Qof wal oo innaga mida, wuxu ku nool yahay labo adduun. Duni horteen jirtay, imminkana jirta, jirina doonta haddaynu joogno iyo haddaynu ka tagna ba. Dunidaasi, waa dunida innagu hareeraysan. Waa dunida muuqata ee ka kooban dadka, walxaha iyo dhacdooyinka.
Waxa kaloo jirta duni jirintaankeedu ku xidhan yahay innaga jiraankeenna. Waa duni ka kooban hab-fekerkeenna, laxawyadeenna iyo adduun-araggeenna, waana dunida innagu dhex qarsoon.
Labadan duni, isku si bay qofka uga qayb qaataan sida uu nolosha u arko iyo siduu ula fal-galayaba. Laakiin, wax badan waxaynu xoogga saarnaa, oo aan aad isugu hawlnaa wax ka ogaanshaha dunida muuqata ee ka kooban walxaha, dhacdooyinka iyo dadka. Waxa aad u yar inta aynu isku hawlno wax ka ogaanshaha dunida innagu dhex qarsoon ee ka kooban afkaarta, mafaahiimta, laxawyada iyo tasawuraadka. In badan oo ka mida sida aynu nolosha u aragno, waxa midabeeya ee u yeela muuqaallada aynnu ka dhex aragno waa dunida innagu dhex qarsoon. Haa, dunida inoo muuqata wuxuun bay muraayad u tahay dunida innagu dhex qarsoon. Hadba hab-fekerkeennu sida uu yahya (tognaan & tabnaan), ayaan dunida ku qaabilaynaa. Hadba mafaahiimteennu inta ay le’eeg tahay ayuun baan dunidana ka fahannaa. Hadba sida uu yahay dareen-laxaweedkeenna gudeed ayuun baan dunidana kula fal-gelnaa. Haddaan si kale u dhigo, dunida innagu dhex qarsoon sida ay u eegtahay uun bay dunida muuqataana u eekaanaysaa.
Haddii aynaan dunidaa qarsoon isugu hawlin sida aynu isugu hawlno wax ka ogaanshaha dunida muuqata, waxaynu garan kari waynaynaa waxa sababa in ay cagsiga u dhacaan waxyaabo badan oo aynu jeclayn in ay u dhacaan sida aynu doonayno
— Mubarak Hadi