Maxaa Ku Dhici Kara Carruurta Haddii Aysan Helin Hurdo Ku Filan?.!!

Waxyaabaha ugu badan ee ay carruurta iyo waalidku isku fahmi waayaan waxaa ka mid ah hurdada iyo saacadaha hurdo ee ay u baahan yihiin. Waxa ay aad u sii badataa xilliga fasaxyada dugsiyada oo ay carruurtu caadaystaan in ay habeenkii seexdaan saacado aad u dambeeya ama in ay seexdaan saacado aan nidaamsanayn oo habeenba waqti ah.

Noolaha badankiisu waxa uu leeyahay dareen maskaxda ku abuuran oo la qabsada saacado go’an oo uu qofku dareemo gaajada, hurdada, baahiyaha kale ee jidhka iyo hawlaha qofka u yaalla, taas oo marka waqtigaas la gaadho uu qofku xasuusanayo. Waxaa loo yaqaannaa ‘Saacadda abuurka ah / bayoolojiga ah’.

Haddaba hurdada oo ilmaha ka khalkhashaa waxa ay ku keentaa in jaahwareer ku dhaco saacadda bayoolijiga ah. Sidaas awgeed fasaxyada dugsiyada kaddib waxa ay dhibaato kala kulmaan saacadihii hurdo ee ay ahayd in ay qaataan xilliga dugsiga.

Hay’adda qaran ee caafimaadka hurdada u qaabilsan Maraykanka (National Sleep Foundation) ayaa dhowaan bixisay talooyin la xidhiidha saacadaha uu ilmuhu u baahan yahay hurdada, oo sidan hoose ah:

  1. Carruurta da’doodu tahay 3 illaa 5 jir waxaa waajib ah in ay helaan hurdo dhan 10 illaa 13 saacadood,
  2. Carruurta da’doodu u dhexeyso 6 sano illaa 13 sano jir waa in ay helaan inta u dhexeysa 9 illaa 11 saacadood oo hurdo ah maalin kasta,
  3. Halka carruurta da’doodu u dhexeyso 14 sano illaa 17 sano ay waajib tahay in ay habeen kasta seexdaan 8 illaa 10 saacadood.

Hay’adda qaran ee sayniska ee dalka Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo NSF ayaa iyaduna sheegtay ilmaha oo aan helin hurdo ku filan in ay ku keento dhibaatooyin badan oo dhinaca waxbarashada ah.

Tusaale ahaan hurdo yaraantu waxa ay yaraysaa awoodda ay maskaxda ilmuhu u leedahay waxbarashada, dhegeysiga iyo dhugmada, sida oo kale waxaa hoos u dhaca kartideeda xallinta mushkiladaha.

Dhibaatooyinka kale ee ilmaha hurdadu ku yaraato lagu arko waxaa ka mid ah illow badan oo aanu dib u xasuusan duruusta muhiimka ah, gaar ahaan magacyada, tirooyinka iyo waajibaadka dugsi ee ay tahay in uu qabto.

Carruurta da’da 13 illaa 17 u dhexeysa ayaa ay khubaradu sheegeen in hurdo yaraantu ay ku keento isbeddel weyn oo ku yimaadda dabeecadahooda, tusaale ahaan qaylo badan iyo khilaaf dabeecad xumadiisa ku imanaya oo dhex mara saaxiibbadii, ardayda dugsiga la dhiganaysa iyo walaalihii.

Waxa kale oo kordha baahida ay u qabaan cuntada aan caafimaadka u fiicnayn tusaale ahaan waxaa korodha hamuumta ay u qabaan cunista xalwadda, guud ahaan macmacaanka iyo cuntooyinka shiilan, sidaas awgeed ilmahan waxaa lagu arkaa miisaankiisa oo aad u kordha.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

facebook Page: Marjaan Media

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *