Muhiimadda Ciyaartu Ay U Leedahay Carruurta Iyo Dhibaatada Imaan Karta Haddii Laga Xakameeyo

Waxa ay xeeldheereyaashu aaminsan yihiin in ciyaartu ay tahay sees lagama maarmaan u ah koritaanka aqooneed, jiritaan, jidheed iyo bulsho ee ilmaha maadaama oo ay ka caawinayso in uu fahmo dunida iyo in uu xakamayn karo cabsiyaha ku xeeran nolosha.

Noocyada kala duwan ee ciyaarta ay dhexdooda ciyaarayaan carruurtu, oo xaaladaha ay marayso qaarkood ku tababarayaan la macaamilka cabsida, Muranka soo dhexgelaya ee marar gacan ka hadalka ka ka gaadhaya oo ay ka baranayaan sida ay tahay in bani’aadamku u macaamilo, sida uu qofku dareenkiisa u xakamayn karo iyo guud ahaan xidhiidhka bulshada, iyo midka ugu muhiimsan oo ah in ilmuhu ku tababarto siyaabaha ay tahay in khilaafka loo xalliyo. Waxaas oo dhami waa duruus uu ilmuhu ka heli karo oo keliya carruurta ku xeeran.

Waxa kale oo ay xeeldheereyaasha barbaarinta ubadku sheegeen in ilmaha oo ubadka kale dhexgala oo la ciyaaraa ay u kordhiso kalsoonida nafta, sida oo kalana ay kobciso xirfadihiisa xidhiidhka bulshada, afka, iyo guud ahaan waxbarashada. Waxa aanay ka digeen in ilmaha oo xiisayn waaya la ciyaarista carruurta kale ay calaamad u noqon karto in uu jiro khalkhal dhinaca koritaanka ah, muhiimna ay tahay in dhakhtar la tuso, marka dabeecaddaas lagu arko.

CIYAARTU WAXA AY ILMAHA BARTAA WAX AANAY DUGSIGA KU BARAN

Stuart Brown oo ah dhakhtar aasaasay maxad lagu magacaabo ‘National Institute for Play’ ayaa sheegay in ciyaartu ay qayb ka tahay waxbarashada carruurta oo ku barta casharro noloshooda saamayn ku leh oo aanay ka baran waxbarashada rasmiga ah ee fasalka. Waxaa ka mid ah in Ilmuhu uu kasbado guur farxadeed, in uu u helo saaxiibbo daacad ah iyo in uu barto dad ay hawlaha adduun iyo shaqo wadaag noqdaan oo fiican. Waxaas oo dhami waxa ay si weyn ugu xidhan yihiin in uu marka hore si fiican u yaqaanno sida ay tahay in uu dadka ula xidhiidho, meelaha uu si fiican uga baran karo ayaanay ciyaarta carruurnimo ka mid tahay.

HADDII AANU ILMUHU CIYAAR FURSAD U HELIN MAXAA KU DHACA?

  1. Hal abuurkiisa oo hoos u dhaca.
  2. Farxadda oo ku yaraata ilmaha.
  3. Hoos u dhac ku yimaadda awoodda iska xakamaynta iyo adkaanta nafta.
  4. Waxaa lagu arki karaa habdhaqan ay cadaawadi ku ladhantahay.

Sannadkii 2009 ayaa Stuart Brown iyo cilmibaadhayaal kale waxa ay baadhis ku sameeyeen noloshii carruurnimo ee tiro ka mid ah dhalinyaro dembiyo dil ah geystay. Waxa ay filayeen in ay heli doonaan taariikhda muujinaysa in dembiilayaashani ay carruurnimadii soo mareen nolol cadaawad iyo dhibaatayn jidheed leh, laakiin waxaa yaab ku noqotay markii ay ogaadeen in waxa keliya ee ay carruurnimadoodii ka sinnaayeen uu ahaa in waalidkood siyaabo kala duwan ciyaarta oo dhan uga mamnuucay.

Waxa ay xeeldheereyaashani daraasaddan ku ogaadeen in ciyaar ka joojintaasi ay tahay sababta ugu weyn ee ay ugu dhiirradeen dembiga ay galeen. Xaaladda ay soo mareen ayaa sabab u nootay xanuunno nafsiya oo kala duwan, waxaa ka mid ahaa ilmaha oo farxad la’aan iyo hoog dareema, taas oo gaadha illaa heer uu naftiisa ama dadka kale galaafto. Waxaa ku bata dhibaatooyinka nafsiga ah, sida qulubka, walbahaarka iyo niyad jabka.

  1. Ilmaha oo ciyaarta iyo maaweelada laga hor istaagaa waxa ay keentaa miisaankiisa oo aad u kardha, hal abuurka oo hoos u dhaca iyo fal dambiyeedyada oo u uku dhiirrado.
  2. Peter Gray ayaa buug uu soo saaray 2013 kii waxyaabaha uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa saamaynta taban ee ay ciyaar la’aantu ku yeelan karto koritaanka maskaxeed ee ilmaha. “Kor u kaca ku yimi heerka carruurta lagu arkayo khalkhalka dhinaca maskaxda ahi waxa ay aad ugu xidhan tahay hoos u dhaca ku yimi xoriyaddii carruurtu ku ciyaari lahayd” ayaa uu sheegay Peter Gray, waxa aanu ku taliyey in carruurta la siiyo waqti dheeraad ah oo ay fursad u helaan ciyaarta ay jecel yihiin.

WAAJAHIDDA SHAASHADAHA

Isbedbeddelka bulsho iyo raadadka ay tiknoolajiyaddu ku yeelatay nolosha casriga ahi waxa ay si weyn saamayn ugu yeesheen ciyaartii carruurta iyo waqtiga ay u helayaan in ay facooda la ciyaaraan. Haddaba si loo xakameeyo in teknoolajiyadu ay la wareegto guud ahaanba waqtiyadii uu firaaqada heli lahaa ilmuhu, baresare Patrick Bateson ayaa waalidka kula talinaya in ay tallaabooyinkan hoose qaadaan.

  1. Ilmuhu waa in uu maalin kasta helaa hal saaca oo ah ciyaar uu xor yahay waxa uu xorriyadiisa ku doortay.
  2. Waa in la yareeyaa waqtiga uu ilmuhu ku qaadanayo shaashaddu aanu maalintii ka badan hal saac illaa 2 saac.
  3. Ilmaha laba sano ka yar waa in laga ilaaliyo shaashadda sida TV-ga, taleefannada gacanta iwm.
  4. In qolalka hurdada ee carruurta laga dhigo meel ka caaggan shaashadda oo dhan, taleefanka gacanta, ciyaaraha kombiyuutartka, talefishanka, iyo gebi ahaanba ciyaaraha elektarooniga ah.
  5. In xilliyada ciyaarta jidheed, cuntada iyo marka hawli ilmaha u taallo laga ilaaliyo in isaga oo hawsha wada ay haddana ha dhinac baxaan codad ama muusika Talefishanka, talefanka gacanta ama qalabka kale ee lagu ciyaaro.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *