Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil kastaana isaga dhexdiisa ayaa isugu aqoon badan oo cid kale oo kasta ka fahmi og habdhaqankiisa, iyo dabeecadihiisa gaarka ah.

Qormadan waxa aynu ku eegi doonnaa dabeecadaha iyo Tilmaamaha jiil kasta ku badan ee ay tahay, in qof kasta oo la macaamilayaa uu fahmo. Sida ay Qoraa Jean M. Twenge ku sheegayso buugga ‘Generations’, sababta mararka qaarkood isfahmi waaga ka dhex abuurta qoysaska xubnahoodu kala faca yihiin, waa jiilasha ay ka kooban yihiin oo aan fahmin kala dabeecad duwanaantooda. Taasi waxa ay ina baraysaa muhiimadda ay leedahay in waalidka, macalinka, iyo hoggaamiyuhuba ay fahmaan jiilka ay la macaamilayaan, si aanu is fahmi waa uga dhex qarxin

Meelaha ay jiilasha hore iyo kuwan dambe aad ugu kala duwan yihiinna waxaa ka mid ah:

1. Teknoolajiyadda oo muhiimad weyn u leh jiilba jiilka uu ka dambeeyo, halka laga yaabo in jiilba jiilka uu ka horreeyaa aanu sidaas u arkayn, ama uu liidayaba.

2. Nolosha casriga ah oo fahamka iyo sawirka ay jiilba jiilka uu ka dambeeyo ka siinayo maararrowga, raaxada, quruxda iyo mudnaantu, uu ka duwan yahay jiilkii hore inta sawirka ay siisay.

3. Xawaaraha nolosha casriga ahi wadato oo sidii hore ka dedejinaya muddada uu ilmaha jiilka dambe ahi maskax ahaan ku bislaanayo, isla markaana doonayo in ku madaxbannaanaado, laakiin jiilka hore aanu la fahmayn taas.

Qaar ka mid ah dabeecadaha jiil kasta u gaarka ah

1. Jiilka Aamusane (Dhashay 1928-1945):

Dabeecadaha jiilkan waxaa ka mid ahaa, shaqo badnaan, lexe jacayl. Waxa ay jecelyihiin waxyaabaha rasmiga ah (Formal), xushmo badnaan, edeb badnaan, iyo in ay dareenkooda iyo caadifaddooda qarsadaan.

2. Jiilka Taranta (Dhashay 1946-1964)

Niyadwanaaggaa ku badan. Helidda fikradaha quruxda badan ayaa ay caan ku yihiin, laakiin waa fikrado u badan khayaal oo rumayntoodu ay adagtahay. Waa dad jecel oo si gaar ah u qaddariya in xidhiidhkooda dadku uu noqdo kulanka tooska ah iyo war-isgaadhsiinta fool ka foolka ah, (Tusaale ahaan, aan talefan ahayn), waxa aanay caan ku yihiin shaqowanaag iyo anshax shaqo oo sarreeya.

Jiilka X (Dhashay 1965-1980)

Waa dad xariif ku ah xeeladaha nolosha lagaga dabaalan karo, waxa ay aad ugu fiican yihiin Maaraynta hawlahooda iyo in ay dhibaatada xalliyaan. Waa dad jecel in madaxbannaanida oo ku filan in ay isku tashadaaan. Waxa se ay caan ku yihiin, kalsooni darro iyo aaminaad la’aanta dadka madaxda ah ama awoodda iyo maamulka leh oo ay adagtahay in ay isku halleeyaan ama aaminaanba.

Dabeecadahooda waxaa ka mid ah, dabacsanaan aan iskallifaad iyo ka badbadinta aqoonin, jecel isu dheellitirka waajibaadka shaqo ee ay tahay in ay gutaan iyo waqtiga ay ka mudan tahay in ay siiyaan noloshooda shakhsiga ahi. Dad Istusnimada neceb oo Naftooda runta u sheega. Teknoolajiyadda isticmaalkeedana ku raalli ah, waxna ka fahamsan, in kasta oo aanay aad ugu maskax furnayn fahamkeeda.

Jiilka y (dulmane) dhashay 1981-1996:

Waa jiil ku fiican ka faa’idaysiga Teknoolajiyadda. Waxaa ku abuuran ruux hal-abuur iyo horyaalnimo, wacyigiisa bulshana dhisanyahay. Waxa ay aaminsanyihiin in shaqada iyo nolosha shakhsiga ah si qurux badan la isugu wadi karo. Waxa ay qiimo badan siiyaan war-isgaadhsiinta iyo xidhiidhka teknoolajiyadda la isumarinayo, waxa aanay u furfuran yihiin qaadashada afkaarta ka duwan, dhegeysiga aragtiyaha kale iyo ogolaanshiyaha kala duwanaanshiyaha.

Nolosha casriga ah iyo horumarka dunida ka hirgalay ee uu la hanaqaaday, waxa uu ku kallifay in uu noqdo jiil jecel waxbarashada iyo in uu meelo sare ka gaadho aqoonta sayniska iyo Teknoolajiyada, iwm. muddo dheerna uu waxbarashada ku qaato. Waxaa lagu tiriyaa in uu yahay, illaa hadda jiilkii ugu badnaa aqoonta iyo ogaalka baanaa ee dunida soo mara, laakiin taasi waxa ay keentay in dhalinyarada jiilkan badankooda uu guurku ka dib dhaco, taasina ay yarayso tarantii.

Horumarkaas teknoolajiyaddu waxa uu abuuray niyadwanaag iyo filasho qurux badan, taas oo sababtay in uu noqdo jiil naftiisa kalsooni dheeraad ah ku qaba.

Si kastaba ha ahaato e, buugga “Generations’ waxa uu ku doodayaa, jiilkan oo ah da’da hanaqaadkeedu ku bilowday bilowga kunka labaad ee kaltirsiga miilaadiga (2000), in ay la nooladeen dulmi ay ka mid tahay in dabagal iyo cadaadis aad u badan ay kala kulmeen waalidka, macalinka iyo dadka waaweyn ee barbaarintooda gacanta ku haya.

Isticmaalka warbaahinta bulshada, iyo teknoolajiyadda casriga ah oo xilligan dunida aad ugu badatay awgeed, waalidka iyo dadka waaweyni sas badan ayaa ay kula socdaan xaalka jiilkan, iyaga oo ka cabsi qaba in ay ku hallaabaan, taas ayaana keentay in si gaar ah loo ilaaliyo.

Jiilka Z (Dhashay 1997-2012):

Waa bulsho dunida Teknoolajiyadda iyo Dhijitaalka (Digital) dhalad u ah, hal-abuur badan, horusocod ah, jecel awoodaha iyo daacadnimada iyo in uu Naftiisa run kula noolaado. Waxa uu jecelyahay war-isgaadhsiinta iyo xidhiidhka maqal iyo muuqaalka ah, waxa aanu xiise gaar ah siiyaa ka hadalka, ka doodista iyo daraasaynta qadiyadaha bulsho.

Buugga ‘Generations’ waxa uu ku doodayaa in jiilka Z uu caan ku yahay koritaan iyo bisayl maskaxeed oo xawaare aad u sarreeya ku socda. Waa jiil dhiirran oo jecel in uu sameeyo wax kasta oo uu u arko in ay suurtagal tahay, weliba sida ugu dhaqsaha badan ugu dhaqaaqo.

Waxaa intaas dheer in uu yahay jiil ismiidaaminta iyo tijaabada wax ku cusubi ay ku badan tahay, sidaas awgeed waa jiil jiilashii hore oo dhan kaga dhiirran guurka, sida oo kalana kaga dhiirran burburka qoyska, waana sababta uu furniinku ugu sii badanayo.

Maadaama oo uu ku indha furay isbeddelka Teknoolajiyada ee xawaaraha sare ku socdo, waxa uu u diyaarsanyahay, si fiicanna u bartay siyaabaha ugu badan ee uu uga faa’idaysan karo, si uu u helo shaqooyin cusub oo jiilalkii ka horreeyey aanay aqoon u lahayn.

Buuggu waxa uu ku doodayaa in jiilka Z uu xilligiisa isagu boqor ka yahay oo aanay jiilalkii ka horreeyey wax saamayn ah ku yeelan karin, ama xitaa maamuli karin. Waxa uu ku falanyahay caannimo jacayl, waqtigiisa ugu badanna waxa uu geliyaa in uu in uu maro jid kasta oo uu bulshada kaga dhex muuqan karo.

FG: Muuqaalka kore waa sawirka buugga ‘Generations’ ee xogtan qayb ahaan aynnu ka soo qaadannay

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

Faa’idooyinka Ay Leedahay In La Yareeyo Isticmaalka Baraha Bulshada

Isticmaalka baraha bulshada waxa aynnu ka helnaa aqoon guud iyo xogo marar ka qaarkood waxtar …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *