Noocyada Shakhsiyadda Aadamaha, ADIGU MIDKEE TAHAY? (Qeybtii 2-aad)

Waa qaybtii labaad ee qaybihii uu Carl Jung u qaybiyey maskaxda, habdhaqanka iyo xaaladaha nafsiga ah ee aadamaha:

3. HALGAMAA (WAXBA KAMA HOR ISTAAGI KARAAN IN UU GAADHO YOOLKIISA):

Waa qof leh shakhsiyad hal-adayg oo geesinimo badani ku jirto. Waa qof aanay caqabad kasta oo ka hor timaaddaa ka joojin karin in uu yoolkiisa gaadho. Waa qof xitaa arrimaha fudud fikir aad u xooggan geliya. Waxaa ku beeran kalsooni ah in uu ka adkaan karo wax kasta oo caqabad ku noqda, laakiin sidaas oo ay tahay ma’aha ruux macno darro kalsta ka dagaalama ama loollan ka gala.
Waxa uu si fiican u yaqaannaa nooca dagaal ee uu gelayo, dadaalka looga baahan yahay iyo marka ah ay tahay in uu dagaal oo dhan ka dheeraado. Sababtuna waa in aanu jeclayn in dadaalkiisu uu ku dhammaado meel aanu midho ka filayn.

Shakhsigan ceebtiisu waa in uu dadka kale ula macaamilo qaab laga dareemayo qab iyo is weynaysiin iyo in uu ka qaato dareen ah in ay beri ku noqon karaan cadow caqabad ku noqda guusha uu raadinayo gaadhisteeda.

SHAKHSIYADDAN WAXA AYNU TILMAAMTEEDA KU SOO URURINAYNAA:

  1. HALKUDHEGGIISA NOLOSHU WAA: Haddii ay doonisi jirto, xalka lama waayo.
  2. DOONISTIISA AASAASIGA AHI WAA: Qofka aad tahay waxa aad ku caddayn kartaa hawlo halyeeynimo oo aad la timaaddo.
  3. YOOLKIISU WAA: Caqabad oo dhan waa in aan ka guulaystaa.
  4. CABSIDIISA UGU WEYNI WAA: Liidasho ama in duruufaha ku imanayaa ay raad degdeg ah ku yeeshaan.
  5. ISTARAATIJIYADDIISA NOLOSHU WAA: Muuji awooddaada iyo kartidaada, mar kasta oo ay fursaddu kuu saamaxdo.
  6. DAREEN CELINTIISA KU AADDAN DHIBAATOOYINKA SOOWAAJAHA: Waxa uu u dagaalama keliya waxa uu aaminsanyahay in uu mudan yahay dagaal.
  7. CEEBIHIISA: Waxa uu mar kasta ka baqaa gaabis iyo fashilaad ku yimaadda, taas ayaana ka dhigta qof waxoogaa qab iyo qallafsanaan ah laga dareemo.
  8. ASTAAMAHA UU LA GAARKA YAHAY: Geesinimo – hal-adayg – Anshax wanaag.

4. RUUX NAFTIISA NAFAHA KALE KA DOORBIDA / KA HORUMARIYA:

Waxa uu jecelyahay in daryeelka iyo samafalka uu gaadhsiiyo dadka oo dhan, mararka ugu badanna in samaha uu dadka kale ku horreysiiyo inta aanu naftiisa siinin. Waa shakhsi u uku badan yahay dareenka naxariist, deeqsinimada, iyo in uu naftiisa illaawo. Waxa uu necebyahay is doorbidista iyo ‘Aniga’, si aad ahna waa uu uga baqaa in dhaqankaas uu yeesho ama loo arko in uu leeyahay.

Ceebtiisa ugu weyni waa in dadka oo dhan uu ulamacaamilo sida in uu waalid u yahay oo uu isaga xil gaar ahi ka saaran yahay.

SHAKHSIYADDAN WAXA AYNU TILMAAMTEEDA KU SOO URURINAYNAA:

  1. HALKUDHEGGIISA NOLOSHU WAA: Sida aad naftaada u jeceshahay dadka kalana u jecloow.
  2. DOONISTIISA AASAASIGA AHI WAA: Ilaalinta dadka kale iyo daryeelkooda.
  3. YOOLKIISU WAA: U gargaaridda dadka.
  4. CABSIDIISA UGU WEYNI WAA: Abaal la’aan ku dhacda, iyo in uu naftiisa wax la doono.
  5. ISTARAATIJIYADDIISA NOLOSHU WAA: Nidar uu naftiisa kula jiro in uu dadka kale caawiyo.
  6. DAREEN CELINTIISA KU AADDAN DHIBAATOOYINKA SOOWAAJAHA: Ma kala joogsato deeqsinimadiisu, dhib kasta oo heshana ma illaawo dadka kale.
  7. CEEBIHIISA: Mar kasta waxa uu dareemaa dembi
  8. ASTAAMAHA UU LA GAARKA YAHAY: Naxariis iyo deeqsinimo.
  9. SAHAMIYE – MA YAQAAAN WAXBA QARSOONAAN KARA

Waa shakhsi leh dhaqan jecel sahaminta, baadhista iyo soo saarista dhinaca qarsoon ee nafta aadanaha. Kama dhaadhacsana in ay jiraan wax qarsoon oo weligood qarsoonaan kara ama aan aadamuhu awoodin garashadooda, sidaas awgeed wax kasta waa uu dabagalaa oo baadhaa. Shakhsiyadda noocan ahi waxa ay tusaale iyo bare u tahay aadanaha ku xeeran. Sababtu waa in baadhistiisa iyo sahamintiisu ay caawiyaan in qofku uu ku dhiirado brashada naftiisa iyo nafaha uu la macaamilayo, in uu jawaab u raadiyo su’aalo la xidhiidha cidda aynu dhab ahaan nahay iyo waxa aynu adduunyadan ka doonayno.

In kasta oo shakhsiyaddani ay ka mid tahay kuwa ugu wanaagsan qaybaha uu Carl Jung aadanaha u qaybiyey, haddana ma ceeb la’a; tusaale ahaan waxaa shakhsiyad inta badan qabkeedu dago oo xiddig ku dayasho mudan in uu yahay inta uu aamino kaddibna illaawa waxa uu run ahaan hayo iyo heerka dhabta ah ee uu nolosha ka joogo. Waxa uu raadiyaa ama maan, maal iyo waqti ku lumiyaa raadinta yoolal aanay gaadhistoodu suurtagal ahayn, isaga oo nafta ku qancinaya in gaadhistoodu ay tahay waxa keliya ee uu kaga fiicnaan karo dadka kale oo dhan.
Waa dhab in yool dhigashadu ay guusha lama huraan u tahay, waana run in carinta nolosha iyo ku dhiirashada caqabuhu ay ka mid yihiin kaabadaha kor loogu gaadho yoolka. Laakiin waxaa iyaduna xaqiiqo ah in yoolka uu qofku samaysanayaa noqdo mid uu daraaseeyey, hubiyey oo si fiican uu u yaqaanno suurtagalnimada gaadhistiisa isaga oo eegaya xaqiiqooyinka isaga qof ahaan ku xeeran. Dabcan waxaa ka mid ah, waqtiga, maalka, kartida, aqoonta, waayoaragnimada iyo hal-adayga oo dhammaantood siyaabo kala duwan muhiim ugu ah geeddiga uu qofku ku gaadhayo yoolkiisa.

SHAKHSIYADDAN WAXA AYNU TILMAAMTEEDA KU SOO URURINAYNAA:

  1. HALKUDHEGGIISA NOLOSHU WAA: Xorriyad waa aan awoodaa.
  2. DOONISTIISA AASAASIGA AHI WAA: In uu barto qofka uu run ahaan yahay (Shakhsiyaddiisa).
  3. YOOLKIISU WAA: Raadinta nolol ka sii fiican hadba midda u uku jiro.
  4. CABSIDIISA UGU WEYNI WAA: In la sanduuleeyo ama gaadhistisa yoolkiisa teed loo dhigo ayaa cabsi ku haysao.
  5. ISTARAATIJIYADDIISA NOLOSHU WAA: Socdaalo nololeed oo badan in uu galo, kuwo jidh ahaan uu u socdaalayo iyo kuwo maskaxeed labadaba, si uu wax badan uga barto dunida ku xeeran, iyo si uu uga badbaado daalka maskaxeed.
  6. DAREEN CELINTIISA KU AADDAN DHIBAATOOYINKA SOOWAAJAHA: Mar kasta naftiisa runta ayuu u sheegaa, xaqiiqada ka hor timaaddana kama warwareego.
  7. CEEBIHIISA: Bulshadiisuu qariib ku dhex noqdaa, keli ahaanshiyo ayuu dareemo, naftiisa ayuu doorbidaa, kumana fiicna ku taagnaanta ballanta iyo waajibaadka hawleed ee u yaalla.
  8. WAXA UU LA GAAR YAHAY / ASTAAMIHIISA: Shakhsi han badan, naftiisa in naftiisa ku tiirsanaado oo isku filnaanshiyo gaadhana jecel.

5. MUCAASHIQ – CID KASTA KALGACAL BUU U HAYAA

Shakhsigani waxa uu caan ku yahay dhammaan noocyada jacaylka. Ka bilow jacaylka waalidka dhalay iyo jacaylka waalidku ubadka u hay, illaa aad ka soo gaadho jacaylka lammaanaha dhex mara. Dhammaan jacayl oo dhan ayaa qalbigiisa ku weyn oo uu muhiimad gaar ah iyo qiime weyn siiyaa. Dadka ku xeeran ama uu hantiyo qalbigooda waxa uu ku beeraa farxad. Soo dhoweynta, kalgacalka iyo xurmaynta dabeecadda u ah ayaa qofka ka agdhow ka caawinaya in uu ka gudbo duruufaha kakan ee nolosha.

Waa shakhsi mar kasta raadinaya jacayl dhab ah, haddii uu waayana kama hadho, mana ogolaado in uu marnaba ka farabaxo, isaga oo ku raadinaya jid kasta oo uu ku gaadhi karo. Waxa uu ka cabsadaa in dadka uu jecel yahay ka fogaadaan, sidaas awgeed waa uu ka dagaalamaa.

SHAKHSIYADDAN WAXA AYNU TILMAAMTEEDA KU SOO URURINAYNAA:

  1. HALKUDHEGGIISA NOLOSHU WAA: Cidda aan jecelahay ayaa ah muraayadda aan nolosha k uku aro.
  2. DOONISTIISA AASAASIGA AHI WAA: In uu helo Jacayl iyo soo dhoweyn ama ku dhowaanshiyo.
  3. YOOLKIISU WAA: In Farxad uu gaadho.
  4. CABSIDIISA UGU WEYNI WAA: Gooni joogga, nacaybkka iyo in laga dheeraado ayaa ku ah cabsi joogto ah.
  5. ISTARAATIJIYADDIISA NOLOSHA: Waxa uu ku dadaalaa in jidh ahaan iyo dareen ahaanba uu noqdo qof dadka soo jiita.
  6. CEEBTIISA: Roomaansiyad iyo xidhiidh jinsi ayaa maan qaada, mana awoodo in uu xakameeyo dareenkiisa jinsiga ah.
  7. WAXA UU LA GAAR YAHAY / ASTAAMIHIISA: Kalgacal iyo qiiro jacayl oo joogto ah, iyo wacad oofin.

LA SOCO…

W/D: Kamaal Marjaan

Facebook page: Marjaan

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *