Noocyada Cuntooyinka Ay Tahay In Laga Dheeraado Xilliga Soonka

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa cuntooyinka iyo cabbitaannada ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay fiicantahay in laga dheeraado xilliga soonka. Maadaama oo ay keenaan gaajo, harraad, daal iyo burbur ama aanay si guudba caafimaadka ugu fiicnayn:

Cuntada milixdu ku badan tahay:

Cuntooyinka milixdu ku badan tahay waxaa lagu yaqaannaa in ay jidhka ku celiyaan biyaha. Waxaa fiican in mar kasta la iska ilaaliya cuntooyinkan. Xilliga soonkana waxaa u dheer in qofka ay ku keenaan harraad badan, sida oo kale waxa ay milixda badani kicisaa dhiigga, sidaa awgeed ay fiican tahay in la iska ilaaliyo, ugu yaraan xilliga suxuurta. Waxaa la mid ah cuntada uu khalka badan lagu daro. Khalka waxaa ka buuxa maadadda Sodium ta, oo haddii ay jidhka ku badato khatar gelisa caafimaadka, qofkana harraadka ku badisa.

Macmacaanka:

Macmacaanka iyo xalwaduhu waxa ay ka mid yihiin cuntooyinka sababa korodhka miisaanka. Waxaa fiican in mar kastaba uu qofku iska yareeyo cuntooyinkan, gaar ahaan xilliga bisha soon lagu jiro, oo laga cabsi qabo in sonkorta badan iyo dufanka aan caafimaadka u fiicnayn ee ku jiraa ay keenaan miisaanka oo kordha iyo xididdada dhiigga qaada oo cidhiidhi gala, taasina khatar geliso nolosha qofka.

Waxa ay talada dhakhtarku tahay in macmacaanka lagu beddelo khudradaha sonkorta dabiiciga ah leh, oo la ogyahay in ay qofka dareenkiisa nafsiga ah wanaajiyaan, in ay jidhka biyo u noqdaan iyo in aanay miisaanka kordhin.

Cuntada qasacadaysan:

Noocyada dufannada ugu khatarta badan caafimaad ahaan waxaa ka mid ah dufanka lagu magacaabo ‘Hydrogenated fat’ oo ah dufan la sanceeyey oo ka kooban dufanka loo yaqaanno dufanka aan dheregsanayn oo loo beddelay dufan adke ah, kaddib markii lagu daray hydrogen. Warshaduhu dufankan waxa ay u samaystaan in uu dheereeyo cimriga cuntada warshadaysan ee ay samaynayaan. Sababta labada ee warshaduhu dufanka u isticmaalaan ayaa ah in la yareeyo kharashka gelaya cuntada la samaynayo, maadaama oo uu dufankani ka qiimo jaban yahay ka caadiga ah.

haddaba waxa ay khubarada caafimaadku qoreen in dufanka ‘Hydrogenated fat’ uu khatar ku yahay caafimaadka, oo dhibaatooyinka uu ku keeno ka mid yahay subaggu (Kalastaroolka), cilmibaadhisaha caafimaadkuna caddaynayaan in isticmaalkooda dufankani uu keeno in xididdada dhiiggu adkaadaan iyo in ay yaraadaan. Sabana u noqon karta dhiigfuran ama dhiig xidhan maskaxda ah iyo wadnaha oo dhiiggu ka xidhmo.

Cuntada Shiilan:

Saambuusaha iyo noocyada cunto ee shiilani uma fiicna caafimaadka, waayo waxa ay culays ku keenaan dheefshiidka gaar ahaan xilliga soonka. In waqtiga suxuurta la cuno cunto shiilanina waxa ay keentaa miisaanka oo kordha, kalastaroolka dhiigga oo kor u kaca, iyo qofka oo ay maalinnimada ku keento tamar darro iyo culays badan.

Xawaashyada iyo busbaaska:

Cuntada lagu sameeyo busbaaska iyo xawaashyada kulaylku ku badan yahaywaxa ay keenaan gubasho midhicirada ah. Waxaa jirta maaddooyin aanu dheefshiidku burburin oo ku jira busbaaska, waxa aana lagu magacaabaa ‘Capsaicin’, sidaa awgeed waxa ay gubasho iyo nabar ku keenaan gudaha midhicirada iyo calooshaba.

Dhinaca kalana cuntada busbaasku ku badan yahay waxa ay badisaa harraadka, iyo asiidhka caloosha, sababtaas awgeedna uma fiicna qofka soomayaa in uu cuno, gaar ahaan xilliga suxuurta.

Asiidhada:

Ka dheeroow cuntada leh asiidhka oo la ogyahay in ay keenaan gaasta caloosha, xiidmaha oo barara ama weynaada naqas badan oo galay awgeed, iyo asiidha caloosha oo aad u badata.

Kaafiyeen:

Kaafiyeentu waxa ay badisaa kaadida, sidaa awgeed in Kaafiyeen badani jidhka gashaa waxa ay keentaa in uu jidhku biyo badan iska soo saaro, taasna waxaa ka dhalanaya harraad iyo ingag ku dhaca qofka sooman. Waxa ay khubaradu sheegeen in kaafiyeentu ay keento in jidhku si habsam iah u nuugi kari waayo maadadda xadiidka, sidaa awgeed haddii jidhka ay ku badato ay keenayso dhiig la’aan.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

noocyada madax xanuunka, goonjab, dhanjafka,

Noocyada Madax Xanuunka, Calaamadaha Lagu Kala Garto Iyo Hababka Loo Maarayn Karo

Madax xanuunku waxaa uu saameeya ku dhowaad kala bar dadka dunida ku nool, taas oo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *