Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa habab dabiici ah oo kordhin kara fursadda uur qaadista.

La soco wareegga caadada:

Xilliga ugu habboon ee uur la qaado waa xilliga ugxanta la soo daayo oo ay diyaar u tahay in la bacrimiyo, inkastoo dumarku ay ku kala duwanaan karaan haddana waxaa maalintaas lagu qiyaasaa in ay ku beegan tahay maalinta 14-aad wareegga caadada, si aad maalinta saxda ah u ogaato waa in marka hore caadadaada ay tahay mid saxan oo aan khalkhal ku jirin.

Waxaa jira qalab kaadida lagu baadho oo aad farmashiga ka soo iibsan karto oo loo yaqaanno “ovulation predictor kit” kaas oo ay shaqadiisu tahay in xilliga ugxanta la soo daynayo uu kuu xisaabiyo iyada oo kaadida laga eegayo heerarka hormoonnada.

Kulan joogto ah:

Xidhiidhka gogosha ee joogtada ah, khaasattan xilliga ugxanta ay diyaarka u tahay in la bacrimiyo waxa ay siyaadisaa fursadda uur qaadista.

Ilaali miisaankaaga:

Miisaan yarida xad dhaafka ah iyo cayilka badan labaduba waxa ay saameeyaan bacrinimada. Haweenka qaar cayilku waxa uu ka hor istaaggaa in ay uur qaadaan. In lagu dadaalo miisaan caafimaad leh waxa ay muhiim u tahay dheellitirka hormoonnada iyo caafimaadka habdhiska taranka. La tasho khabiir caafimaad si uu kaaga caawiyo miisaanka ku habboon bacrinimada ama awoodda uuraysiga.

Seexo hurdo kugu filan:

Hurdo yaridu waxa ay raad taban ku yeelan kartaa bacrinimada. Daraasad la sameeyay ayaa iftiimisay in hurdo yaridu ay hoos u dhigto fursadda uur qaadista.

Ku dedaal cunno isku dheellitiran:

Cunista cunnooyinka hodanka ku ah faytamiinnada iyo macdanaha, sida furuutka, khudradaha, badarka iyo lawska waxa ay wanaajiyaan awoodda uuraysiga ee haweenka.

Ka fogoow waxyaabaha dhaawaca bacrinimada:

Sigaarka iyo qaadka labaduba waxa ay dhaawacaan bacrinimada ragga iyo dumarka. Waxa ay hoos u dhigaan tayada shahwada iyo socodka shahwada sidaas awgeed waxay yareeyaan awoodda ay shahwadu u leedahay bacriminta beedka ama ukumaha. Sida oo kale, ka fogoow qaadashada dawooyinka aan laguu qorin, iskana yaree cabbista bunka ama kafeega.

Daryeelka uurka ka hor:

Ka hor inta aan la isku dayin uur qaadista, waxaa haboon in lammaanuhu ay sameeyaan baadhitaanka uurka ka hor. Baaritaankan waxaa lagu hubinayaa haddii ay jirto cillad si looga fogaado in mustaqbalka ay dhibaato u keento hooyada ama ilmaha.

Cillado kala duwan oo caafimaad oo ay ka mid yihiin xanuunka macaanka, niyad jabka iyo dhiig karka ayaa saamayn ku yeelan kara bacrinimadaada iyo

Caafimaadka ilmaha.

Ugu dambeyntii Ogow inaad markasta Alle waydiisato in uu carruur ku siiyo,
dhakhaatiirta waxa ay awoodaan keliya in ay baadhitaan kugu sameeyaan,
dawana kuu qoraan haddii ay cillad jirto, laakiin Alle ayaa caafimaad iyo ubad
intaba bixiya.

Allaha na siiyo ubad wanaagsan.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *