Waxaa xaqiiqa ah in cunista khudaarta laga helo fiitamiinno, macdano iyo maadooyin kale oo caafimaadka lagama maarmaan u ah. Cunista khudaarta oo la joogteeyo waxay ka hortagtaa cudurrada kansarka, macaanka iyo wadne xanuunka.
Faybarka ku jira khudradda waxa uu gacan ka gaystaa hoos u dhigista heerka dufanka dhiigga, waxaana uu kordhiyaa maadada folic acid ee dhiigga ku jirta, sidoo kale, faybar waxa uu aasaasi u yahay caafimaad qabka dheefshiidka.
Qormadaan waxaan ku eegaynaa calaamado caddeynaya in aadan cunin khudrad kugu filan:
Nabraha:
Fitamiin C oo jirka ku yaraada waxay sababtaa in jirku si fudud nabro u yeesho, finan, cirridka oo dhiiga, daal joogto ah, tabar yari iyo heerka bogsashada nabraha iyo dhaawacyada fudud oo hoos u dhacda. Khudradda laga helo fitamiin C-ga waxaa ka mid ah barbarooniga, basbaaska cas, khudradda caleemaha cagaaran leh iyo yaanyada.
Hargab joogto ah:
Cunis la’aanta khudradda iyo fitamiin C-ga oo jirka ku yaraada waxay keentaa inay hoos u dhacdo awoodda difaaca jirka si uu iskaga caabbiyo bakeeriyada iyo fayrasyada. Fitamiin C-gu wuxuu ka hortagaa xanuunnada difaac yarida ka dhasha sida hargabka iyo ifilada. Khudradda cagaaran waxaa ka buuxo fitaamiin C, maadooyinka sunsaarista iyo birta (iron).
Daal joogto ah:
Haddii aad isku aragto daal joogto ah waxay astaan u noqon kartaa in maadada folic acid (folate) ay jirkaaga ka maqan tahay. Folic acid oo jirka ka maqan waxay keentaa daal joogto ah iyo dhiigyari. Folic acid wuxuu la shaqeeyaa fitamiin B12 wuxuuna keenaa dhiigyari hadduu jirka ku yaryahay, waana in la siiyaa dumarka uurka leh wuxuu muhiim u yahay samayska DNA oo ah macnaheeda waa muhiim markii unug cusub la samaynaayo, haddii hooyada uurka leh aysan qaadan fitamiinkaan ama uu ku yaryahay waxaa la arkaa in ay dhasho caruur dhabar furan ama san faruuran. Folic acid waxaa laga helaa digirta, misirta, kaabajka iyo koostada.
Hilmaan badan:
Inkastoo illowshiyaha marmarka ah uu ku dhaco dadka oo dhan, da’a kasta, haddana haddii aad isku aragto in awoodaada wax xiftidintaada ay hoos u dhacday illowshiyanahana uu kugu batay waxay tilmaan u noqon kartaa in jirkaaga ay ka maqan yihiin nafaqooyin muhiim ah. Maadada “luten” waxaa la ogyahay inay kobciso xusuusta iyo awoodda waxbarashada. Maadadaan waxaa laga helaa kaarootada, khudradda caleemaha cagaaran, broccoli-ga, galleyda iyo yaanyada. Maadaani waxay kaloo ka hortagtaa caadka indhaha fuulo iyo xanuunka kale ee ku dhaco indhaha ee loo yaqaanno “Macular Degeneration” oo yimaada marka qofka uu duqoobo.
Stress badan:
Waxaa jira cuntooyin saamayn wayn ku leh stress-ka. Hurku ama balbalku waa falcelinta dabiiciga ah ee stress-ka, hurku waxa uu saamayn xun ku yeeshaa jirka, cuntooyinka hoos u dhiga hurka (anti-inflamatory) waxaa ka mid ah kalluunka salmon, tuunada, barbarooniga, yaanyada, saliid saytuunta, khudradda caleemaha cagaaran leh lawska, farawlaha (strawberry) iyo liin macaanta.
Murqo xanuunka:
Khudradda waxaa laga helaa maadada “potassium” oo ka hortagta murqo xanuunka, gaar ahaan xilliyada jimicsiga. Potassium, waxay jirka u tartaa inay waasiciso xididada dhiiga khaasatan markuu cadaadiska dhiigga uu kaco, waxay ka hortagtaa xanuunnada wadnaha iyo kilyaha, walwalka iyo stress-ka. Maadadaan waxay kaloo kobcisaa awoodda murqaha iyo dheefshiidka. Maadadaan waxaa lagaa helaa koostada, baradhada macaan, broccoli-ga, mushroom-ka, baradhada iyo bocorka.
Cilladaha aragga:
Cunista khudradda sida kaarootada iyo baytaraafka waxaa ku badan “carotenoids” oo ka hortagga xanuunnada aragga sida caadka iyo xanuunka “macular degeneration”
Qofka aan si joogto ah u cunin khudradda waxay kordhisaa halista cilladaha dheefshiidka sida calool istaagga, dibirada iyo baabasiirka. Khudraddu waxay ka hortagtaa xanuunka xididka wadnaha ee loo yaqaanno “Coronary artery disease”, wadne qabadka iyo xabad xanuunka.
Haddaba ku dedaal inaad joogteeyso cunista khudradda si aad kor ugu qaado caafimaadka jirkaaga iyo maskaxdaada.