad dhaafka ah, waxa uu saamayn karaa saliida dabiiciga ah ee maqaarka taas oo keeni karta kor qallayl. In biyo diirran lagu qubaysto waxyar yar ka hor marka la seexan rabo waxa ay faragelin ku samayn kartaa hannaanka dabiiciga ah ee hurdada. Sidaas awgeed waxaa haboon in 1 saac ama labo saacadood ka hor in lagu qubaysto biyaha diirran.

Dhinaca kale, qubayska biyaha qabow waxa uu kordhiyaa tamarta waxaana uu wanaajiyaa wareegga dhiigga, sida oo kale, waxa uu kobciyaa caafimaadka maqaarka, waxa uu yareeyaa daldalooda, waxaana uu maqaarka u ilaaliyaa saliida dabiiciga ah. Waxa uu kordhin karaa firfircoonida, isagoo baabi’iya daalka islamarkaana kobciya baraarugsanaanta.

Qubayska biyaha qabow waxa ugu fiican in lagu qubaysto fiidka hore.

Sualo muhiim ah:

Miyay wanaagsan tahay in la qubaysto hurdada ka hor?

Qubayska hurdada ka hor waxa uu leeyahay faa’idooyin tiro badan. Waxa uu wanaajiyaa xasiloonoda iyo tayada hurdada, waxaana maqaarka ka nadiifiyaa wasakhda ku aruurtay.

Keebaa wanaagsan in biyo qabow lagu qubaysto subaxdii ama habeenkii?

Qubayska biyaha qabow ee subaxdii waxaa laga helaa tamar iyo firfircooni. Waxa uu kordhiyaa baraarugsanaanta waxaana uu caawinayaa in subaxdaadu kuugu bilaabato adigoo dareemaya firfircooni. Si kastaba ahaatee, qubayska biyaha qabow ee habeenkii dadka qaar waxay ka helaan tamar badan, waxayna carqaladayn kartaa hurdada hadii aan la qaadan fiidka hore.

Goormee lagu qubaysan karaa biyaha qabow?

Qubayska biyaha qabow waxa uu fududeeyaa soo kabashada murqaha, waxa uu dejiyaa jirka, waxaana uu wanaajiyaa wareegga dhiigga. Qubayska biyaha qabow waxa kuu haboon yahay jimicsiga kadib iyo xilliyada kulaylaha. Biyaha qabow waxay yareeyaan daldaloolada maqaarka waxayna caawinayaan ilaalinta saliida dabiiciga ah ee maqaarka.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

yoolka, hadafka,

Dadka Boqolkiiba 8 Keliya Ayaa Ku Guulaysta in Ay Yoolkooda Gaadhaan

Sannad kasta curashadiisa, dadka badankoodu waxa ay dejistaan qorshayaal ay doonayaan in ay ku gaadhaan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *