Maxaad Ka Cabanaysaa?

Halka aad ka cabanayso “boring” caajis badan & wax xiisa leh oo aad daawato,
Waxaa jira qof indha la’ oo ku ducaysanaya in aragoodi u soo noqdo

Halka aad ka cabanayso in cuntada laguu keenay aysan dha-dhan fiican lahayn, waxaa jira caruur gaajo ku seexda

Halka aad ka cabanayso dhib yar oo u soo gaartay, waxaa jira qof dhaawac ah oo aan haysan wax dhaya

Marka aad ka cabanayso war laga sheegay ama aflagaado laguu geystay, Waxaa jira qof Xabsi ugu jira dulmi iyo dambi uusan lahayn oo lagu eedeeyay

Halka aad ka cabanayso shaqadaada, waxaa jira qof Alle ka baryaya habeen & maalin in uu shaqa la’aanta ka saaro, oo xitaa mushahar aad u yar ku shaqeeyo

Halka aad ka cabanayso daahyada qolka kuugu xiran ama alaabta guriga kuu taal, waxaa jira qof aan hoy lahayn, oo aan haysan wax ay huwadaan

Marka aad ka cabanayso, adigoo caafimaad qaba, in hurdo kaa iman weyday, waxaa jira qof jiifa Cusbitaal oo xanuun la soo jeeda habeenki oo dhan

Halka aad ka cabanayso Magaalada ama Dalka aad ku nooshahay, waxaa jira qof aan maanta soo kicin si uu u arko, loona kaxeeyay god yar oo mugdi ah

Jooji Cabashada
Xaqiiqdii waxa aad ka cabanayso waxay Barako iyo barwaaqo u tahay qaar kale oo badan.
Noqo mid Mahadceliya.

Dheh Alxamdulilaah

Diyaariye: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *