Dadka raba inay is caateeyaan, inta badan waxay quraacdooda ku darsadaan boorash. laakiin guud ahaan, xeeldheereyaasha nafaqada iyo dhakhaatiirtu ma aysan joojin inay dadka ku booriyaan in subaxdii lagu quraacdo boorash.
Boorashku waa badar nafaqo iyo caafimaad badan xambaarsan. Koob barkiis boorash ah waxaa laga helaa 13 garaam oo barootiin ah. Sidoo kale cunista boorashku waxay ku siinaysa ku dhowaad 100% xaddiga macdanta manganese ee uu jirku u baahan yahay maalin kasta.
Boorashka waxaa ku jira maadooyinka sunsaarista sida fitamiin E, selenium, phenolic acids iyo phytic acids. Nafaqada kale ee laga helo boorashka waxaa ka mid ah fitamiin B1, copper, biotin, magnesium, iyo phosphorus.
Boorashka waxaa ku badan faybarka milma kaas oo caawiya hoos u dhigista heerka kolestaroolka. Faybarka wuxuu sidoo kale kaalin mug leh ka ciyaaraa kontoroolka xaddiga sonkorta ee ku dhex wareegaysa dhiiga, isagoo hoos u dhigaya burburinta iyo nuugida kaarbohaydharaydka iyo sonkorta.
Boorashka waxaa ka buuxo barootiin iyo faybar, waxaa ku yar dufanka, wuxuuna kordhiyaa tamarta, si akhri si aad wax badan uga ogaato ahmiyadda in boorashka la cuno maalin walba.
Waxaa laga helaa barootiin badan:
Cunista 8 qaado oo boorash ah wuxuu daboolayaa boqolkiiba 15% xaddiga barootiinka ee uu jirku u baahan yahay maalin kasta. Haddii jirku uusan helin barootiin ku filan, murqaha ayaa dabca. Boorashku wuxuu murqaha siinayaa barootiin ku filan. Barooshka waxaa kaloo ku jira xadiid (iron) iyo fitamiin B3. Xadiidku wuxuu caawiyaa in curiyaha hawada ah ee “oxygen” uu gaarsiiyo dhiigga iyo murqaha. Fitamiinnada B na waxay caawiyaan in carbohydrates-ka loo beddelo tamar.
Waxaa ku badan walxaha sunsaarista:
Boorashka waxaa ku badan maadooyinka sunsaarista ee loo yaqaanno “antioxidants” kuwaas u yareeya cun cunka, hurka ama balbalka (inflammation) iyo cadaadiska dhiigga. Waxaa kaloo ku jirta loo yaqaanno “beta-glucan” taas oo hoos u dhigta heerka sonkorta dhiigga. Waxtarka madooyinkaan sunsaaristana way sii siyaadaa marka lagu daro fitamiin C, waana sababta ay dad badani ugu quraacdaan boorash iyo cabbitaanka liin macaanta.
Waxaa laga helaa tamar badan:
Boorashka waxaa ku badan carbohydrates iyo barootiin kuwaas oo jirka siiya tamar badan. Maadama cabbirka kicinta sonkorta (glycaemic index) uu aad ugu yaryahay boorashka, wuxuu ka mid yahay cunnooyinka kordhiya gubista dufanka ee xilliga jimicsiga. Cunnooyinka kaarboohaydarayda leh, sida boorashka, oo lagu quraacdaa waxa ay qofka gelisaa tamar degdeg ah iyo shucuur firfircooni ah.
Waxa u dhimaa miisaanka
Cunista boorashka waxay kobcisaa dheefsiga cunnada waxayna dedejisaa dhimista cayilka. Boorashka oo aad ku quraacato subaxdii waxay ku dareensiinaysaa dhereg saacado badan, waxayna ka hor istaagaysaa in u baahato cunno kale illaa qaadada. Cunista boorashku waxay nidaamisaa amateetka, walwalka iyo heerka sonkorta dhiigga. Maadooyinka nafaqo ee ku jira borashka waxay ka hortagaan in dufanno iyo sun ay ku ururaan jirka.
Caafimaadka wadnaha ayuu sare u qaadaa:
Boorashka waxaa ku jira dufanno uroon caafimaadka wadnaha. Waxaa kaloo ku jira maadooyinka sunsaarista kuwaas oo xidada dhiigga ka ilaaliya dhaawaca walxaha sunta ah ee loo yaqaanno “free radicals”. Faybarka dhakhso milma ee ku jira boorashka ayaa lala xiriiriyaa wanaajinta caafimaadka wadnaha. Sida oo kale, waxaa ku jirta maadada potassium oo sida la ogyahay yareysa cadaadiska dhiigga.
Gaaska ayuu dejiyaa:
Boorashka waxaa la aaminsan inuu yahay quraacda ugu fiican ee dadka gaaska qabo, caloosha markii lagu rido waxa uu nuugaa wixii aashito caloosha ku jiray, gaajadana wuu u fiican yahay oo qofka waxa uu dareensiiyaa dhereg waqti dheer ah.
Waxa uu yareeyaa kolestaroolka:
Boorashka waxaa ku jira faybarka nooca loo yaqaanno “beta-glucan” taas oo caawisa yareynta kolestaroolka jirka. Maadama boorashka ay ku jiraan aasidhada linoleic iyo faybarka milma wuxuu yareeyaa heerka dufanka loo yaqaanno “triglycerides” iyo kolestaroolka xun ee dhiigga.
Cilladaha dheefshiidka ayaa uu ka takhalusaa:
Xeeldheerayaasha caafimaadku waxay ku taliyaan in la cuno 25 illaa 35 garaam oo faybar ah maalin kasta maadama uu aad muhiim ugu yahay in dheefshiidku uu si wacan u shaqeeyo. Boorashku wuxuu ka mid yahay cunnooyinka qaniga ku ah faybarka.
Waxa uu hoos u dhigaa kansarka malawadka:
Cunnada faybarka uu ku badan yahay waxa ay faaido u leedahay yareynta halista kansarka malawadka. Faybarka dhakhso milma ee ku jira boorashka waxa uu caawiyaan dedejinta in cunnada iyo qashinka ay ka gudbaan mindhicirrada. Faybarka horay ka milma waxa uu la dagaallamaa calool istaagga, waxaana uu kobciyaa caafimaadka mindhicirrada.
Waxa uu ka hortagga sonkorowga:
Boorashka waxaa ku yar “glycaemic index”, tani waxa ay faaido u leedahay hoos u dhigista halista cudurka sonkorowga. Boorashku waxa uu caawiyaa nidaaminta heerka sonkorta dhiigga, waxaana uu wanaajiyaa shaqada hoormoonka insulin.