Dadka qaar ayaa quraacda uga taga mashquul dartiis, ama aaminsan in quraac la’aantu ay miisaanka dhimayso ama ay cayilka ka ilaalinayso halka qaar kalena ay quraac iskaga tagaan maadaama aysan dareemaynin gaajo. Laakiin khubarada caafimaadka badankoodu waxay sheegeen in quraac la’aantu ay u daran tahay caafimaadka.
Quraacdu waa cunnada ugu muhiimsan ee la cuno, waa shidaalkii uu qofka ku howlgeli lahaa, waxaana muhiim in cunnada lagu quraacanayo ay ahaato mid caafimaadka u wanaagsan.
Quraacdu waxay qofka siisa tamar iyo nafaqo. La’aanta labadaan shay ma ahan oo kaliya inay saamaynayso caafimaadka jirka balse waxay kaloo saamaynaysaa xaalada nafsadeed ee qofka. Waxaad isku arki kartaa isku-buuq, xanaaq badan, u fiirsigaaga oo hoos u dhaco, caajis iwm.
Hadaba waxaan qormadaan ku faahfaahin doonaa ahmiyadda ay leedahay quraacda iyo cilladaha laga qaado quraac la’aanta:
Quraacda oo laga boodaa waxay kordhisaa cayilka
Cilmbaarayaasha waxay sheegeen in dadka aan cunin quraacda inay cunaan qado badan, taas oo sida quraacda kadib aan la samaynin dhaqdhaqaaq ku filan gubitaanka cunnadaas, waxay kaloo sheegeen in qofka marka uusan quraacan inuu hamuun u qabo ama maskaxda ay raadinayso cunnooyinka u badan dufanka iyo macaanka si sokorta aysan u dhicin, waana cunno hadii lagu qadeeyo jirka aanan si sahal ah uga bixin.
Quraac la’aantu waxay kaa dhigtaa qof xanaaq dhow:
Qofka hadii uu quraacda ka tago, waxa uu dareemaa daal iyo xanaaq. Dadka si fiican quraacda, badanaa way ka firfircoon yihiin wayna ka xasiloon yihiin dadka aan quraacanin.
Tamarta oo yaraata:
Cunnadu waa shidaalka uu jirku ku shaqeeyo, cunista quraac nafaqo leh waxay ku siinaysaa tamartii uu jirkaagu u baahnaa, tanina waa sababta ay muhiimka u tahay marnaba inaadan quraacda ka boodin.
Halista cudurka macaanka oo siyaada:
Daraasado la sameeyay waxaa lagu arkay, in haweenka aan cunin quraac caafimaad leh ay 54% kaga fursad badan yihiin inuu ku dhaco cudurka macaanka noociisa 2-aad marka loo barbardhigo haweenka cuna quraac caafimaad leh.
Waxay khatar ku tahay caafimaadka wadnaha:
Daraasadku waxay tilmaamayaan in dadka quraacda ka booda ay kaga halis badan yihiin wadne qabadka kuwa iyagu quraacda maadaama ay u nugul yihiin inuu ku dhaco dhiig karka.
Waxaa kugu keeni kartaa madax xanuun:
Quraacda oo laga boodo macnaheedu waa qofka oo qataanada in ka badan 12 saacood. Tani waxay keeni kartaa in sonkorta dhiigga ay hoos u dhacdo, waxayna kicinaysaa hormoonnada, taas oo kodhinayna cadaadiska dhiigga ugu dambeyntiina keenaysa madax xanuun iyo madax farad (migraines).
Shaqada maskaxda oo hoos u dhacda iyo hilmaanka oo bata:
Daraasad lagu sameeyay caruur dhigata dugsiga hoose waxaa lagu arkay in xasuusta dhow ee caruurta yimaada dugsiga iyagoo aan soo quraacanin ay ka hoosayso caruurta soo quraacday. Daraasad kale oo lagu sameeyay dhalinyaro waxaa lagu arkay isla natiijo la mid ah.