Qormadan waxaan akhristayaasheenna ugu soo bandhigaynaa 5 a mid ah habab uu dhowaan sheegay Dr. Maxamed Oz in looga hortegi karo cudurka Macaanka oo muddooyinkan dambe si aad ah dunida ugu sii badanaya. Qormadan waxaynu ka soo xiganay shabakadda Webteb oo ka faalloota arrimaha caafimaadka:
1. Caanaha dufanka leh:
Dufannada nooc ka mid ah oo ah kan laga helo caanahahayda iyo ciirtaba ayaa la ogaaday in haddii uu jidhka ku yaraado uu sababo macaanka noociisa labaad. Majalada Lancet ee ka faalloota arrimaha macaanka oo ka soo baxda dalka Ustareeliya, ayaa sheegaysa in tijaabo caafimaad iftiimisay in dadka caano dhanka ahi ay boqolkiiba 23 dadka kale kaga yar yihiin cudurka macaanka noociisa labaad sababtuna tahay dufankaas.
2. Cunista khudradda:
Khudradda oo maalin kasta la cunaa waxa ay ka hortagtaa cudurka macaanka noociisa labaad, daraasad caafimaad ayaa lagu ogaaday in wiiggii uu saddex jeer khudradda wax laga cunaa ay boqolkiiba 16 hoos u dhigto khatarta ah in qofkaas uu ku dhaco cudurka maaanku, sababahana waxaa ka mid ah, macdanta ay khudraddu qaniga ku tahay ee Magnesium, oo si weyn u caawisa habaynta iyo hab-sami u hawlgelidda Glucose ta oo cilad ku timaaddaa ay sababto macaanka.
3. Khalkhalka hurdada:
Waxaa jira khalkhal hurdada ay ku keenaan xanuunnada qaar, sida xanuunka lagu magacaabo Sleep Apnea oo keena in qofku marka uu seexda neeftu yara qabato, kadibna hurdada ka boodo. Hurdada oo qofku si joogto ah u wadan waayo oo sababo xanuun ama cillad uun kale ahi si joogto marka uu in yar hurdaba u baraarujiyaan, (Uga kala googooyaan) waxa ay keentaa in Glucose tu sidii la rabay u shaqayn weyday, waxa aana dhacda in unugyadu ay helaan sonkor ka badan tii ay u baahnaayeen, sidaa awgeed dadka xaaladahan leh boqolkiiba 23 waxa ay u badan yihiin in uu ku dhaco cudurka macaanka noociisa labaad. Markaa waxa ay khuabradu ku taliyaan in qofka xaaladdan lihi uu dhaqso isaga daweeyo.
4. Cabbista Bunka:
Cilmibaadhis natiijadeedu soo baxday sannadkii 2014ka ayaa lagu ogaaday in qofka oo maalintii cabba 3 illaa 4 koob oo bun ahi ay yaraato cabsida ah in qofkaas uu cudurka Macaanka noociisa labaad ku dhaco. Khubarada caafimaadka ee daraasaddaas samaysay waxa ay sheegeen in aanay waxba ku kala duwanayn marka uu bunku yahay mid Caffeine leh iyo marka uu yahay nooca laga siibay Caffeine ta. Laakiin waxa ay ku taliyeen in bunka laga ilaaliyo ama aad loogu yareeyo sonkorta lagu darayo.
Sidoo kale waxa ay khubaradu sheegeen in geedka Qorfaha la yidhaahdaa uu qayb libaax ka qaato yaraynta maadadda Guluukoosta ee jidhka ku jirta, taas oo macnaheedu yahay in sonkortu hoos u dhacayso.
Waxa se muhiim ah in la xasuusnaado in khubarada caafimaadku ay marar kala duwan ka digeen in qofka leh, dhiig-karka, wadne xanuunka iyo xitaa kelyo xanuunku uu isticmaalo bunka, oo ay sheegeen in maadadda ku jirta ee Caffeine ay khatar ku tahay xaaladaha aynu sheegnay.
5. Jimicsiga:
Muddo dheer ayaa ay khubarada caafimaadku siyaabo kala duwan u soo bandhigayeen faa’idooyinka caafimaad ee jimicsigu uu jidhka u leeyahay. Waxa ay dhakhaatiirtu si aad ah ugu taliyaan in qofka leh dhiig-karka, wadne xanuunka iyo macaankaba uu jimicsigu u fiican yahay, qofka aan lahayn intaas aynu soo xusnay ee jimicsadana ay u noqoto ka hor-tag uu cudurradaas kaga fogaan karo.
Cilmibaadhis kale oo ay dhowaan samaysay jaamacadda caanka ah ee Harvard oo dalka Maraykanka ku taalla, ayaa lagu sheegay in baadhitaanno muddo 8 sano ah la waday ay iftiimiyeen in dadka jimicsiga iyo xarakaadka jidhak sameeya ugu yaraan 150 daqiiqo toddobaad kasta, ay si muuqata hoos ugu dhacdo khatarta looga cabsi qabo in cudurka macaanku ku dhaco.
Akhriso: Calaamadaha Sonkorowga Nooca Koobaad (Type 1 Diabetes) Iyo Dadka Halista Ugu Jira
Akhriso: Waa Maxay Dhibaatooyinka Mustaqbalka Fog Ee Xanuunka Sonkorowga?!!
Akhriso: Faaidooyinka Jimicsigu U Leeyahay Cudurka Macaanka
W/D: Kamaal Marjaan