QALBIGAAGA DAWEE SI AAD HORE UGU SOCOTO

  1. Marka qof loollan idinka dhexeeyo, laguu ammaano; aqoontiisa, kartidiisa, waxtarkiisa bulsho, cadaaladdiisa iyo wax kale oo kasta oo fiican?
    AMA qof aad nolosha isku heer ka ahaydeen, kaaga hormaro waxbarasho, shaqo, mansab, maaliyad ama wax kasta oo kale oo aad ku loollamayseen ..

= HADDII AAD KA XUMAANSHIYO DAREENTO WAXA AAD OGAATAA IN AAD NIYADXUMO QABTO OO QALBIGAAGU AANU SAAFI AHAYN. KUNA DADAAL IN AAD IS DAWEYSO, SI AAD HORE UGU SOCOTO

  1. Haddii aad isku aragto dhaqan ah in qof warkiisa aad beeniso adiga oo aan marag iyo caddayn haynin, ama aad rumaysato keliya maadaama oo uu rayigaaga kugu waafaqay…

= WAXA AAD OGAATAA IN AAD NAFSAD AHAAN U BUGTO OO AANU QALBIGAAGU SAAFI AHAYN. DHAQSO U DAWEE QALBIGA SI AAD HORE UGU SOCOTO..

  1. Haddii aad qof male qaldan ka malaysato, tusaale ahaan aad iska go’aansato in hebel jecelyahay in uu sidaas (Si ay adiga kula tahay) noqdo.. ama sidaas ayuu u jeedaa iyo sidaas ayuu doonayaa.

= WAXA AAD OGAATAA IN AAD NAFSAD AHAAN U BUGTO OO AANU QALBIGAAGU SAAFI AHAYN.

–Kamaal Marjaan

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *