Xasaasiyaddu waa jawaab aan caadi ahayn oo uu dhiibo difaaca jirka, dadka qaba xasaasiyad difaaca jirkooda wuxuu inta badan fal celin ku sameeyaa walxa aan dhib lahayn oo laga helo jawiga ama deegaanka, walxahaan aan dhibta lahayn waxaa kamid ah manka, caaryada, iyo dufta xayawaanada, waxaana loo yaqaanaa allergen(xasaasiyad kiciye) . Xasaasiyada waa dhibaato caan ah oo saameysa dad badan.
Maxaa dhaca xiliga uu jiro falgal xasaasiyadeed?
Marka ugu horeysa qofka wuxuu neef ahaan uqaataa ama uu liqaa ama maqaarka qofka waxaa taabta xasaasiyad kiciye, kadib waxaa kadhaca gudaha difaaca jirka dhacdooyin taxana ah kuwaasoo sababa falgal xasaasiyadeed
- Jirka wuxu bilaabaa inuu soo deeyo borotiin khaas ah oo loo yaqaano IgE (immunoglobulin E) borotiinkaan wuxuu kudhegaa walxaha xasaasiyad kiciyayaasha ah.
- Borotiinka IgE wuxuu ku dhagaa unugyada dhiiga unug ka mid ah oo loo yaqaano Mast. Unugyada mast ayaa waxaa laga helaa hawa mareenka iyo dheef shiidka
- Borotiinka IgE ayaa kula dhejiya xasaasiyad kiciyayaasha unugyada mast, taasoo sababeysa in unugyada mast ay dhiiga kusii daayaan kiimikooyin kala duwan, sida kiimikada Histamiin oo ah mida ugu weyn, waana mida sababta calaamadaha ugu badan ee kadhasha falgalka xasaasiyada.
Waa maxay astaamaha xasaasiyada?
Darnaanta falgal xasaasiyada ayaa aad ukala duwan, waxaana jira;
- Calaamada khafiif ah oo aadan inta badan dareemeyn
- Calaamada dhexdhexaad ah oo aad dareemi kartid sida hargabka oo kale
- Calaamada daran oo aad raaxada kaaga qaadi kara
Calaamadaha falgalka xasaasiyada ayaa istaaga wax yar kadib marka ay meesha ka baxaan xasaasiyad kiciyayaasha
Falgalka xasaasiyadda ugu daran waxaa loo yaqaanaa Anaphylaxis, waxaana jirka oo dhan ka dhaca fal celin weyn oo ku aadan xasaasiyad kiciya yaasha. Anafilaksis waa xaalad caafimaad oo halis ah una bahaan daryeel caafimaad oo deg deg ah sababtoo ah calaamadaha anafilaksis si deg deg ah ayey u sababi karaan dhimasho.
Xasaasiyada Qof Kasta maku dhacdaa?
Maya. Laakin dadka waxay unugul yihiin iney ka dhaxlaan waalidkooda si hiddo ahaan ah,
Hadii hal waalid uu qabo xasaasiyad, cunuga wuxuu halis ugu jiraa 50%, hadii ay qabaan labada waalid wuxuu halis ugu jiraa 75% inuu xasaasiyad ay ku dhacdo ilmaha waalidkaas.
Waxaa jira dad xasaasiyadoodu ay sarrayso afka qalaadna lagu yidhaahdo “Atopy” oo macnaheedu tahay qofka hidda socodkiisa ayuu ku jiraa inuu xajiimoodo waxaana dadkaas ku badan cuduro badan oo xajiinta laga qaado sida: cudurka Neefta, Sanboorka, cuncunka maqaarka iyo kuwa kalaba,
Talo
Xasaasiyadu waxay ka mid tahay xaaladaha aan daawada lahayn, waxaana muhiim ah qofka qaba xasaasiyad inuu si fiican uga hortago wax kasta oo sababi kara xasaasiyad-kiciya yaal, sida busta, manka, iwm,
Sida ugu wanaagsan ee uu qofka ku xaqiijiyo inuusan dareemin calaamada xasaasiyadda waxaa muhiim ah in qofka uu aqoon buuxdo u leeyahay waxyaabaha kicin kara xasaasiyadiisa uuna sameeyo talaabooyin uu ku yareeyn karo amaba uu kaga saari karo guriga ama goobaha shaqada, tusaale ahaan qofka xasaasiyad ku qaba busta waxaa muhiim ah inuu marwalbo daryeelo nadaafada guriga iyo goobta shaqada, qofka ku qaba xasaasiyad udgoonka barafuunada, waxaa muhiim ah inuu yareeyo ama ka fogaado barfuunada.