Qiimaha Caafimaad Ee Lawska Iyo Ahmiyadda Uu Leeyahay Ragga & Dumarka

faaidooyinka lawska,

Lawska waxa uu ka mid yahay cunnooyinka loogu magac daray “superfoods” sababtuna waa waxtarka uu u leeyahay qeyb kasta oo jirka ka mid ah, faa’idooyinkiisuna ma ahan kuwo la soo koobi karo, wuxuu yareeyaa cayilka xad dhaafka ah, wuxuu ka hortagaa cudurka sonkorowga, wuxuuna sare uu qaadaa caafimaadka wadnaha. Sidoo kale cunista lawsku waxay uroontahay qurxinta maqaarka iyo timaha.

Waxaa lawska ku jira dufanno caafimaadka uroon, fiber, barootiin, macdanaha magnesium, phosphorus, selenium iyo fitamiinno uu ka mid yahay fitamiin E.

Lawsku waxa uu ragga u leeyahay faa’idooyin waa wayn, waxa uu ka ilaaliyaa kansarka qajirka xiniinyaha ee borostaytka iyo kacsi la’aanta, wuxuuna sare u qaadaa tayada unugyada shahwada.

Cunista lawska dumarku waxay ka helaan qurux, waxaa ku badan fitamiin E, maqaarka wuu iftiimiyaa timahana wuu jilciyaa.

Faaidooyinka caafimaad ee lawska:

Asiidhada duxda ah ee Omega3:

Lawska waxaa ka buuxa Dufanka omega 3 oo ka mid ah nafaqooyinka ugu fiican ee jirka. Wuxuu ilaaliyaa caafimaadka wadnaha, wuxuu la dagaallamaa kolestaroolka, waxaana uu uroon yahay maqaarka.

Fitamiin E:

Lawska waxaa ku badan fitamiin E, kaas oo dhalaal siiya maqaarka, islamarkaanaa daahiya soo shaac bixidda astaamaha duqnimada.

Xakamaynta heerka kolestaroolka:

Noocyada kala duwan ee lawska waxaa laga helaa kolestaroolka faaidada leh, sida oo kale waxa ay nidaamiyaan heerka kolestaroolka dhibaatada leh ee dhiigga.

Maskaxda:

Lawska waxaa laga helaa fitamiin E iyo noocyada fitamiin B oo ka shaqaysiiyaa maskaxda. Sidaa oo kale, maadooyinkani waxa ay ay ka hortagaan cudurrada maskaxda sida cudurka xasuusta lumiya ee Alzheimer’s.

Uurka:

Hooyooyinka uurka leh waxaa lagula dardaarmaa inay badsadaan lawska maadaama ay ka helaan maadada folic acid oo muhiim u ah koriimada uurjiifka, kana hortagta inuu cillad ku dhasho.

Tayada Shahwada ragga:

Lawsku wuxuu faaidooyin gaar ah u leeyahay ragga. Cunista lawsku waxa ay wanaajisaa socodka iyo tayada unugyada shahwada.

Kordhinta tamarta:

Lawska waxaa laga helaa tamar badan, xoogaa laws ah oo aad cunto subaxdii, waxa ay ku siinaysaa tamar saacado badan ah.

Ka hortagga kansarka borostaytka:

Lawsku wuxuu hodan ku yahay macdanta selenium, waxa uu ragga ka ilaaliyaa kansarka ku dhaca qanjirka manida ee borostaytka. Waxaa la arkay in lawsku uu 60% yareeyo halista kansarka borostaytka.

Xoojinta difaaca jirka:

Lawska waxaa ku jira nafaqooyin kala duwan oo awood siiya difaaca jirka.

Kacsi la’aanta:

lawsku wuxuu uroon yahay ragga qaba cillada kacsi la’aanta, wuxuu dejiyaa xididada dhiigga wuxuuna hagaajiyaa qulqulka dhiigga ee gaaraya xubnaha taranka.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *