Muhiimadda Is-moogaysiinta

Is-moogaysiintaAhmiyadda is-moogaysiinta:

Waxyaabaha ugu wanaagsan ee ay tahay qofku in uu ku foognaado inta uu nool yahay waxa ka mid ah, fahmidda iyo kala garashada waxa hadba u muuhiimka ah iyo waxa aan muhiimka u ahayn, waxa ay tahay in uu qabashadeeda u hollado iyo waxa ay tahay in uu is-moogesiiyo, waxa ay tahay in uu ka jawaabo iyo waxa ay tahay in aanu u juuqin.

Faylasuufkii Maraykanka ahaa, ahaana caalim door wayn ku lahaa aqoonta cilmu nafsiga oo la odhan jiray William James, baa wuxuu lahaa odhaah caana oo macnaheedu ahaa: Fanka caqli badnidu, waa farshaxannimo-ogaalka waxa ay tahay in la is-moogesiiyo. Qofka caaqilka ah waxa lagu tilmaamaa, hadday fal tahay iyo hadday ficil tahay ba, qof goor kastaba garanaya waxa u habboon ee ay tahay in uu sameeyo, xilliga ugu habboon ee ay tahay in uu sameeyo iyo weliba sida ugu habboon ee ay tahay in uu u sameeyo. Taa macnaheedu waxa weeye, waa qof aan wax walba isaga dhaqaaqin samaynteeda, laakiin dhug u leh waxa uu dhahayo, waxa uu dhaafayo, waxa uu dhisayo, waxa uu dhowrayo, waxa uu dhigayo, waxa uu dhaqayo, halka uu cagta dhigayo iyo dhabbaha uu qaadayaba.

Qofku na intaa ma fahmi karo haddaanu isagu is-fahmin oo aanu is-baran. Haddii aan si kale u idhaahdo, qofku ma awoodo in uu dunida muuqata si xikmadaysan ula fal-galo haddaanu dunida gudihiisa ku qarsoon soo uur-baadhin oo aanu la faqin. Kolka uu is-barto, ee uu fahmo qofka uu yahay, waxa uu doonayo, waxa aanu doonaynin, waxa uu awoodda u leeyahay, waxa aanu awoodda u lahayn, qiyamta uu doonayo in uu la noolaado iyo mabaad’ida uu rabo in ay noloshiisa hagto, markaa uun buu si wanaagsan oo xikmadaysan nolosha ula fal-geli karaa, waxa aan muhiimka u ahaynna is-moogaysniin karaa. Intaa inta ka horraysa, wuxuun buu raacdaynayaa riyo aanu lahayn, wuxuun buu buuxinayaa baaldiyo cid kale, wuxuun buu na waqtigiisa ku luminayaa nolol wahmiya oo aan ahayn middii ay ahayd in uu u noolaado.

Ugu damabayn, waxaa nolosheenna ku xeeran waxyaabo badan oo intaa dareemadeenna xadantaynaya si aan uga fal-celinno, oo waqtigeennana dayyacaya, aadna ay u adag tahay in aan is-moogaysiinno, weli ba xilligan aynnu maanta noolnahay ee sooshal miidhiyuhu (Social Media) noqday qayb ka mida nolosheenna. Qof wal oo doonaya in uu adduun iyo aakhio heer ka gaadho, oo misna ku baraarugsan in waqtigu noloshiisa yahay, noloshuna waqtigiisa tahay, in uu isku hawlo barashada qofka uu yahay, halka uu ka yimi, halka uu u socdo, waxa u muhiimka ah iyo waxa aan muhiimka u ahayn si uu u jeexdo hillin ku haga halka uu haanka ku hayo. Kolkaa uun bay u fududaan kartaa in uu hadba hareerihiisa eego si uu hubiyo in uu ku taagan yahay jidkii guusha iyo in kale. Haddii kale, “Nin dariiq xarriiqdaa; garan kara dayowdaye; dhidarkii ku kacay danab; doc kastaaba waa u toos.”

FG: Is-moogaysiin = to overlook = Al-taqaaful. Waxaanna uga jeeda qofku in uu is-moogaysiiyo wax uu og yahay si aanu uga mashquulin waxa muhiimka u ah ee ay tahay in uu ku foognaado.

W/Q: Mubarak Hadi

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *