Masagadu waxa ay ka mid tahay badarrada ugu qadiimsan ee la beerto waxaana muddo kumanaan sano ah lagu beeran jiray oo laga cuni jiray Koonfur Bari Asia iyo Afrika. Waa badarka shanaad ee loogu beerasho badan yahay caalamka, waxaa ka horreeya heedda, bariiska, qamadiga iyo galleyda.
Masagadu waa il hodan ku ah barootiin, faybar, fitamiinno iyo macdano muhiim ah.
Daraasado dhowaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in masagada ay tahay badar aan lahayn “gluten”, Waxaa jira dad badan oo qaba cilladda xasaasiyada maadada “gluten” ee ku jirta cunnooyinka qaar sida qamadiga. Sii akhri faa’idooyinka tirada badan ee laga helo cunista masagada:
Kor u qaadista caafimaadka wadnaha:
Masagada waxaa ku badan faybarka oo door wayn ka ciyaaraa hoos u u dhigista kolestaroolka xun islamarkaana kordhiya kolestaroolka wanaagsan. Waxaa intaas dheer, masagadu waa il muhiim ah oo laga helo magnesium oo yaraysa halista wadne qabadka. Sidoo kale, maadada potassium ee ku jirta masagada waxay xakamaysaa dhiig karka waxayna yaraysaa wadne xanuunka.
Kontaroolista heerka sonkorta dhiigga:
Waxaa la aaminsan yahay in masagadu ay tahay badar faaido u leh dadka qaba xanuunka sonkorowga sababtoo ah waxay hodan ku tahay maadada faybar iyo nooc kaarbohydrate-ka ka mid ah oo la yiraahdo “non-starchy polysaccharides” oo sida la ogyahay caawisa xakamaynta heerka sonkorta dhiigga.
Daraasad lagu daabacay Joornaalka Cilmi-baarista Caafimaadka ee Hindiya ayaa lagu arkay in bukaannada qaba xanuunka sonkorowga nooca 2-aad ee subax kasta ku quraacda masagada ay hoos u dhigto heerka sonkorta dhiiigga.
Ka hortagga kansarka:
Waxay masagadu qani ku tahay maadooyinka “phenolic acids”, “tannins” iyo “phytates” kuwaas oo caawiya ka hortagga koriimada unugyada kansarka. Daraasad la sameeyay ayaa lagu arkay in masagadu ay yareyso khatarta cudurka kansarka sababtunta waa maadooyinka “polyphenols” iyo faybar ee ku jira badarkan.
Ma lahan Gluten (gluten free):
Waxaa jira dad qaba xanuunka la yiraahdo “celiac disease” oo ah cillad difaaca jirka ah oo lid ku ah maadada la magacaabo “gluten” oo cuntada qaar ku jirta, sidaas darteed wixii cunto ah oo maadada gluten jirku ku arko wuu weeraraa, weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacma unugyada mindhicirrada khaas ahaan meelaha cuntada laga nuugo maadaama jirka uu diidan yahay in cuntadaas jirka uu nuugo. Dadka cilladaan qabo waxay cuni karaan masagadda beddelka qamadiga.
Hoos u dhigista hurka/lurka (inflamation):
Masagadu waa il qani ku ah aashitada “ferulic” oo ah sunsaare iyo lur-bi’iye awood leh. Waxay caawisaa ka hortagga dhaawaca nudaha waxayna dedejisaa bogsashada dhaawacyada.
Caafimaadka dheefshiidka:
Faybarka ku jira masagada wuxuu ka qayb qaataa caafimaadka qabka dheefshiidka, wuxuuna yareeyaa cilladaha caloosha iyo mindhicirrada sida calool istaagga, dibirada iyo majiirka. Sidoo kale wuxuu ka hortagaa boogaha ku dhasha caloosha.
Masagadu waxay kaloo qani ku tahay maadooyinka “prebiotics” iyo “probiotics” oo kaalin wayn ka ciyaara kordhinta bakteeriyada nacfiga leh ee caloosha.
Sun-saarista:
Masagada waxaa ku jirta maadada jirka sunta ka saarta ee la yiraahdo “polyphenol” oo ka hortagta waxaa loo yaqaanno “free radicals” kuwaas oo lala xiriiriyo cudurrada raagga iyo cimri deg-degga. Sidoo kale maadooyinka sunsaaristu waxay jirka ka nadiifiyaan sunta, sidaas awgeed waxay wanaajiyaan caafimaadka guud waxayna ka hortagaan cudurrada raagga
Khasaaraha masagada:
Inkastoo masagada ay ka buuxaan fitamiinno iyo macdano muhiim ah, sidoo kale waxaa ku jira maadooyinka “phenolic acids”, “tannins” iyo “phytates” oo keeni kara in jirku cuntada ka nuugi kari waayo nafaqooyinka sida macdanaha xadiidka, zinc iyo kalsiyaam.
Walxaha lidka-nafaqada ee ku jira masagada waxaa lagu yareyn karaa in masagada biyo lagu radiyo inta aan la karin ka hor. Habeenkii ayaa biyo lagu dhigaa subaxa xigana waa karsadaa.