Noocyada Shakhsiyadda Aadamaha, ADIGU MIDKEE TAHAY??

Carl Jung waa caalim u dhashay dalka Switzerland oo noolaa intii u dhexeysay Julaay 1875 illaa Juun 1961 kii. Waxa uu ku xeeldheeraa cilminafsiga iyo cilmiga dhimirka ee shaybaadhista, daweynta iyo ka hortagga xaaladaha caafimaad darro ee la xidhiidha maskaxda, dareenka iyo jaahwareerka ku dhaca habdhaqanka qofka ama dabeecadihiisa. Waxa aanu leeyahay aasaaska laan ka mid ah daweynta cilminafsiga oo lagu magacaabo ‘Analytical psychology’ ama ‘Jungian Analysis’ oo isaga loogu magac daray.

Carl Jung waxa uu aaminsanyahay in ay jiraan noocyo abuur ah oo ay dadku u qaybsan yihiin marka laga hadlayo dhinaca shakhsiyadda ama habadhaqanka, taas oo kaalin weyn ka qaadata dabeecadaha aadamaha. Waxa aani dadka guud ahaan u qaybiyey 12 shakhsiyadood ama nooc oo dhinaca dabeecadda iyo habdhaqanka ah.

Noocyadaas shakhsiyadda aadamaha oo ka dhasha qaabfikirka maskaxda iyo dabeecadda ku xeernayd koritaanka qofka ayaa ah hidderaac ay dadku soo kala dhaxlayeen tan iyo bilowgii abuurtooda. Waa caddayn qofka dabeecadihiisa iyo shakhsiyaddiisa lagu aqoonsado iyada oo laga yaabo in aanu isagu shakhsiyaddiisa ku ogeyn noocaas in ay tahay ama dareensayn. Waxa aanay saamayn ku yeelataa shaqada iyo hawlaha uu qofku qabanayo ama hal abuurkiisa oo hadba nooca ay shakhsiyaddiisu tahay ay ku xidhan tahay waxa uu xiisaynayo iyo waqtiga iyo dulqaadka uu gelinayaa.

Nooc kastaa waxa uu leeyahay qiyam u gaar ah, yool iyo higsi u sawiran iyo sida oo kale astaamo iyo dabeecado shakhsiyadeed oo lagu yaqaanno.

Dabeecadahaas iyo habdhaqannadaas abuurta ah ee uu qofku leeyahay oo ku soo ururaya saddex madax oo ah ‘Aniga, Ruuxda iyo Qofnimada’, ayaa uu Carl Jung u qaybiyey laba iyo toban shakhsiyadood oo mid kastaa leedahay astaamaheeda iyo habdhaqankeeda u gaarka ah. Waxa aanay saamayn ku leeahay sida marxaladaha kala duwan ee nolosheenna aynu dunida u arkayno, u fikirayno, wax u jeclaanno ama go’aamada u gaadhayno. Iyada oo hadba marxaladda aynu marayno iyo nooca shakhsiyadeed ee saamaynta ku lihi isku xidhan yihiin.

Haddaba waxa aynu dhowr qormo oo soo socda ku soo bandhigaynaa noocyadaas shakhsiyaddaaadamaha, dabeecadaha lagu yaqaanno iyo habdhaqankooda, taas oo laga yaabo in ay inaga caawiso garashada nafteenna iyo dadka innagu xeeran labadaba.

1. BERI (MAXAA WAXAN OO ISKU WEYNAYN AH KALLIFAY?)

Waa shakhsi aan nolosha isku weynayn, sababtuna waa in aanu arkayn ama doonayno in uu arko culaysyada, caqabadaha iyo carinta nolosha ka buuxa. Waa sida ilmo yar oo beri ah, oo waxa uu doonayo oo dhami ay yihiin in uu arko dadka ku dhow ehel iyo asxaabba oo aan ka dheeraanayn. In uu noloshiisa iyaga ku tiirsanaado maadaama oo uu ku kalsoonyahay, iyo cabsi daran oo uu ka qabo in mid uun dadkaas ku xeeran ahi ka durko ama iskaga goosto.

Waa shakhsi niyadsan oo mar kasta dhinaca ifaya wax ka eega, dadka kalsooni iyo muhiimad siin weyn ayaa uu kula xidhiidhaa. Inta badan waa ruux ay dadka ku xeerani jecel yihiin, laakiin ceebtiisa ugu weyni waa in uu yahay qof aanay u muuqan goljicilda uu isagu leeyahay iyo meelaha uu u liitaa, mararka qaarkoodna jiritaankoodaba waa uu dafiraa.

Waxaa intaas u dheer in uu dafiro ama is diidsiiyo dhibaatooyinka noloshiisa ka horyimaadda, natiijada ka dhalataana waxa ay noqotaa in isaga oo aan ku talagelin uu dhibaato u soo hooyo naftiisa iyo dadka ku xeeran.

Shakhsiyaddan waxa aynu tilmaamteeda ku soo ururinaynaa:

  1. Halkudheggiisa noloshu waa: Dadka oo dhan waa aan ku kaloosnaanayaa
  2. Doonistiisa aasaasiga ahi waa: In uu badhaadhe iyo barwaaqo ka gaadho nolosha.
  3. Yoolkiisu waa: In uu mar kasta aamin ahaado oo aanu dhib arag iyo in uu farxad helo.
  4. Cabsidiisa ugu weyni waa: Warwar uu ka qabo in mar uun ay dhacdo in si ku talagal ah ama aan ku talagal ahayn gef u galo, kaddibna dadka ku xeerani ay ku ciqaabaan in ay gooyaan kana dheeraadaan.
  5. Istaraatijiyaddiisa noloshu waa: In uu ku dadaalo in aanu qalad gelin / Eed ka carar ayuu noqdaa.
  6. Dareen celintiisa ku aaddan dhibaatooyinka soowaajaha: In dhibta haysa uu iska indha mariyo / is diisiiyo ama in aanu kelidii waajahin ee markaba uu gurmad iyo gargaar ka dalbado dadka kale.
  7. Ceebihiisa: Maangaabnimo, dhallaannimo, illow iyo in uu iska indha tiro mushkiladaha runta ah ee horyaalla, xal u raadintoodana aanu ku dadaalin.
  8. Wanaaggiisa: Waa shakhsi niyadsan oo dhinaca fiican arrimaha ka eega, qof lagu kalsoonaan karo, qof aan kibirka aqoonin, daacadnimaduna waa ay ku badan tahay.

2. AGOON (DHINACA DHAAWAC EE NAFTA AADAMAHA)

Shakhsiyadda uu Carl Jun agoonka ku sheegay, waa shakhsiyadda sida xad dhaafka ah isu dhul dhigta, aan kabirka iyo is muujinta aqoonin, waxa ugu yar ku qanacda. Waa shakhsiyad qabta dareen la mid ah ka dadka niyaddoodu dhaawacantahay. Waa xaaladda uu qofku galo marka uu dareemo in uu qariib yahay oo aanu lahayn miciin iyo ehelk uu cuskado midna.

Xaaladdani waxa ay qofka ku abuurtaa waxoogaa beernugayl ah, xikmad, garaad badni iyo in uu noqdo ruux waaqaca uu joogo la nool. Laakiin dhinaca kalana waxa uu qofka geliyaa cuqdad uu iska ilaalinayo in cid kale ogaato dacfigiisa iyo hoosaynta uu dareemayo, sidaas awgeedna ay ku danaysato.

Shakhsiyadda noocan ah, waxaa u fiican in uu xidhiidh adag oo dhow la yeesho labadiisa waalid iyo qoyskiisa. In kasta oo shakhsiyaddani ay leedahay fariidnimo iyo in ay arrimaha si waafaqsan waaqaca ay joogto ula macaamisho, haddana dhibteedu waxa ay tahay in mar kasta ay jeceshay in ay isu dhigto dhibbane kuna noolaato xaalad ay dadka u tusayso dhibbanenimo.
Waa qof mar kasta canaanta cid kale u riixa, guuldarradiisana inta badan ku eedeeya sababo cid kale ka yimi. Qofka noocan ah in la fahmaa waxa ay u baahan tahay in loola macaamilo si gaar ah. Maadaama oo uu mar kasta isu arko in uu qalbigiisu dhaawacan yahay, waxaa habboon in loo muujiyo danayn iyo daryeel ka badan inta dadka caadiga ah loo muujiyo.

Ceebta ugu weyn ee uu qofkani leedahay waa suurtagalnimada in uu dhaawaco naftiisa, ama cidda doonaysay in ay caawiso:

Shakhsiyaddan waxa aynu tilmaamteeda ku soo ururinaynaa:

  1. Halkudheggiisa noloshu waa: Dadka oo dhami waa ay siman yihiin.
  2. Doonistiisa aasaasiga ahi waa: In uu dadka xidhiidh la yeesho.
  3. Yoolkiisu waa: In uu cabsida ka gudbo dibna u soo ceshado amaanka nafsadeed oo uu dareemayo in uu ka maqan yahay.
  4. Cabsidiisa ugu weyni waa: In cid kale ku danaysato ama ku guurto.
  5. Istaraatijiyaddiisa noloshu waa: In uu nolosha si waaqac ah oo aan khayaali ku jirin u qiimeeyo.
  6. Dareen celintiisa ku aaddan dhibaatooyinka soowaajaha: Waxa uu mar kasta naftiisa u arkaa in ay dhibbane u tahay dhibaatooyin uu isagu geystay, waxa uu isu dhiibaa dareenka uu qabo ee liidashada iyo hoosaynta ah.
  7. Ceebihiisa: Waa qof shaki badan, mar kasta isu arka in uu dhibbane yahay, cabashadiisuna ay joogto tahay.
  8. Faa’iidooyinkiisa: Waa shakhsi waaqaca horyaalla u hoggaansan, dabacsan oo aan dadka ku qallafsanayn, dadka kale ee dhibanna calool dabac u muujiya.

Halkaan ka akhriso qeybta labaad

W/D: Kamaal Marjaan

Facebook page: Marjaan

Check Also

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *