Malabka Iyo Uurka


Hooyada uurka leh ma cabbi kartaa malabka?

Haa, malabka waa la cabbi karaa xilliga uurka.

Waxaa laga yabaa inaad maqashay in malabku uusan u fiicanayn ilmaha, waana run. Malabka waxaa ku jirta bakteeriyo jeermis u keeni karta ilmaha yaryar madaama calooshoodu aysan awood u lahayn inay iska difaacdo oo ay la dagaalanto bakteeriyadaas.  sidaas darteed dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan in malabka la fogeeyo caruurta ka yar 1 sano.

Hadii hooyadu uurka leh ay qaadato malab ay ku jirto bakteeriyadaas dhibaato uma keeni karto ilmaha caloosheeda ku jira sababtoo ah bakteeriyadaas awood uma lahan inay ka gudubto mandheerta dhibaatana ma gaarsiin karto uurkajiifta.

Malabku waxaa u caawiyaa wallaca, waxaad isku darsan kartaa sanjabiil iyo biyo, karkari kadibna malab ku darso, subax kasta ayaad cabbi kartaa.

Sidoo kale malabku aad ayuu ugu wanaagsan yahay inay badsato hooyadu bisha ugu dambeysa ee uurkeeda maadama uu adkeeyo minka isla markaana uu caawiyo foosha.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *