Noocyada Cudurka Baraska, Sababaha Keeno Iyo Dadka Halista Ugu Jiro Inuu Ku Dhaco

cudurka baraska

Baraska waa cudur kayimaada khalad ku dhacay hidasidaha qofka kaasoo sababa in maqaarka, timaha, iyo indhaha qofka uu midabku ku yaraado amaba midabka oo dhan ay waayaan.

Maxaa sababa baraska?

Baraska waxaa sababa khalad ku dhaca hadda wadayaasha qofka ee soo saara walaxda ama dheecaanka qofka siiya midabka oo loo yaqaano melanin. Hadaba waxaa dhici kara in dheecaaanka midabka keena uu yaraado ama gabi ahaanba uu meesha ka baxo taasoo keenaysa baraska, cudurka barasku waa cudur lakala dhaxlo oo jiilba jiilka kale usii gudbin karo.

Noocyada baraska

Waxaa jira noocyo badan oo barasku u kala baxo, kuwaasoo lagu kala saaro noocyada hida-wadayaasha ee khaladku soo wajahay. Hadaba waxaa kamid ah noocyadiisa;

  • Oculocutaneous albinism(OCA): noocan wuxuu saameeyaa maqaarka, timaha, iyo indhaha.

OCA wuxuu usii kalaa baxaa dhawr nooc waxaana kamid ah;

  • OCA1; kan wuxuu ka yimaada khalad ku dhacay dheecaanka loo yaqaano  tyrosinase enzyme dheecaanka oo dadajiya soo saaritaanka walaxda midabka keenta ee melanin.
  • OCA2: noocani waa mid kayar OCA1-ka, waxaana keena khalad ka yimaada hida sidaha loo yaqaan OCA2, tani waxay sababysaa in cadadka melanin-tu ay yaraato. Dadka qaba xanuunka noocaan waxay ku dhashaan ayagoo midabkoodu yahay casaan ama cadaan khafiif ah, timahooduna yihiin jaale ama huruud, bunni ama cadaan.
  • OCA3: tani waa nooc kale oo kamida noocyada baraska waxaana sababa khalad kuyimaada hida sidaha loo yaqaan TYRP1 gene, badanaa waxay ku dhacdaa tani dadka maqaarka madaw, siiba dadka Koonfur Afrika dagan oo madawga ah. Dadkaan waxay leeyihiin maqaar casaan-bunni ah, timo casaan ah, iyo indho bunni ah.
  • OCA4: noocaan waxaa sababa khalad kuyimaada borotiinka la yiraahdo SlC45A2 kaasoo soo saara cadadka ugu yar ee melaninta, waxayna badanaa ku dhacdaa dadka dagan qaarada Aasiya waxayna isku calaamado yihiin dadka qaba OCA2.

Yaa khatar ugu jira inuu ku dhaco baraska?

Cudurkaan waxaa halis ugu jira ama qaadi kara caruurta uurka kujira ee waalidkood qabaan ama dadka reerkoodu dhaxal ahaan u lahaa cudurkaan.

Cudurkaan laguma kala qaadi karo si kale mana jirto cabsi loo baahan yahay inaad ka qaadid la macaamilka dadka qaba cudurkaan, wax waad la cuni kartaa, waad salaami kartaa, waad la noolaan kartaa, wax walboo nolosha kamid ahna waad wadaagi kartaan adiga iyo qofka qaba baraska. Fadlan ha takoorin dadka qaba baraska waayo barasku waa cudur la iskugu gudbiyo dhaxal ahaan oo kaliya, qofka qabana uu la noolaaan karo.

Waa maxay calaamadaha baraska?

Dadka qaba cudurkaan waxaa lagu gartaa calaamadahan soo socda;

  • Midabka oo ka maqan qofka maqaarkiisa, timihiisa iyo indhihiisaba.
  • Meelo kamid ah maqaarka jirka oo midabku ka maqan yahay.

Sidoo kale dadka qaba cudurkaan waxay la kulmi karaan dhibaato xaga arraga ah taasoo ay kamid tahay;

  • Indhaha oo kala jeeda
  • Iftiinka oo uu qofku dhibsanayo
  • Indhaha oo dhaq dhaqaaq uusan qofku kantarooli karin samaynaya
  • Arag xumo

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *