Professor iyo Bad-Maax maxaa kala qabsaday!

Professor ayaa wuxuu ku socdaalay Doon. Marki ay sii socdeen, ayuu ninki badmaaxa ahaa weydiiyay:

“Ma taqaan Biology, Ecology, Zoology, Geography, Physiology?
Badmaaxi ayaa yiri, Maya ma aqaan dhamaan.

Professor: Maxaad marka Aduunkan taqaan. Adigoo Jaahil ah ayaad dhimaneysaa. Wax aad taqaan ma leh.

Cabaar markay socdeen, ayaa doonti bilowday inay quusto (degto). Badmaaxi ayaa weydiiyay Professor-ki, Ma taqaan Swimology & escapology from sharkology? (Oo uu ula jeeday, ma taqaan sida loo dabaasho oo looga baxsado Libaax-badeedka).

Professor-ki ayaa yiri, “Maya ma aqaan”
Badmaaxi: “Hagaag, sharkology & crocodilogy ayaa madaxaada cunaya, waxaadna u dhiman doontaa your mouthology.

Ogow ninba wax buu yaqaan Nolosha

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

internet ka iyo maskaxda, teknoolijiyada,

Buugga The Shallows: Sidee Isticmaalka Badan ee Internet ka & Teknoolajiyadu Ay U Saameeyaan Maskaxdeenna?

Buugga ‘The Shallows’ waxa uu sheegayaa in isticmaalka badan ee Internet ka iyo Teknoolajiyada Dhijitaalku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *