Muhiimadda Ay Leedahay In Caruurta Loo Heeso Ama La Huwaaweeyo

Hobeeyaa hobeeheey hobeeheyaa
Markaad dhalatee dhawaaqday,
Dhedow dhaxan bayga duushay,
Dhulkaa ii wada iftiimay.
Dhammow dhuux iyo lafoowaa,
Dhammow dhuubane dhalyow waa,
Dhammow dhogor xaajiyow waa,
Dhammow kaan ku dhaartayow waa
Dhammow dheega Hartiyowa’.

Caruurta oo loo heeso ama la huwaayeeyo waxaa la ogaaday inay kordhiso awoodda luqadeed ee maskaxdooda, waxaana la arkay in ay caruurta facooda ay ka dhakhso barashan ogyihiin luqadda ku hadalkeeda iyo adeegsigeeda.

Wuxuu kaloo huwaayeeska xoojiyaa xiriirka dhallaanka iyo hooyadiis isagoo ka akhristo hadalladeeda kalgacalka ay u hayso ama uu dareemo dareenka markaas ay ku sugan tahay, waana wax eebe ku abuuray oo cilmigu fahmi karin.

Inkastoo dadka badankood aysan ogayn in caruurtu markay dhashaanba ay bilaabaan inay wax bartaan, maalinba maalinta ka damabayso korriimo jir iyo maskax ahaanba waa lagu arkaa.

Sida aan ognahayne hooyooyinkeena alle ha noo daystee inta dhimatayne alle ha u dhaxariisto way noo heesi jireen markaan yarayn iyagoo ku dadaala in waqti badan caruurtooda siiyaan, laakiin hooyooyinka maanta joogo ma u helaan waqti ay ku huwaayeeyaan caruurtooda.

Waa dood furan ee ka qayb qaado, fadlan nala wadaag heestii ama huwaayeskii ay hooyadaa kuu qaadi jirtay ama caruurtiina loo qaadi jiray ama adiguba aad adeegsatid.

Mise ogtahay inay “Aabo ma joogo, hooyo ma joogto” huwaayeys ka fiican oo murti iyo aqoon xambaarsan inay jiraan?!

F.G: Dhammow macnihiisu waa “dhameestiran”, cunug kaamil ah oo dhameestiran.

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

-Somalidoc

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *