Caruuro-korawgu waa xanuun nafsi ah oo ku dhaca dadka qaar , xanuunkani waxa uu ku sababaa dadka qaba inay kaliya u hammoodaan caruurta( wiil iyo gabadh) kuu doono ha ahaadee aan qaangaadhin ee ka yar 15jir illaa heerarka qaar caruurta yaryar ee gurguuranaya ee hadaaq mooyee aan hadli karin ay isku qaadaan.
Dadka xanuunkan qaba ayaa ka faa’iidaysta aqoon yarida, awood darada jidheed iyo isku filaansho-la’aanta dhaqaale ee ilmaha, waana sababta ay uga door bidaan dadka waawayn ee ay ogyihiin inay isku filanyihiin, caqligoodu qaangaadh yahay, awooddooda jidheedna dhamays tirantahay ee aanay u talin karin inay la tashtaan mooyaane.
Dadka caadiga ah ee aan xanuunkan qabini waxay lammaanahooda ku xushaan sifada “dhamaystirnaanta” ee ah inay dhinacyo badan ka dhamays tiranyihiin si ay isu garab galaan, halka dadka xanuunkan qabaa ay u abbaaraan caruurta “kala dhinaanshahooda” si ay awood iyo maamul ay keli ku yihiin u helaan oo ilmahan kolba dhincay doonaan uga degaan.
Dadka xanuunkan qabaa waxay raaxo ka helaan cabudhinta , camaajurraynta, cadaadinta , caga-juglaynta iyo amar-kutaag laynta ay ku hayaan caruurta, waxay raaxo ka helaan oo ay ku haqab baxaan ama awooddooda dadnimo ku dareemaan u talinta iyo muquuninta ay ubadkan yaryar muquuninayaan.
Hagidda caruurta iyaga oo qiil ka dhiganaya “waan kaa waayo aragsanahay” iyo “nin gu’ kaa wayni garaad kaa wayn” si aan hadal ama su’aal loo gelin taladooda iyo habka ay nolosha u wadaan oo iyagu kaligood ay ku tagri falaan.
Aduunyada hor u martay waxa lagula jiraa dadyawga xanuunkan qaba ee dareemadu ka mijohabaabeen dagaal ba’an , sharciyo ayaa ka yaala oo la ansixiyay si gacan birr ah loogu qabto dadka ugaadhsada ubadka yaryar, aduunyada ubadkooda waa la ilaaliyaa Ilaa ay isku filaansho maskaxeed yeeshaan oo dooran karaan qofka ay nolosha la wadaagayaan iyo siday rabaan inay noloshooda u maareeyaan .
Xanuunkan ayaynu inaku(Soomali) haddaynu nahay shaadh dhaqan u xidhnay , diintana qiil uga dhignay oo ku kabnay si 80jirku u guursado 8jirka, waxa aad dhaqanka soomaaliga ku arkaysaa odayaal duqayshi ah oo awooddoodii jidheed iyo tii maskaxeedba ay gabaabsi yihiin oo ilmo yar oo ay afar awoow u noqon karaan aqal madaoow loogu hoynayo!!
Inaku hablaha haryar ee dhashay ayaynu odayaasha sii dhimanaya ee cimrigoodii iyo dhidhibtoodii laastay ku muunadaynaa , dad badani waxayba aaminaanyihiin in odayaashani ay ku yaraanayaan oo xoog iyo
Xafxaf ay ka qaadayaan siririnta caruurtan!!!! Waa Musiibo
“Nin ku dhali kara ayaa ku dhiqi kara”
“Nin gu’ kaa wayni gu’ baas kaa wayn”
“Siddeetan hadduu yahay oo la geddinayo ninka ragga ahi waa kii dhala” ayay bulshada soomaaliyeed ku naalootaa , nolosha qoyska iyo mabda’ wada noolaanshaha umadda soomaaliyeed ayaa ah mid dhan ka raran oo dhinac kali ah loogu danaynayo , DAN maaha ee waa luggooyo dadban oo badanaa horseed ka ah silic iyo saxariir la dhaadsanyahay lakiin la iska indho tirayo.
40% Ubadka ku soo biiraya tirada bulsheed ee aynu ku dhaqannahay waa ubad ay korinayaan hooyooyin yaryar oo kaligood ahi, waa ubad duqayshidii dhashay aduunka ka hoydeen iyagoo uurka hooyadood kujira ama aan hadaaq iyo dhaqaaq toonna baran , Mas’uuliyaatka qoyska ee mowluhu qaybiyay marka reer la dhisayo ama ubad aduunkan lagu soo kordhinayaa way cadyihiin ,wadaagga nolosha la wadaagayaa waa mid ay lagama maarmaan tahay in ay caadalad ku dhisnaato, haddaba su’aaha iswaydijnta mudan ayaa ah:-
1) Xanuunkan odayaashani miyay la koreen oo waligoidba wuu ku jiray mise markay da’oobaan ayuu asiibaa?
2)Sidee wax looga qaban karaa aafadan bulsheed ee ina haysta?
3) Sidee loo badbaadin karaa ubadkan indhaha la tirayo ?
4) Yaa horseed ka ah in dhaqankan xumi uu sii jiro oo bulshadu caadi u aragto?
5)Diinta iyo bani’aadannimada ogol in Ilmo yar oo aan isku filnayn maskax iyo muruq toonna lahayn loo gacan galiyo duq xabaasha kusii gurguuranaya waa diintee?!
Hamda Hussein