Waa Qoraal Taxane ah uu Qurbo Magazine akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo.
– Qofna ha u quudhin wax aanad naftaada u quudheen. Waxa run ah in sida aad u dhaqanto uun laguula dhaqmaayo. Waxa aanad ogaataa in waxa aad iska dhigto uun aad tahay.
– Ka fogow xaasidnimada, ha xisaabin wax aanad haysan. Tiri oo arag inta aad haysato oo keliya.
– Qof kama dhigi kartid sida aad rabto, mana beddeli kartid, waxa aad beddeli kartaa dabeecaddaada, haddii aad miisaanto aragtidaa iyo sida aad wax u qiimayso dadka oo dhan waad is fahmaysaan, noloshaada oo dhamina waa ay is beddelaysaa.
– Cadhadaada Maamul (Xakamee) haddii kale iyada ayaa ku maamuli doonta.
– Sababaha ugu badan ee keena rabshadda iyo dagaalka waxa ka mid ah Filimada iyo Barnaamijyada Tv-ga ee rabshadda iyo fowdada ah. Wax kasta oo la metelaa run maaha ee ka feejignow khayaaliga..
– Dadka u calool debac, dhibta haysata la dareen, isbar garawshiyaha, waxa aan u jeedaa is bar naxariista, gobannimada, tixgelinta iyo u gargaaridda dadka baahan.
– Naxariistu waxa ay dhistaa korna u qaadda qofnimada, waa huga ugu wacan ee qof isku qurxiyo.
– Bani’aadamka waxa lagu yaqaannaa damac badni iyo danaystenimo, waxa u caado ah in haddii hawl loo diro uu is waydiiyo.. MAXAAD KA FAA’DAYSAA? MAXAA DAN AH EE KUUGU JIRA..? miyaanad dareemin Shaqo kasta oo Ilaahay uu faray dadka in uu u balan qaaday Abaal marin. Isbar dabeecadda ah cid kasta oo hawl kuu fulisa ama dan kuu qabata in aad uga abaal guddo, adiguna waajibaadka aad qabanayso abaal aadame ha ku sugin.
– Astaaamaha muujiya Walaalnimada, Gacaltooyada iyo Saaxiibtinimada waxa ka mid ah in la isu naxariisto, dhibta mid haysatana uu kan kale dareemo.
– Qofna ha ku gargaarin Dhaqan xumo ama dembi. Nasiib darro waxa aynu maanta arkaynaa arintan lidigeeda. Waxa maanta dhib noqotay in qof aad ku qanciso camalka wanaagsan iyo wax-is-tarka. Shar iyo Khayr wixii aad cid ku gargaarto adna qayb ayaad ka tahay.
– Cidna ha ku fiiqin hub (Qori, Baastoolad, Mindi, Budh iwm) xitaa haddii aad ku kaftamayso. Ma Ogtahay in sababta noocan ah ay sannad kasta u geeriyoodaan dad aad u fara badan… Maxaan hub ka sheegi xitaa waxaa badownimo xad dhaafa ah in aad fiiqdo ama dadka ku taagto Faraha, Qalinka, Malqaacadda iwm. Haddii ay dhacdo in aad qof u dhiibto Mindi fadlan Weel ku rid ama wax ku duub, haddii ay ka fursan waydo in aad sideeda ugu dhiibto qaba afka oo daabka qofka u dhiib.
– Ka dheerow ciyaaraha keeni kara khatarta. Caruurta qaar ayaa caadaysatay in ay ku ciyaaraan dhagax tuurista (Shiidka) guryo badan iyo baabuur badan ayaa ay muraayadahoodii galaaftay dhagax tuurkaasi miyaanay ahayn in aynu ubadkeena ku barbaarinno dhibta uu leeyahay dhagax-tuurku, waxa iyana taas kasi daran in dadka qaar ay ciidaha, Aroorsyada iyo Munaasabadaha kalaba ay farxaddooda ku muujiyaan rasaas ridis. Arrintaasi waxa ay halis ku noqotaa amniga iyo xasiloonida deegaanka.
– Ka waran haddii qofku uu isku sawiro haddii uu qabanayo shay danta guud ah sida, geed uu beerayo, dhiig uu ku deeqayo ama sadaqad uu bixiyey. Maan fahmin waxa qof ku kalifi kara arintan. Ilaahay ayaa qofka ka abaal marinaya samofalka uu geysto iyo wanaag kasta oo uu qabto, waana aynu ognahay in Alle aanu u baahnayn in loogu muujiyo wanaagga aad fashay.
– Istusnimo wax ha u iibsan, ha noqon dadka u iibasada dharka iyo qalabka xarragada si loo dareemo heerkooda dhaqaale. Ha ka mid noqon kuwa xafladdaha ama casuumadaha uu abaabula kaliya si loo arko ama la maqlo.
Iska ilaali su’aalaha faduulinimada ah sida, Waa immisa Mushaharkaagu? Immisa ayuu gurigan ama gaadhigani kuugu kiraysan yahay ama aad ku iibsatay? Gurigan ma adigaa leh mise waa kugu kiro? Immisa ayuu ninkaagu biil kuu siiyaa? Waxa laga yaabaa in su’aalaha noocan ahi ay ay qofka diiqad geliyaan. Waa in aynu barannaa dhowrista arrimaha qofka u gaarka ah.
– Haddii aad tagto meelaha la isugu yimaado (Hudheelada cuntada, Maqaaxiyaha iwm.) oo aad aragto cid gaar u fadhida waxa laga yaabaa in ay sheeko gaara leeyihiin ee iska ilaali in aad la fadhiisato ama aad ag fadhiisato. Xitaa haddii aad garanayso, sidoo kale ma fiicna in aad weydiiso in aad la fadhiisan karto, waayo waxaa dhacda in iyaga oo sheeko gaar ah haystay ay ku qaadi kari waayaan oo ay kuu ogolaadaan in aad la fadhiisato, salaam oo meel gaar ah iska tag, markaa kadib haddii ay kuu yeedhaan arag.
– Ha isku dayin in aad sir dhegaysato, ha akhriyin waraaqaha iyo Dhukumantiga dadka kale, isha ha ku xadin wax cid kale haysato. Dadka ilabaxa ahi waxa ay aad u daneeyaan ilaalinta danahooda gaarka ah, iska jir in aad eegto lambarka talefan qof kula fadhiya u soo dhacay, ama farriin loo soo diray, sidoo kale ha baadhin sawirrada ku jira talefanka qofka kale iwm.
– Haddii aynu iska kaashan wayno la dagaalanka dembiga, Sharka iyo Macaasida midkeenna kama badbaadi doono, bulshaduna waa ay burburaysaa. Waxa aan maqal ku hayaa in dalka Maraykanka uu ka jiro sharci loo yaqaanno ISKAASHIGA DERISKA. Oo ah in bulsho wal oo meel wada taallaa ay masuul ka yihiin sidii ay deegaankooda uga dhigi lahaayeen Goob Ammaan ah. Iyaga ayaa ka Masuul ah ilaalinta xuquuqda midba kan kale. Waxa dhacda in ay dadka deriska ahi ay ilaaliyaan wixii aan cadiga ahayn ee ay dareemaan sida, in la ay qabtaan qof si xun baabuurka u dhexwada xaafadda, in ay ka wardoonaan haddii cod yaab lehi uu ka baxo guri deriska ah, in loo fiirsado wixii dhaqdhaqaaq ah ee saacad aan loo baran laga dareemo guri deriska ah, ama laydhka oo si aan loo baran uga baxay guriga. Waxa dhacda in qofkii xaafadda ka mid ah ee arka qof khashin ku qubaya meel aan loogu talo gelini uu qabto, ama xitaa ay xaafaddaasi booliska uga ashkatooto haddii dhisme aan deegaanka u fiicnayn laga dhiso. Waxaas oo dhan waxa ay si degdeg ah ula socodsiiyaan Booliska ama ciddii kale ee qaabilsan ammaanka. Waxaas oo war ah ugama jeedo aynu ku dayanno Maraykan ama aynu duruus ka baranno cid aan inala diin ama dhaqan ahayn, waxa aan uga jeedaa Dhaqankani ma dhaqan Maraykanbaa mise waa mid Islaam..? Miyaanay innaga diinteena Islaamku ina farin Xuquuqda Deriska.
– Ha ku Kaftamin Cabsi gelin iyo Ka nixinta dadka: Waxa aan dhowaan maqlay in Gabadh waayeel ahayd dhakhtar loola cararay kadib markii Inan (Wiil) ay ayeeyo u tahay uu ka nixiyay iyada oo aan iska filayn kadibna uu wadnuhu istaagi gaadhay. Maxaa faa’do ku jirta ciyaar noocaas ah?! Iska jir wax kasta oo naxdin lama filaana ku keeni kara qof. Xitaa ma fiicna daawashada iyo ka sheekaynta filimada naxdinta iyo Argagaxa ah. Iska jir ka sasinta carruurta. Waxa aad u khatar ah inaad qof kaga bajiso Meel aad u dheer, Gudcur, Biyo, Dab, Dhiig, Cidla IWM. Ogoo in wax aynu riwaayad u naqaannaa uu khalkhalin karo amaba uu galaafan karo qofka noloshiisa oo dhan.
– Waa in aad xaddidaa (Xakamaysaa) baahidaada jinsiga ah, inta aanay dabarka goosan guurso. Dhaqan xumada soo kordhaysa waxa ka mid ah in la arko nin ama gabadh xaas leh oo haddana aanay indhahoodu gafayn qof kastaoo bilic leh oo ay halacsadaan. Nasiib darradu waa in qaar badan oo inaga mid ahi aanay dhib u arkayn arintan. Muxuu macno samaynayaa guurku haddii aanu qofka xakamaynayn.
– Haddii qof aad sheeko wadaag tihiin u arag in warka aad is dhaafsataan uu sir yahay. Xitaa haddii aanu kaa dalban in aad qariso. Haddii ay ka fursan waydo, inta aanad sheegin hubi sida uu u arkayo isagu.
– Qofna dabadiisa ha ka hadlin, waayo waa xantii ay diintu inoo diiday. Nasiib darradu waxa ay tahay, dad badan ayaa u haysta in xantu ay tahay qofka oo lagu sheego wax aanu ahayn (Been laga sheego). Xasuusnoow, qofka oo wax aan jirin laga sheegaa waa Masabid, (Hafar). Haddii waxa qofka laga sheegay ay yihiin runna waa Xan. Labada jeerba waa dambigii oo kolba magac qaatay.
– Dadku inta badan waxa ay wax ka sheegaan dadka ka maqan, laakiin ogow si kasta oo aad u qariso qofka aad xamatay si ayuun buu u ogaanayaa. Cid aan ahayn qofka aad xamatay kaama saamixi karto dambigeeda, ee cafis weydiiso.
– Haddii aad aragto qof wax xamanaya u muuji in aanad ka raali ahayn iyo in aanad rabin dhegaysigeeda. Cidina ma jecla qof xan badan. Ma ogtahay, qofka warka kuu keenaa in uu adna kaa qaado.
– Iska ilaali in aad faafiso war (Sir) aad cid kale ka ogaatay. Haddii ay khasab noqoto in aad sheegto arrintaas iska ilaali in aad cid magac-dhowdo.
– Haddii aad sida saxda ah aaminsantahay, oo aad ogtahay in wax Ilaah kuu qoray oo kali ahi kugu dhacayaan, maxaad wax u karaahiyaysan ama qof u baasaysan. Ka fogow isticmaalka ereyada karaahiyaysiga sida, Shidh, (Shit), Ish, Uf, iwm. Waxba ha karaahiyaysan waligaa, xayawaanna ha ahaato ee.
– Haddii uu qof ku caayo ama uu si xun kuula macaamilo, markiiba ha aargoosan, ogow haddii qof ku caayay adna aad cay ugu jawaabto wax aad ku kala duwan tihiin ma jirto, oo aan ahayn in aad ku kala yara horayseen dambiga.
Hadyadda:
– Ha dayicin fursad aad qof kugu dheer ku gaadhsiin karto hadyada ama ugu yaraan Salaan qaaliya.
– Ha ka warwarin hadyad lagu siiyey yarideeda, muhiimaddu maaha qiimaha shayga ee waa in uu qofkani ku xasuustay kuuna muujiyey in uu kuu gacan furan yahay.
– Hadyaddu waxa ay beertaa Kalgacalka, waxa aanay kordhisaa Jacaylka.
– Hadyad aad cid siin lahayd ha la sugin Xaflad ama Munaasabad gaar ah oo aad bixiso. Mar kasta bixi hadyadda. Miyaanay qurux badnayn in aynu hadyad haba yaraato ee u qaadno marka aynu soo booqanayno Ehel ama Asxaab.
– Waxa aad ku dadaashaa in aad bixiso hadyadda Cimriga dheer leh, halkii aad casho ama Sharaab qof uga qaadi lahayd uga iibi shay sida, Shaadh, toob, Saacad, Kabo, Qalin IWM.
– Haddii aad ilma yar hadyad siinayso, sii wax mustaqbalkiisa wax tara, sida in aad ka bixiso lacagta waxbarashada ama in aad geyso dugsi fiican oo aad u doortay.
– Haddii hadyad laguu keeno ha u eegin in aad u baahantahay iyo in kale ee waxa aad u eegtada qiimaha kalgacalka uu qofku kugu xasuustay.
– Ceeb maaha in hadyad lagu siiyay aad u sii hibayso qof kale, laakiin ku dadaal in xitaa haddii aanad u baahnayn aad haysato hadyadda lagu siiyay qofka aad hadyadda siin lahaydna mid kale u raadi.
– Si kasta oo uu u xumaado xidhiidhka aad la leedahay qof mar hore aad hadyad siiysay dib ha ugagga noqon.
– Qof hadyad hore ku siiyay ha u celin haddiiba uu xumaado xidhiidhkiinu haddii ay ka fursan waydo in aanad haysan sii qof kale oo u baahan.
– Cadarka wanaagsan hadyad ka wanaagsani ma jirto ee la ogow cidda aad wax u hadyadaynayso.
– Haddii hadyad laguugu keeno Weel, Shandad ama shay aad celinayso ha Celin isaga oo madhan, haddii aad buuxin kari waydo, wax uun ku rid, laakiin ha ka duwanaado hadyaddii marka hore laguu soo hadyadeeyey.
Aragtida;
– Xaq ayaad u leedahay in aad qof wax ku khilaafi karto, laakiin adiga oo aan cadhoon qofkana hiifin sheeg dooddaada. U hadal sida ugu habboon ee ixtiraamku ka muuqdo, halkii aad ka odhan lahayd. “Waad khladan tahay..” Maad tidhaahdid, “Ma xuma aragtidaadu, laakiin aniga si sidaa in yar ka duwan ayaa ay ila muuqataa…” Uma jeedo ka tanaasul wax aad hubto saxnaanshiyaheeda, waxa aan rabaa adiga oo aan cid weerarin in aad muujiso muuji in aragtidaadu saxan tahay.
– Ha filan in dadku ay mar walba ku waafaqaan. Xitaa haddii aad hubto in aad saxantahay cid ayuun ku khilaafaysa. – — Noqo qof dabacsan oo furfuran, dadka dhegayso, haddii aanad ku waafaqsanayn waxa uu ka hadlayo qofka kula hadlayaa, ugu jawaab si deggen adiga oo taaganna u jawaab, oo hadalka badhkii ha odhan marka aad dhaqaaqdo.