Cadaadiska dhan walba ka imanaya, ulayska shaqo iyo guud ahaanba hawlawha nolosha casriga ah ku lammaani waxa ay sababeen in daalku uu ka mid noqdo nololmaalmeedka qofka. Cadaadiska dhan walba qofka kaga imanaya. Daalkaas iyo burburkaas qofku joogtada u qabaa waxa uu marar badan ka hor istaagaa in uu ku raaxaysto noloshiisa, si nafsi ahna u dareemo baahida uu u qabo gooni joognimo iyo in uu nasto.
Qormadan oo aynu ka soo qaadannay shabakadda Alcarab, waxa aynu ku eegaynaa habab ay tahay in uu raaco qofka doonaya in uu daalkaas iska yareeyo iyo talooyin ku habboon in uu dib u soo ceshado firfircoonidiisa.
Biyo:
Marar badan waxaa dhacda in sababta daalkuba ay tahay jidhkeenna oo ingag ama biyo la’aani hayso, unugyadii jidhkuna ay waayeen xaddi ku habboon oo biyo iyo dareere ah. Haddaba in la cabbo biyo aad u badan iyo guud ahaanba cabbitaannadu waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha yareeya dalka ama kaxeeya.
Hurdo:
In qofku uu helo hurdo ku filani waxa ay ka mid tahay raaxada uu jidhku u baahan yahay. Soo jeedka habeennimo ee badanina waxa uu yareeyaa firfircoonida jidhka, waxa aanu ku keenaa daal. Daalka hurdo la’aantu keentaa waxa uu aad u soo baxaa marka uu qofku isaga oo hurdo la’aan tirsanaya shaqeeyo. Waxa kale oo fiican in qofku uu duhurka kaddib qaato waqti yar oo hurdo ah, si ay dib ugu soo noolaato firfircoonida jidhku.
Cunto:
In la cuno cunto caafimaad ahaan jidhka u fiican, una badan khudradda noocyadeeda kala duwan, gaar ahaan marka ay darayga tahay, waxa ay ka mid tahay waxyaabaha daalka ka kaxeeya jidhka. Waxa kale oo uu jidhku u baahan yahay in uu helo cunto jidhka gelisa Kaarboohaydarayt, si uu uga qaato tamar. Cuntooyinka kale ee dalka kaxeeya waxaa ka mid ah Faytamiin ‘C’ cuntooyinka hodanka ku ah maadadda ‘Magnesium’ oo ka masuul ah kordhinta tamarta, nafaqooyinka hodanka ku ah maadadda xadidka ee jidhk ka ilaalisa xadiidka, iyo in laga fogaado cunsita cuntooyinka ay ku badan tahay sonkortu; sida buskudka, sharaabbada qasacadaysan, iyo cuntooyinka dufanku ku badan yahay oo iyaguna sababo caajis iyo wahsi.
Maydhasho:
In biyo diirran lagu maydhaa waxa ay jidhka ka kaxaysaa daalka iyo burburka, waxa aanay dib u soo noolaysaa firfircoonida jidhka.
Socodka hawada furan:
In la lugeeyo bannaanka ama meesha hawadeedu furan tahay, oo ay fallaadhaha qorraxdu jidhka ku dhacayaan waxa ay caawisaa in ay si habsami ah u hawlgasho tamarta jidhka ku jirtaa.
Kaafiyeen:
Koob bun ah oo la cabbaa waxa keentaa shucuur firfircooni ah, laakiin cabitaannada leh maadadda Kaafiyeen (Caffeine) ee bunku ka mid yahay, oo aad la isugu badiyaa waxa ay sababaan in kaadida qofku badato, sidaas awgeedna uu dareer badani ka baxo jidhka. Jidhka oo dareeruhu ka baxaana waxa ay keenaysaa ingagga daalka iyo burburka sababaya.
Jimicsi:
In qofku uu jimicsado uguyaraan saacad badhkeed maalin kasta, waxa ay firfircooni gelisaa wareegga dhiigga, waxa aanay xoojisaa wadnaha, taas oo keenaysa in qofku uu dareemo firfircooni dheeraad ah.
Nafsadda:
Waa muhiim in laga fogaado dhammaan ilaha iyo duruufaha ay kai man karaan xaaladaha nafsiga ah, sida warwarka, sakatiga, cabsida, culayska nafsiga ah. Dhammaan dareennada nafsiga ahi waxa ay jidhka ku keenaan daal iyo burbur badan. Haddii uu qofku la kulmo xaaladahan waxaa waajib ah in uu sida ugu dhaqsaha badan uga fikiro hab togan oo uu sida ugu dhaqsaha badan uga bixi karo.
Soonka:
Soonku waxa uu jidhka ka nadiifiyaa sunta / mariidka ka dhasha cuntooyinka kala duwan ee aynu cunayno. Haddii suntaasi jidhka ka bixi weydo, marka ay ururto xaaladaha ah keento waxaa ka mid ah burbur jidhka ah, iyo qofka oo awoodi kari waaya in uu si habsami ah u guto hawlihiisa maalinlaha ah.
Diyaariye: Kamaal Marjaan
-Wargeyska Geeska Africa