Maxay Hurdo Kuu Qabataa Afurka Kadib?

Maadaama la soomanaa saacado badan oo la dareemayo harraad, diihaal iyo dacas, waxay dheguhu dhawrayaan maqalka Aadaanka si afka loola helo cabitaan iyo cunto wixii naftu jamato si looga kabto oonkii, daalkii iyo dihaalkii, waxa sida loo yeelayaa si jirka loo tamriyo loona helo firfircooni.

Hase yeshee waxaa suurta-gal ah in aynaan helin tamarti aynu u baahnayn kolka aynu afurno, oo dadka qaar waxaaba u dheer intaa madax xanuun, halka kuwo kalana lulmoodaanba oo awoodda ku hartay isugu geeyaan sidii ay usoo jeedi lahaayeen. Haddaba maxay tahay sababaha keenaya lulmadan, sidee ayaase looga hortagi karaa ama lagu yarayn karaa?

Sababaha keena lulmada.

Ugu horrayn, Kolka aad cuntayso in aad lulmooto waa arrin dabiiciya oo aan welwel lahayn. Haddaba dhakhtarad ku xeeldheer cunnooyinka iyo hababka quudin ayaa ayada oo la hadlaysa Aljazeera.net arrinkan sidan ku sababaysay: Xiidmaha oo u baahan dhiig fara badan si cuntada loo shiido; ayaa jirka ka dhigaya mid gataati dhacsan oo caajis iyo wahsi la tacbaan ah, kolka la afuro.

Waxay kale ooy tiri: “Kolka si kadis ah loo cuno raashin badan, waxay keenaysaa in si xawli leh loo dardargaliyo shiiditaanka cuntada. Maskaxda ayaa kolkaa gaarsiinaysaa dhiig badan Xiidmaha, kolkaa waxaa dhacaya in uu yaraado qulqulka Dhiigga qaybaha kale ee jirka gaaraya ayna ka mid tahay Maskaxdu, waana marka ay imaanayso inaynu lulmono.”

Sida ay xustay majaladda arrimaha caafimaadka ka faalloota ee Medical News Today, waxa
a jirku uu u dareemayo gataatidhaca waa in jirku soo daynayo cuntada ka dib Seeraatooniin-oo ah maaddo ka qayb qaadata qaabaynta hurdada iyo in la lulmoodo-.

Haddaba Aashitada Tarbitofaan oo laga helo noocyo badan oo Raashina oo Borotiinka hodan ku ah, ayaa ka caawisa jirka soo daynta Seeraatooniin, halka Kaarboohaydareetisku ka saacidaan jirka in uu nuugo Tarbitofaanka. Halkaa waxaynu ka fahmaynaa qofka oo cuna raashin hodan ku ah Karboohaydarayd iyo Borotiin in ay keenayso lulmo.

Hadaba dhanka kale sida ay sheegtay majaladda (Health line), in la lulmoodo kolka la cunteeyo marar ayey la xariirtaa arrimo caafimaad darro, sida qofka oo la nool xanuunka Sonkorta, qofka xasaasiyada ku qaba raashinka qaar, dhiig la’aan ama Qanjidhka Darqiyada oo qofka xanuunaya.

Haddaba si aad isaga ilaaliso lulmada kolka aad afurto, jirkana loo siiyo tamar iyo firfircooni, waxaad akhrisaa talooyinkaan hoos ku qoran:

Ka fogow cuntooyinkan:

Ka fogoow in aad ku afurto ama yarayso cuntooyinka la shiilo, kuwa sonkorta leh, maxaa yeelay waxay kenaan in la soo daayo Insuliin, waxaana ka mid ah cabitaannada la shiido iyo cuntooyinka ka kooban in yar oo Karboohaydayrd ah.

U afur qaab caafimaad qab ah

Sida ay khabiiraddu sheegtay in loo afuro si caafimaad qabta, waxay yaraynaysaa in si kedis ah loo dareemo lulmo, arrintaasina: waa ayada oo la cuno dhowr xabbo oo Timir ah iyo biyo, dabadeedna loo kaco Salaadda Maqrib, hadhaw goorta gogosha afurka lagu soo noqdana laga bilaabo cuntada in aad cabto Boorash.

Waxay sii raacisay: in ay habboontahay in lagu afuro Timir, maadama ay ka koobantahay Gan iyo sonkoro leh macaan Dabiici ah, oo ay jirka siinayso Tamar lagama maarmaan u ah. Waxaa kale oo habboon in la cabbo Boorash oo jirka u diyaarinaya in uu soo dhaweeyo raashinka aad soo waddo, maxaa yeelay lulmada waxaanba u dareennaa inaga oo hal mar Raashinka wada cunna, taa oo keenaysa in Dhiiggu ku ururo hab-dhiska cunto shiidista.

Raac xeerka “kala qaybtinta Xeerada Raashinka”

Waxay xustay khabiiraddu in qaybaha cuntada sida Nashwiyaadka (sida Bariiska, Baradhada iyo macmacaanada), Karboohaydaraydka iyo Barotiinadaba in si is le’eg looga afuro. Waxay kale oo xustay in Xeerada loo qaybiyo laba qaybdood, qayb ka kooban Khudaar iyo qayb ka kooban Barotiino iyo Karboohaydarayd.

Nidaaminta cabidda Shaaha iyo Kafeega

Waxay adkaysay khabiiraddu laga maarmaanimada in muddo ka dib afurka la cabbo Shaaha ama Kafeega; maxaa yeelay waxay isku gudbayaan nuugista jirka ee Fitimiinada maadama ay ka koobantahay Tanaad-oo ah maaddo isku koolanaysa birta oo diidaysa in la nuugo- waxayna keenaysa muddo kadib dhiig la’aan. Sidaa darteed, Waxaa habboon ayey tiri in laba saac ka dib afurka la cabbo Shaaha ama Kafeega.

Hurdo kugu filan seexo

Ma aha wax lala amakaago in jirka oo aan helin hurdo ku filan ay keenayso lulmo kolka la cunteeyo, maxaa yeelay kolka jirku daaltirto oo madaxu dego wuxuu u baahanayaa Raaxo, haddii uusan soo helin hurdo ku filan.

Ha hilmaamin jimicsiga:

Sida hurdada habeenkii uga qayb qaadanayso in aadan lulmoonin, ayuu Jimicsiguna uga qayb qaadanayaa kobcinta awoodda tamareed ee jirka, taa oo yaraynaysa in jirku gataati-dhaco.

W/Q: Naha Sacad

W/T: Madasha Hoobaan

Tixraaca: aljazeera.net

Check Also

khudrado, wadnaha

Khudrado Dalkeenna Laga Helo Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Wadnaha

Wadne xanuunku waa sababta koowaad ee dunida maanta loogu dhinto waxaana la aaminsan yahay in …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *