Noocyada Kala Duwan Ee Gubashada Iyo Sida Loo Daaweeyo

Gubashada waxey kamid tahay dhaawacyada ugu badan ee ka dhaca guryaha kuna badan caruurta iyo dadka da’da ah. Gubashada waa nooc dhaawac ah oo ku dhaca maqaarka, dhaawacaan wuxuu waxyeelo gaarsiinaysa maqaarka.

Sida ay u kala horeeyaan nudayaasha maqaarka.

Lakabka ugu korreeya ee maqaarka waxaa layiraahdaa epidermis, waa qeybta lagu duro cirbada ee ugu sarreeyo jirka, waa mid khafiif ah.

Lakabka ku xiga waxaa la yiraahdaa dermis, waa dahaarka ay ku jiraan xididada dhiiga siiya maqaar, sidoo kale waxaa meesha ay ku dhmaadaan dareemayaasha neerfaha, sidoo kale qeybtaa waa halka ay kujiraan qanjirrada dhididka iyo dulduleelka timaha jirku kasoo baxaan. Dahaarkaan waa mid muhiim u ah bogsadashada dhaawacyada soo gaara maqaarka.

Lakabka ugu hoseeya ee maqaarka jirka waxaa uu ka kooban yahay baruur iyo muruqo. Musiibooyinka sida qaraxyada iyo dabka waxay keeni karaan gubasho heerkeedu kala duwan yahay ku timaada nudayaasha kala duwan ee uu maqaarka kasameysan yahay.

Noocyada gubashada

Darajada koowaad ee gubashadu. Waa gubasho ku eg lakabka sare ee maqaarka ee loo yaqaani epidermis. Gubashadaan waa mid xanuun badan, sidoo kale wey guduudan tahay, waxayna yeelataa bocolo. Gubashada koowaad waa mid iskeed isaga bogsato 3 ilaa 7 malmood gudahood, mana yeelato summad gubasho.

Darajada labaad ee gubashada wuxuu saameeyaa lakabka ugu sarreeya maqaarka epidermis iyo lakabka kuxiga ee kahooseeya ee loo yaqaan dermis. Gubashada noocaan waa mid xanuun badan. Waxay yeelataa bocollo waaweeyn oo biyo iyo dheecaan ay galeen taasoo aad u weynaato. Waxaa kaloo laga yaabaa in dhaawucu qoyanaado ama diirka maqaarka ka fiiqmo. Timuhu sidoodi ayey ahaanayaan waxaana laga yaabaa markay bogsato inay nabar noqoto waxaana laga yaabaa inay bogsashadiisu qaadato 2-4 todobaad.

Darajada Seddexaad ee gubashada waxay saamaysaa maqaarka sare ee jirka iyo gebi ahaanba lakabyada ka hooseeya. Waxaa kaloo laga yaabaa inuu waxyeelo gaarsiiyo lakabyada baruurta iyo murqaha. Dhaawaca noocaan ah badanaa ma xanuun badna maadaamaa uu dareemayaashi buburiyey. Dusha sare ee dhaawaca waxaa laga yaabaa inay caddaato, danbas ama cirro u ekaato, ama sida midabka kafeega u ekaato markii lataabtana waxaa laga dareemi karaa sidii haraggii oo kale. Nuda harageedkan waxaa la yiraahdaa Eschar. Haraggaan gubtay waa in la jaraa laguna badelaa booskiisi nuda ama maqaar fiyoow iyadoo la adeegsanayo nidaam isla  jirka looga soo jarayo maqaar laguna tolayo ama tallaalayo meeshii dhaawaca ahayd ee bugtay.

Gargaarka degdegga ah

Daqiiqadaha ugu horeeya ee lagula tacaalo gubashada waxay wax ka badali kartaa darnaanta dhaawaca. Dhibanaha ka jooji gubashada, ka qaad dharka gubtay oo dhan jirka, hadii ay dharka ku dhagaan maqaarka ka jeex agagaarka meesha gubatay, ka saar dahabka, suumanka  iwn oo ku xiran dhibanaha, tani waxay saacidaysaa in goobaaha gubtay ay bararaan isla markiiba waana muhiim

 Ka hortaga dhamaan heerarka kala duwan ee gubashada

Sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo gubasho waa in taxadar laga lahaadaa marka hore. Shaqooyinka qaar waxa ay sahlaan amaba kordhiyaan halista gubashada, lakiin xaqiiqda jirta ayaa waxay tahay in gubashad inteeda badan ay ka dhacdo guriga. Dhallaanka iyo carruurta yaryar ayaa ah kuwa ugu nugul gubashada . Halkaan waxaa ku qoran qaar ka mid ah tallaabooyinka ka hortagga ee aad qaadan kartaa:

  • Ka ilaali caruurta jikada iyo goobta kushiinka
  • Ka fogeey kiimikada iyo suntan meelaha ay caruurta gaari karaaan
  • Ku rakib amaba dabool meelaha korantada
  • Ogaaw oo hubi in dabka aad damiso markaad ka dhamaysatid.

Hadafka ugu weyn ee daweynta gubashada waa in laga hortago caabuq ku yimaada boogta amaba meesha gubatay. Ha ilaawin in aad la xariirto  dhaqtarkaaaga amaba dhaqtarka maqaarka sikastaba ha u yaraado dhaawaca gubashada.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *