Koomada waa xaalad raagta oo miyir la’aan ah, xiliga qofku uu ku jiro kooma kama warqabo jawiga iyo hareerihiisa, qofka ku jira kooma waa qof u eg inuu jiifo, hasa yeeshee ma’ahan hurdo laga soo toosin karo qofkaas, xataa hadii la isku dayo in lagu kiciyo dareen xanuun.
Maxaa sababa kooma?
Waxaa sababa dhaawac soo gaara maskaxda, dhaawacyada soo gaara maskaxda waxey noqon karaan:
- Dhiigbax
- Cadaadiska maskaxda oo siyaada
- Ogsijiin la’aan ama sunta oo kubadata jirka
Dhaawacyada soo gaara maskax ayaa loo kala saaraa kuwa laga bogsan karo iyo kuwa aan laga bogsan karin.
In kabadan 50 boqolkiiba koomada waxaa sababa dhaawac ama khalkhal ka yimaada wareega dhiiga ee maskaxda bani aadamka. Waxyaabaha sababa koomada waxaa kamid ah:
- Dhaawac: Dhaawacyada soo gaara maskaxda waxay sababi karaan iney bararto maskaxda ama uu dhiig ku furmo, dareeraha ayaa ku cadaadiya maskaxda qalfoofta madaxa, bararka maskaxda ayaa dhaawici kara qeybta maskaxda loo yaqaano RAS (Reticular Activating System) taasoo ku shaqa leh kasoo kicida hurdada iyo iska warqabka ee qofka.
- Barar: Bararka qaar ee maskaxda waxaa sababi kara ogsijiin la’aan, hormoonada iyo macdanta dhiiga oo aan isu dheelitirneen
- Dhiigbax: Dhiigbax ka dhaca gudaha xuubyada maskaxda ayaa ku sameeya cadaadis maskaxda taasoo dhaawici karta RAS.
- Faalug: Waa marka ay maskaxda ka jirto dhiigxiran ama dhiigbax oo sababaya in qeybaha qaar ee maskax aysan helin dhiig soo gaara
- Sonkorta dhiiga: Dadka qaba sonkoroowga waxay gali karaan kooma hadii cabirka sokorta dhiigooda ay siyaado ahaato xili dheer waxaa loo yaqaanaa xaladaas Hyperglycemia ama hadii ay yaraato cabirka sokorta oo ah xaalad loo yaqaano Hypoglycemia. Nasiib wanaag dadka ku jira kooma waxay kabixi karaan marka la saxo cabirka sokorta ee dhiigooda.
- Ogsijiin la’aan: Ogisjiin wuxuu lagama maarmaan uyahay shaqada maskaxda, ugsijiin la’aan waxay ka dhalan kartaa wadna istaag, margasho, qarqid
- Infekshan: Infakshanada kudhaca neerfayaasha sida qoorgooye, waxa sababi karaan koomada
- Sun: Walxaha qaar ee si caadi ah aan looga heli jirka ayaa noqon kara sun mar hadii qeybaha qaar ee jirka ay usaari waayaan dibadda jirka sida maadada loo yaqaano ammonia, oo ka dhalata cudur ku dhaca beerka iyo maadada CO2 ee ka dhalata marka qofka uusan si fiican uneefsanin iyo Urea oo ka dhalata marka kilyaha ay fashilmaan
- Qallal: Waa dhif inuu qof galo kooma marka uu ku dhaco qallal haljeer, laakin hadii uu ku dhacdo qallal si isdaba joog oo loo yaqaano (status epilepticus) waxaa dheeraada xiliga qofka uu miir daboolan yahay tasoo sahleysa inuu qofku galo kooma.
Akhriso: Wax Ka Ogoow Xanuunka Qallalka (Epilepsy) Iyo Noocyada Uu Ukala Baxo
Majiraan dawooyin lagu daweeyn kara koomada?
In la daweeyo koomada waxay ku xiran tahay waxa sababay koomada, dadka lajooga qofka galay kooma waxaa looga baahan yahay iney siiyaan dhaqtarka warbixin buuxda oo kusaabsan qofka si ay ugu fududaato dhaqtarka wax kaqabashada xaaladaas caafimaad ee daran.
Koomada qaar waa mid dib loo celin karo oo laga soo kabsan karo mar hadii dawo ku haboon lasiiyo, sida sababta koomada oo ah infakshan, waxaa loo baahan yahay in lasiiyo qalajiye. Hadii sababta koomada ay tahay khalkhal kajira cabirka sonkorta ee dhiiga, qofku wuxuu kasoo baxayaa koomada maraka la saxo cabirka sokorta ee dhiigaada. Guud ahaan daawada koomada waa mid taageerid ah, dadka kujira kooma waxaa lagu daryeelaa xarunta ICU ee isbitaalada ilaa iyo inta ay xaaladooda kasoo roonaaneyso.
Saadaasha koomada
Xiliga ay qaadaneyso inuu qofka kasoo baxo koomada waxay ku xiran tahay waxa sababay, iyo hadii lasixi karo waxa sababay koomada, hadii laga daaweeyo qofka waxa sababay koomada waxaa suurta gal ah inuu kabaxo koomada oo uu kulaabto noloshiisa caadiga ahayd, laakin hadii dhaawaca soo garay maskaxda uu halis yahay waxaa suurta gal ah inuu si joogta ah u naafoobo amaba uusan waligiis usoo laaban miyirka. Sidaa darteed wey adag tahay in lasaadaaliyo waqtiga ay qaadaneyso koomada, waxaa jira dad badan oo xili dheer ku jiray koomo hadana kasoo toosay, iyo dad xili yar ku jiray oo naafoobay.