Maxaa Imaan Karaa Haddii Dhuusada La isku Celiyo?

Dhuusada waa wax si dabiici ah u imaada mana tilmaamto cudur. Dhuusada dadka badankoodu waxay u arkaan wax ceeb ah, haddii qofka ay dhuuso ka fakato bulshada dhexdeeda, waxaa laga yaabaa in lagu qoslo isaguna uu dareemo yaxyax iyo inuu ceeboobay. Dadka inta badan dhuusada way isku celiyaan haddii dad kale ka ag dhowyihiin si ay uga fogaadaan inay ceeboobaan.

Qofka markuu laqayo biyaha, cuntada ama calyada waxaa badanaa soo raaca hawo, hawadaas waxay ku aruurtaa caloosha iyo mindhicirrada, markay caloosha cuntada shiidaysana waxay samaysaa hawo. Hawadaas ku timid labada siba waxuu jirka u baahan yahay in uu iska saaro ama daaco ha noqoto ama dhuuso, sidaas ayayna dhusuada ku timaadaa. In qofka uu dhuuso waa caafimaad.

Dhuusadu waxay tilmaan u tahay in dheefshiidkaagu u shaqaynayo sidii la rabay. Dhuusada urkeeda waxuu ku xiran yahay cuntada aad cunto nooca ay tahay, waqtiga saxarada kuugu dambeysay iyo in bakteeriyada khamiirisada loo yaqaano ay mindhicirradaada ku jirto.

Dhuusadu waxay noqon kartaa mid dhawaaqeeda la maqlo iyo mid aan dhawaaq lahayn, mid ur badan iyo mid aan wax ur lahayn. Qof walba waa uu dhuusaa. Sida ay daraasaduhu tilmaamayaan, qofka caadiga ah celcelis ahaan, waxa uu dhuusaa 5 jeer illaa 15 jeer maalintii.

Aan eegno Faa’idooyinka caafimaad ee dhuusada laga helo:

Yaraynta Dibirada:

Hawo badan oo caloosha ku aruurta waxay horseedi kartaa dibiro, taas oo qofka raaxada ka qaadi kartaa. Hawada oo caloosha laga saaro waxay hoos u dhigtaa dibbirada.

Ka Hortagga Calool Xanuunka:

Dhuusada oo wax badan la isku celiyaa waxay keentaa calool xanuun iyo raaxo la’aan.

Waxaa lagu ogaadaa xasaasiyada:

Marka aad cuntid cunno aad xasaasiyad ku qabto ama aadan u dalqaadan Karin, jirkaagu wuxuu sameeyaa calaamado ku ogaysiinaya in cuntadaasi aysan uroonayn dheefshiidkaaga. Calaamadahaasi waxaa ka mida dibiro, lalabo, shuban iyo hawo badan.

Kobcinta Caafimaadka mindhicirrada:

Dhuusada oo si joogto ah la iskugu celiyo waxay dhib ku tahay mindhicirrada. Sidoo kale uma roona dadka qabo baabasiirka. In dhuusada la sii daayo ayaa caafimaad ahaan ka wanaagsan in la isku celiyo.

Waxaa jira Cuntooyin keeena dhuuso badan waxaa ka mid ah baradhada macaan, caanaha, qamadiga, lowska, boorashka iyo digirta.

Check Also

biyaha hooyada uurka leh, biyo cabista

Biyo Intee Le’eg Ayay U Baahan Tahay Hooyada Uurka leh, Waa Maxay Se Astaamaha Hadii Ay Biyuhu Ku Yaraadaan

Jirka oo hela biyo ku filan waxa ay muhiim u tahay bad qabka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *