Qodobo Kuu Sahlaya Inaad Naftaada Dhisto Oo Aad Noqoto Qof Isku Kalsoon

Qof kasta oo Alle (SWT) abuuray, waxaa la siiyay awood uu naftiisa ugu tiirsanaan karo. Taas oo uu ku fushan karo hawliisa oo dhan, kuna dabooli karo baahiyihiisa. Awooddaasi cid gaar loo siiyay

ma jirto. Waa la wadaagaa oo masa laga wada yahay. Waxase la isku dhaafaa hadba inta awooddaa la adeegsado.

Marar badan baad arkaysaa, awoodda intaa le’eg ee aynu sheegnay oo dad badani ka arradan yihiin. Maalin walba dad hungo ka jooga oo aad mooddo inaan far caaradeed loo darin, ayaad la kulmaysaa oo daf iyo midhiq meel walba ka ah. Waana wax la yaab leh in dadkeenna soomaalida ah, ay iyaga badankoodu caadaysteen inay ku tiirsanaadaan oo gacmaha hoos dhigtaan, bani aadam dhiggooda ah.

Waa sadaqo in aad qof walaalkaa ah oo baahan wax siiso. Hase ahaatee waxa foolxumo ah, ummad dhan oo dhaqan ka dhigatay; inay noloshooda tiiriyaan, wax faro guudkood ah oo ay ka heleen shaqsiyaad iyaga la mid ah. Qoysas badan oo innaga mid ah noloshoodu waxay ku dhisantahay oo ay ku noolyihiin dhaqaalaha yar ee ay soo diraan qurbe joogtu. Taasi oo aynu ognahay inay culays ku tahay dadka soo diraya qudhooda, qaar kale oo badanina waxay ku noolyihiin xooggaaga yar ee ay kusoo helaan shaxaad maalmeedka.

Qof ka bani aadamka ah waxa u sharaf iyo karaamo badan inaanu cid kale baryin ee uu isagu naftiisa ku tiirsanaado. Haddii aad tahay qof aaminsan awoodihiisa, kuna kalsoon waxa ay gacantiisu u goyso waxaa marag madoon ah; inaad dadka dhexdooda ku yeelanayso sharaf iyo cisi. Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa baryo badan iyo bukaan badanba waa la isku nacaa. Rasuulkeenni Maxamed (NNKH) waxa uu ammaanay una duceeyay qofka muruqmaalka ah ee lasoo baxa nololmaalmeedkiisa.

Ku tiirsanaw naftaada, aammin awoodahaaga Rabbi kusiiyay. Noqo qof ku kalsoon naftiisa. Ha is odhan ma samayn kartid, ma qaban kartid, ma gaadhi kartid, ma shaqaysan kartid, fursado shaqooyin ma jiraan, IWM. Waad shaqaysan kartaa, qaban kartaa, gaadhi kartaa himilooyinkaaga oo dhan. Keliya waxaa kaa hortaagan inaad fahantid oo aad qirtid inaad tahay bani aadam Rabbigii abuurtay sharfay oo uu awoodo badan siiyay.

Haddaba sideed ku noqon kartaa qof naftiisa dhisa aamina-na awoodihiisa?. Qodobadan soo socda waxa ay kaa caawin doonaan inaad noqoto qof ku tiirsan naftiisa oo aaminsan waxa ay gacantiisu u goyso:

Ku fakar inaad tahay qof isku filan: markasta waxa ugu mudan oo muhiim ah waxa qofku niyadiisa ku hayo kana dhaadhiciyo. Aammin inaad tahay qof dhamaystiran oo leh awoodo badan. Ku xidhnow naftaada oo la sheekayso. Fahan waxyaabaha aad ku wanagsantahay, kuwa aad ku yara liidatana isku day inaad xoojiso. Ha ku odhan naftaada erayada qalbiga dila. Sida waxba kuma fiicnid, tamar ma lihid, waad hoosaysaa, liidataa, qayrkaa way kaa horreyaan, IWM.

Aamin naftaada: Qofka koowaad ee ay tahay inaad ka hesho aaminaad iyo kalsooni waa naftaada. ku kalsoonow qofka aad tahay. Ma jiro qof kuu dhigma ama kula mid ah adduunkan, lamana soo helayo qof meelkasta aad iskaga mid tihiin amma iskaga mid tihiin oo badalkaaga noqon kara, waana sida Rabbigii ina abuuray ugu talo galay. Sidaa darteed waa kugu ceeb iyo nusqaan ah, inaanad naftaada aaminsanayn oo aanad qiimahaaga aqoon.

Bar naftaada sidii aad u noqon lahayd qof isku filan. Waa sunaha nolosha inaad la kulanto dhibaatooyin kala duwan inta aad nooshahay, balse sida aad u waajahayso ee qofkasta oo innaga mid ahi u waajahayo ayaa kala duwan. Haddii aad awal ahayd qof markasta dadka dhankooda u orda oo gargaar waydiista marka ay arimuhu ku cuslaadaan, waxa fiican oo aan kugu dhiirigelinayaa inaad naftaada ku carbisid inay xalliso oo ay waajahdo dhibaato kasta oo ka hortimaada. Kuma talinayo oo ma lihi, noqo kelidii noole balse adiga oo Allehii ku abuurtay isku xidhaya oo isaga weydiisanaya gargaar, haddana isku day inaad qof ahaan muujiso adkaysi iyo isku filnaansho. Ma jirto mana dhacdo inay kugu timaaddo dhibaato aan xal lahayn. Keliya waxaa kula gudboon inaad indhaha kala furto, kuna fakarto xal sidii aad u heli lahayd.

La saaxiib naftaada oo la sheekayso, ku xidhnaw oo wehel ka dhigo. Waan hubaa inay kuu fududaanayso noloshu oo aad kelidaa waxbadan fushan doontid. Ma cidloon doontid oo waad faraxsanaan doontaa iyada oo aanay cidiba kugu hareeraysnayn. Nafta oo aad la saaxiibtaa waxay kugu abuuraysaa kalsooni farabadan oo aad ku qaabisho mawjadaha kala gedisan ee kusoo maraya.

Baro xirfad aad kusoo saartid nolol maalmeedkaaga. Inaad xirfad barataa waxay kuu sahlaysaa inaad shaqaysato oo aad wax soo saar samayso, umana baahan doontid inaad qayrkaa gacmaha hoorsatid. Haddii hayntu kuu sahashana abuur ganacsi kuu gaar ah, laga yaabee inay kuu ballaadhato oo aad noqoto ganacsade weyn, ogow buuruhuba waa qururux ururay.

Qoddobadan iyo kuwo kale oo badan oo aanan halkan ku sheeginiba waxay kaa caawinayaan inaad noqotid qof naftiisa horumariyay, oo iyada uun ku tiirsan si xor ah.

Nuura Ibraahin

Email: nuura.kaamila@gmail.com

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *