Waxaa laga yaabaa in aad in badan is waydiisid Soomaalia maxay dawlad ugu soo noqon la’dahay? Waa su’aal in badan dadka Soomaaliyeed madaxooda ka guuxaysa. Hadaba waa maxay sababtu? Iyadoo ay jiraan siyaabo kala duwan oo lagu macnayn karo sababta, haddana waxaa jira mid ka mid ah sababahaas oo laga yaabo dadka qaarkood inaysanba u arag inay dowladnimada qayb wayn ka tahay. Taasi waa burburka qoysaska Soomaaliyeed iyo caruurta rajadoodii luntay.
Marka laga hadlayo burburka qoys dhisnaa waxaan ka hadlaynaa arrin aad u culus diin ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Waa arrin keenaysa carruur dayacan barbarin ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Waana arrin culays ku soo kordhinaysa ehelka qoyska burburay iyo bulshadaba.
Haddaba sideebuu burburkani u kala saameeyaa xubnaha qoyska?
Si aan u raadinno jawaabta su’aashan, aan midmid u fiirinno xubnaha qoyska.
Carruurta
Marka hooyada iyo aabuhu kala tagaan, ilmuhuna waxay noqdaan kuwo dayacan oo kala qaybsan oo aan ku barbarin sidii saxda ahayd ee ay xaqa u lahaayeen niyad ahaan iyo nolol ahaanba. Taas waxaa keena iyadoo ay ka maqan yihiin daryeelkii iyo jacaylkii ay ka heli lahaayeen waalid wada jira. Taasi waxaa laga yaabaa in ay si wayn saamay ugu yeelato ilmaha mustaqbalkooda, taasoo dabcan bulshadanah saamayn ku yeelanaysa. Waxaan si waaqici ah u aragnay in ilmaha aan si habboon loo barbaarin uu dhibaato wayn u gaysan karo naftiisa, waalidkiisa, dariskiisa, iyo bulshadaba.
Hooyada
Hooyadu waa dhinaca labaad ee ugu nugul saameynta burburka, ugu yaraan labo sababood awgood. Kow: hooyadu si gaar ah ayay ugu nugushahay la’aanshaha qoys buuxa maadaama ay asaas u tahay qiyamka qoyska iyo mujtamacaba. Labo: dulqaadka ay u leedahay hawsha carruurta awgeed, howshaasi iyada ayay ku soo fakataa, taasoo marar badan keenta in ay xataa kaligeed ilmaha koriso. Taas waxaa ina tusi kara hooyooyin badan oo maalintii oo dhan suuqa taagan si ay kaligood u dabbaraan nolosha ilmaha.
Aabaha
Waxaa la arki karaa in aabayaasha reerkooda si fudud u burburiyaa ay ku danbeeyaan seegseeg iyo saaqidnimo ayagoo noqda kuwo noloshoodu ku kooban tahay raadinta majin qaad ah. Kuwa ugu rooni waxay kasbadaan culays dhaqaale oo dheeraad ah.
Guud ahaan, xubnaha qoyska dumay midkoodna kuma noolaado niyadsami inta badan. Qaran ahaan, jiritaanka qoysas badan oo noocaan ahi waxay la macne tahay qaran asaaskiisa bulsho uu ku jiro tafaraaruq iyo farxad yari.
Gabagabo
Haddaba maxaa xal ah? Dawladda, culamada, waxgaradka kale ee umaddu waa inay ka wada qayb qaataan xal u raadinta dhibkaas. Waa in dib loogu noqdaa qaababka guurka iyo furriinka iyadoo laga dab qaadanayo Shareecada Islaamka.
Mahadsanidin wixii talo iyo tusaale ah wad kuso biirin kartaan maqaalkan gaban
W/Q Zamiira Abdirahmaan