Bidhaamo laga fahmay in lammaanuhu muddo dheer marka ay qoys ahaadaan ay ugu dambaynta isu ekaadaan ayaa soo shaac baxay sannadkii 1980-maadkii, tan iyo waqtigaasna waxa ay noqotay mawduuc jaamacadaha lagaga doodo iyo qadiyad ardayda ku soo noqnoqotay.
Laakiin, nasiibdarradu waxa ay tahay daraasadihii kala dambeeyey ee arrintan lagu sameeyey oo aan caddaymo cilmiya u keenin arrintan, inkasta oo aanay marnaba meesha ka saarin jiritaankeeda.
Pin Pin Tea-Makorn, oo ah arday shahaadada PhD ka diyaarinaya jaamacadda Stanford, kana mid ahaa xeeldheereyaasha daarasaddan sameeyey ayaa sheegay in iyaga oo ka duulayaa doodda ah in dadka muddo dheer wada noolaadaa ay ugu dambaynta isu ekaadaan.
Sidao o kale daraasad uu sannadkii 1987 kii sameeyey Robert Zajonc oo ka tirsanaa jaamacadda Michigan, waxaa natiijadeedu ku soo ururtay in lammaanaha is qabaa ay wejiga isaga ekaadaan, marka ay muddo wada noolaayeen. Ugu dambayntii sharraxaadda ay xeeldheereyaasha cilminafsigu waxa ay ku doodeen in ‘nolosha oo la wadaagaa, ay qaabayso wejiga dadka, sababtuna ay tahay Nooca cunto, qaab nololeedkeesa, muddada ay bannaanka guriga ku wada qaaanayaan iyo xitaa jiitimaha uu qosolku wejiga ku sameeyo oo dhammaantood kaalin ka qaata isu ekeysiinyaha labada qof.
–Kamaal Marjaan