Maxaad Ka Dheehan Kartaa Isbadallada Ku Yimaada Saxarada?

Bulshada badanaa fiira gaar ah uma yeeshaan dhaqdhaqaaqooda suuliga. In kastoo mawduucaan uu yahay mowduuc ay dadka badan kood ka helin, sida saxda ah ee fiira gaar ah loo yeesho shaqada ka dhaceysa gudaha jirka waa in la arko waxa ka soo baxa jirka.

Habka dheefshiidka waa mid si kala duwan u shaqeeyo marka la fiiriyo dadka, shaqadana waxaa saameyn ku yeelan karo arimo dhawr ah sida hiddaha, heerka biyaha ku jira jirka, dabeecadaha cunnada, dawooyinka iyo xaalado caafimaad.

Mararka qaar cunada aad cuntid ma ahan mid jirkaaga uu u bartay, halka mararka qaarna aadan cabin biyo kugu filan ama waxaad qaadataa dawo jirkaaga ku cusub. Arimahaas oo dhan waa kuwo bedeli kara habka iyo muuqa saxarada laakin waxaa laga yaabaa iney dib ugu noqoto sidi ay aheyd waqti yar kedib.

Inta jeer ee la dareemo dhaqdhaqaaqa saxrada waa mid sidoo kale kala duwanaan karto. Qof kasta ma aado suuliga maalin kasta. Dadka qaar waxaa caadi u ah iney maalin kasta saxaroodaan, halka dad kalane ay maalin dhaaf  u baahdaan suuliga.

Isbedel ku yimaada saxarada

Waxaa muhiim ah inaad ka warqabtid sida habka dheefshiidkaaga uu u shaqeeyo iyo waxa shakhsiyan caadi kuu ah. Hadii aad dareentid isbedel waqti dheer qaata oo ku yimaada saxarada waxaa lagaa rabaan inaad si hoose ugu sii kuurgashid. Sidoo kale hadii aad dareentid xanuun iyo astaama kale oo waqti dheer qaata wa muhiim inaad la xiriirtid dhaqtar.

Niyadda ku haay isbedel ku yimaada saxarada oo ka yar todobaadyo fara ku tiris ah ineysan ka dhigneyn iney jirto xaalad caafimaad.

5 astaan oo lagu garto inuu dhib jiro

Jirka wuxuu lee yahay qaab uu u sheego hadii uu dareemo qalad. Astaamaha aan kugula talineyno inaadan iska indha tirin waxaa ka mid ah:

  1. Saxarada oo dhiig la socdo. Xitaa hadii aad dhiig yar ku dhex aragtid saxarada marar badan waa muhiim inaad la tashatid dhaqtar oo aad ka sal gaartid waxa sababaya. Dhiiga wuxuu ka tarjumi karaa baabasiir, fiiskolada daba, iyo kasoo baxa mindhihiraha u nugul kansar ama xanuunka caabuqa xiidmaha.
  2. Isbedel ku dhaca qaabka joogtada u ah saxrada. Qof kasta wuxuu dareema shuban xiliyada qaar, laakin hadii saxaradaada ay ahaan jirtay mid adag oo ay isku bedeshay shuban, waxay ka tarjumi kartaa inuu jiro boogta xiidmaha ama xanuunka crohn.
  3. Shuban aan joogsaneyn. Shuban ka wuxuu noqon karaa calaamad lagu garto infekshan iyo cunada oo uusan jirka u dulqaadan karin, boogta mindhiciraha iyo xanuuna kale ayaa sababi kara shuban joogta ah, sidoo kale waxey noqon kartaa arin ka dhalata dawooyinka qaar iyo xanuunka loo yaqaano irritable bowel disease.
  4. Calool fadhi. Hadii aad isku aragtid calool istaag kugu cusub, waxey ka dhigan tahay inaadan cabin biyo jirkaaga ku filan. Hadii calool istaagu uusan ka soo hagaagin marka aad badisid cabidda biyaha la kulan dhaqtar.

Nolol wanaag, saxara roon

Dadka la daala dhacaya xalaada joogta ah oo quseeya saxarada waa in qiimeyn uu ku sameeyo dhaqtar. Xaaladaha qaar waxaa lagu hagaajin karaa dawo iyo nolol wanaag.

Dhibaatooyinka badan kood waxaa lagu sixi karaa isbedel fudud oo lagu sameeyo cunada iyo qaab nololeedka. Xaaladaha aan halista laheyn waxaa lagu sixi karaa arimahaan:

  • In la cuno cunooyinka aan lasoo warshaqeyn, iyo in la badsado qudaarta cagaaran
  • In laga fogaado macaanka gacan ku sameyska ah, iyo kafeyga xad dhaafka ah
  • In la badsado cabidda caanaha garoorka ah, si awood loogu yeelo bagteeriyada jirka u fiican ee ku jirta xiidmaha
  • In la joogteeyo cabidda ugu yaraan 8 koob oo biyo ah maalin kasta
  • In lagu dadaalo jimicsiga iyo dhaqdhaaqa jirka
  • In la qaado tilaabooyin lagu yareeyo walwalka
  • In la weydiiyo dhaqtarka dawooyinka saameynta ay lee yihiin oo aan fiicneyn

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *