Carabta iyo muslimiinta badankood ma doonaan wax akhriska, aad ayeyna u yaryihiin dadka bishiiba akhriya buug, sababuhuna way badan yihiin. Laakiin sababta ugu weyn, sidaan qabo, maahan in ay la’ yihiin waxyaalaha akhrisku ubaahan yahay, sida; lacag, wakhti iyo garawshiyaha wanaagga akhriska, balse taa baddelkeeda sababtu waa aqoon la’aanta dadka ee ku aaddan dhammaadyada anfaca leh ee akhrisku uu u horseedi karo iyo garasho la’aanta ay ka qabaan faa’ iidooyinka iyo beddelada waaweyn ay helayaan markay wax u akhriyaan si dhab ah oo sugan.
Halkaanna, waxaan jeclahay in aan tilmaamo arrimaha soo socda:
Way adag tahay in lagu qanco hadalka qof ka sheeganaya: ‘‘in uusan helayn nus saac maalintii, si uu u akhriyo wax isaga anfacaya’’. Dib u eegis kasta oo aynu ku sameyno xaaladaheenna waxa ay inna ku riixeysaa in aan ogaanno in aan wakhti badan ku luminno maalin kasta arrimo aan muhiim ahayn.
Wax akhrinta saacad barkeed maalintii maahan wax yar, maadaama ay qofka u suurta gelineyso in uu akhristo konton buug oo dhexdhexaad ah sannadkii, halka akhrinta nus saac maalintii oo si habeysan oo manhajiyeed loo guto ay qofka u suurta gelineyso in uu macallin ku noqdo cilmigaas uu wax ka akhrinayo. kolkaasna haddii uu sidaas joogteeyo, wuxuu wax akhrin lahaa 900 oo saacadood shan sano gudahood, taasina waxay la mid tahay waxa ardayga jaamacadeed uu ka akhriyo mid ka mid ah maaddooyinka asaasiga ah.
Waxbarashada iyo daalacashadu waa ujeeddo sharaf u leh qofka bini aadamka ah, balse kuma filna in qofku naftiisa daaliyo ama uu culays saaro si uu u sii wado akhrinta, Sidaa awgeed, aad ayey muhiim u tahay qof kasta oo innaga mid ah in uu yeesho yool jaan go’an oo looga dan leeyahay in la gaaro iyada oo loo marayo akhriska, himiladaasi waxay noqon kartaa akhristuhu in uu ka dhabeeyo hanashada iyo ku xeel dheeraanta qayb kamid ah laamaha aqoonta, ilaa uu ka noqdo mid kamid ah tixraacyada waaweyn ee qaybtaas, sidoo kale wuxuu noqon karaa mid wax ka curiya laantaas, waayo akhristaha waxaa laga yaabaa in uu ku hamiyo in uu noqdo mid ka mid ah barayaasha ugu waaweyn cilmigaas uu akhrinayo.. ugu dambayn, waa in aan raadinnaa waddo aan uga baxno xaaladda dhabar u jeedineed ee wax akhrinta, maxaa yeelay khaadirooyinka ka dhalanayaa aad ayey u weyn yihiin, wakhtiga horteenna yaallana waa kooban yahay.
W/Q: Dr. Cabdulkariim Bakkaar.
W/T: Madasha Tarjumaadda Hoobaan
Tixraaca maqaalka asalka ah:
FAALLADA HOOBAAN:
“Akhristow ma og tahay in maanta ay tahay bilowga sannad cusub. Iyo dhammaadka mid galbaday. Maanta waxaan soo afxirnay [366 maalmood] oo cimrigeenna ka go’ay, waa sannad tegay oo aan soo laabasho lahayn, aadse guran kartid mirihii aad beeratay. Balse weydiintu waa; miro ma beeratay? Yool ma hirgelisay? Ma fulisay shaqooyinkii mudnaanta kowaad kuu lahaa? Waa imisa tirada buugaagta aad akhriday?.. Akhristow sirta ka faa’iidaysiga wakhtigu waa hadba sida qofku u maareeyo, ugana miro-dhaliyo jadwal maalmeedkiisa. Haddaba, cusbooney noloshaada oo wakhtigaaga uga qoondeey xilli wax akhris, ogow na maalintii [NUS SAAC] oo keliya ayaa ku filan.”