Maxaan Uga Oohin Badanahay Dadka Kale? 6 Arrimood Oo Cilmi Baaris Lagu Arkay

oohinta badan, oohinta dumarka, ilmada

Oohinta waxaa laga dhigay wax sumcad ahaan aan haboonayn ama calaamad u ah daciifnimo sida awgeed dad badan ayaa isku celiya ilmada, balse cilmi baarisuhu waxa ay muujinayaan in oohintu ay leedahay faaidooyin ay ka mid yihiin dejinta xanuunka jirka iyo kan nafsiga ah, sidoo kalena ay soo deyso hormoonada “endorphins” iyo “oxytocin” kuwaas oo yareeya stress-ka. 

Laakiin kawaran haddii aad tahay qof oohin badan? Qormadaan waxaan ku eegaynayaa waa maxay sababta dadka qaar ay uga oohin badan yihiin dadka kale, goormee se oohintu ay noqon kartaa mid xad dhaaf ah. Waa kuwaan waxyaabaha ay tahay inaad ogaato.

6 sababood oo aad uga oohin badan tahay dadka kale: 

Waxaad tahay qof naxariis badan: 

Waxaa jira arrimo badan oo keeni kara in qofku uu ka oohin bato qofka ku xiga ama dhiniciisa jooga, arrimahaas waxaa ka mid ah heerka naxariistiisa oo aad u sarreysa. 

Dadka qaar, ayaa si dabiici ugu nugul dadka kale, taas oo keenta shucuur aad u sarreysa. Tusaale ahaan, dadka kale dhibkooda waxa ay ula dareemaan inuu iyaga ku dhacay oo kale. 

Waxaa lagu baray yaraantaadii:

Qoysku saamayn weyn ayuu ku yeelan kara oohintaada. Haddii yaraantaadii oohinta lagaaga dhigay wax ceeb ah, ama qasab lagugu aamusin jiray marka aad ooydo, waxay keenaysaa inaad isku celiso illinta ama aad iska ilaaliso inaad dareenkaaga ku cabbirto oohin.

Dhinaca kale, haddii caruurnimadaadii aan laguu diidin jirin oohinta ama lagugu dhiiragelin jiray inaad dareenkaaga cabbirto iskuma celinaysid oohinta ama ma dareemaysid cadaadis ah inaad isku celiso illinta.

Waxaa ku haya stress badan:

Haddii aad tahay qof caadi ahaan aan oohin badnayn, balse beryahaan dambe aad isku aragtay oohin badan, waxaa dhici karta inay ku hayaan burbur iyo stress badan. Sida la ogyahay, qofka oo heli waaya hurdo ku filan waxa ay saamayn kartaa dareemadiisa taas oo adkeyn karta nidaaminta dareemada.

Waxaa xusid mudan, stress-ku wuxuu kaa dhigi karaa qof xanaaq dhow ama niyad ahaan isbedbedela, taas oo keeni karta illin badan.

Waxay ku jirta DNA-gaaga:

Oohintu badan waxay noqon kartaa dabeecad aad ka hidde raacday qoyskaaga. Daraasaduhu ma tilmaamayaan oo keliya in laga kala dhaxlo sida ay u shaqeeyaan dareemadu balse waxay kaloo muujinayaan in dadka dareen ahaan aadka u debecsan ay maskaxdoodu in yar ka duwanaan karto dadka kale, tusaale ahaan, inuu siyaado qulqulka dhiigga ee gaaraya maskaxda qaybta qaabilsan dareemada iyo naxariista.

Waxaad tahay haweeney:

Xaqiiqadu waxa ay tahay in dumarku ay ka oohin badan yihiin ragga. Maskaxdu dumarku qaabka ay isku xiran tahay waa inay ka naxariis badan yihiin ragga, sida oo kalena ay uga nugul yihiin stress-ka.

Dumarka ayaa labo jibbaar ragga ka nugul xanuunka niyad jabka, sida ay sheegayso daraasad lagu daabacay joornaalka dhimirka iyo cilmiga neerfaha. Daraasado kale, ayaa iyaguna tilmaamaya in xanuunka walwalka ay dumarku uga halis badan yihiin ragga.

Waxaa kaloo xusid mudan, dhiigga caadada iyo saamaynta uu ku leeyahay niyadda. Waxaa lagu arkaa in badan oo dumarka ka mid ah xiliga caadada kahor inay isbedesho dabeecadooda iyagoo ah kuwo xanaaqsan ama walwalsan.

Waxaa ku haya niyad jab:

Haddii aad isku aragtay oohin xad dhaaf ah oo aanan la kontarooli karin, waxaad u baahan iska hubiso inaad inuu ku hayo xanuun nafsi ah.

Xanuunada niyad jabka iyo walwalka waxaa lala xiriiriyaa nidaaminta dareemada oo adkaata, taas oo keeni karta oohin badan oo aan la xakamayn karin.

Gunaanad:

Oohintu ma ahan wax xun, balse qofka nafsad ahaan u dejisaa, waxa ay nidaamisaa habdhiska neerfaha, waxayna soo deysaa hormoonka endorphins iyo hormoonnada farxadda.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *