Maxaa keena Dhiiga Ka Yimaada Gabadha Uurka Leh?

Dhiiga uurka cusub, dhiiga caadada uurka, hooyada uurka lehWaa maxay dhiiga yimaada marka uur la leeyahay?

Marar badan ayay noqotaa wax aan halis ahayn in dhiig yimaado iyadoo uur la leeyahay, waa arrin dumar badan ku dhacda.. Dhiigu waxaa uu noqon karaa mid khafiif ah,  mid buni (kafee) ah, ama mid u eg dhiigii caadada.

Dhiigga khafiifka ah ama midka buniga ah inta badan ma ahan wax khatar ah laakiin hadii uu kaa yimaado dhiig u eg midka caadada ama hadii ay la socdaan cillado kale sida hadii caloosha lagaa qabto, ama uu ku xanuuno farjiga ama gumaarka waxaa muhiim ah inaad si joogto ah ula xiriirto dhakhtarkaaga.

Maxaa keeni kara dhiiga ka yimaada gabadha uurka leh?

Sababo badan oo kala duwan ayaa dhiigaan keeni kara waxaana ka mid ah:

  • Samaysmiga ilmaha: waa arrin caadi ah in  dhiig la isku arko marka uurku yaryahay , dhiigaan waxaa keena ukunta bacrimintay ee ku dhegtay derbiga ilmo galeenka.
  • Isbadallada hoormoonada
  • Galmada
  • infekshan
  • Dillaaca xididada, marka ilmuhu weynaanayo ilmo-galeenkuna wuu koraa taasoo keeni karta in xididada yaryar ee dhiigga qaada ay dillaacaan.
  • In ilmuhu ku abuurmo banaanka ilmo galeenka
  • Dilanka ilmaha

Gabadhaan isku aragta dhiigga waxaa haboon inay nasato, oo ay socodka xadido, islamarkaana ay ka foogaato inay qaado waxyaabaha culayska ah.

Halkaan hoose ka daawo Ubahiina Muuse soo si fiican u sharraxaysa dhiiga xilliga uurka

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *