QISO CIBRO QAADASHO MUDAN: Caruurta Waa Nimco…

Caruurta waa nimco alle nagu mannadeestay, waalidkane waxaa ka saaran xuquuq badan oo hadduu dayaco uu alle kula xisaabtami doono.

Hadda ka hor ayaa hooyo ilmaheedii inta ay guriga kor kaga xirtay suuqa ka aaday, waxayna guriga kaga tagya 3 caruura, wiil ayaa ugu waynaa wuxuuna jiray 10 sano, hooyadii suuqa ayay ku soo daahday, waqtiguna waa galab gaab, albaabka guriga hortiisa ayaa caruurtii dariska ciyaar banooni ka billaabeen.

Wiilkii 10 sano jirka ahaa, wuxuu go’aansaday inuu ganjeelka / albaabka kore fuulo, kadibne ka dago si uu ula ciyaaro asxaabtiisa.

Nasiib xumo wiilkii intuu ka sii dagayay ayaa biraha ganjeelka korkiisa ka taagan ayaa qooraha u galay, wuuna ka dhacay, wiilkii oo aad u dhiigbaxay oo qoorihii dillaaceen oo hal xaniin kaliya ka laalaado ayaa isbitaalka la keenay, kuwii kale ee ka yaryaraa iyagane guriga ayaa looga soo tagay.

Hooyadii ayaa maqribadii suuqa ka timid, dariska ayaa u sheegay in wiilkeedii isbitaalka loola cararay, isbitaalka markii ay timid iyadoo aad u naxsan ayaan is aragnay.

Waxaan waydiiyay maxaa ilmaha uga tagtay oo suuqa u aaday, soo ma ogid arrintaan iyo wax ka daran inay dhici karaan?

Waxay ii sheegtay inay suuqa dukaan ku leedahay oo ay galab kasta aado, ilmahane sidaa yeeli jirtay muddo!!!.

Aad baan ula yaabay qalbi adeegga hooyadaas, waana la taliyay…


Way jiraan sheekooyin kaloo badan oo aan la kulmay oo ka tarjumayo dayacaada waalidka ay ilmahooda ku sameeyaan iyagoo aan ugu talagalin, sida caruur yar oo marooyinkii ay ku jiifeen isku duuduubay ayna sidaa naqaska ugu dhagay inta ay hooyadu is dhahaysay dukaanka xaafada wax ka soo qabso.

Waxaan kaloo la kulmay laba cunug oo isla dhalatay oo koronto qabatay intay hooyadu ku maqnayd dariska oo alaab ka doonatay, kadibne sheeko u fadhiisatay, ilmihii midkii yaraa wuu dhintay kii kalane isagoo suuxsan ayaa isbitaal loola cararay.

Waxaan kaloo la kulmay ilmo la isaga tagay oo kii weynaa kii yaraa meesha nushnushleyda ah far ka geliyay isagoo la yaaban meeshaan jilcan ee boodboodayso, waalidkuna wuu ka maqnaa.

Lama soo koobi karo sheekooyinka naxtinta badan ee ka dhaca guryaheenna, kana dhasha dayacaadda waalidka ay ilmahooda u geestaan.

Waxaan waalidka sidaa sameeyo kula talinayaa, in caruurtaas wixii dayacaad dartii u gaaro lagu waydiin doono, Ogow haddii caruurtaada dayac dartiis dhibaato u gaaraan, murugada ka dhalato si sahlan kaagama hari doonto oo waligaa waa is canaanan doontaa, xiriirka aad la leedahay lamaanahaagane ma wanaagsanaan doono oo raad bay ku reebaysaa.

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

Somalidoc

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *