Ma Tahay Shaqo-Doon? KA FAA’IIDEYSO

Si aad u heshid shaqada aad ku hamminaysid waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa talaabooyinka ay tahay in aad u isticmaashid isu diyaarintaada qaabilaadda.

Marka ay dhacdo in lagula soo xiriiro si aad u tagtid shirkaddi u baahnayd shaqaalaha, marka koowaad noqo qof isku kalsoon, ku kalsoonaw in aad tahay qofka kaliya eek u habboon booska ay shirkaddu u baahantahay in loo buuxiyo.

  • In aad wax badan ka baratid shirkadda aad doonaysid in aad ka shaqo gashid: waxaa habboon in aad wax badan oo la xiriira shqada shirkadda iyo dhamaan macluumaadka la xiriira shirkadda.
  • In aad wax badan ka ogaatid booska aad doonaysid in aad shaqaale uga noqotid shirkadda: marka aad qaabishid mas’uulka shirkadda waa inaad sheeko dheer la yeelataa waxyaabaha lagama maarmaanka u ah shaqada aad qaban doontid haddii lagu aqbalo, isla markaana haku dheeraan in aad kartidaada sharraxaad dheer ka bixisid ama aad in badan ku celcelisid waayoo taas waxa ay u muuqan kartaa nin is faaninaya oo iska dhigaya wax uusan ahayn shaki ayaana laga yaabaa in lagaa qaado.
  • In aad jawaabo u diyaarsatid su’aalaha lagu waydiin karayo: booska aad doonaysid in aad ka shaqaysid haddii uu la xiriiro tiknaloojiyad waxaa habboon in aad in badan internet-ka gashid oo aad ka ogaatid su’aalaha caanka ah ee inta badan ay shirkaduhu waydiiyaan shaqo-doonka, isla markaana waa in aad raadisid qaabilaad ay horay u samysay shirkaddaan ama shirkadaha la nooca ah si aad u ogaatid su’aalahaas iyo jawaabaha ay qaadan karaan.
  • In aad dib u aqrisid CV-ga ama taariikh nololeedkaada: waxaa aad u wanaagsan marka aad tahay shaqo-doon in aad dib u eegtid taariikh nololeedkaada si ay kuugu fududaadaan su’aalaha lagu waydiin doono.
  • Diyaarso su’aalo si aad u waydiisid mas’uulka ku qaabilaya: markay dhamaato qaabilaaddu waxaa jaanis laguu siin doonaa in aad wixi aad su’aalo qabtid waydiisid mas’uulka. Marka waxaa habboon in aad su’aalo soo diyaarsatid gaar ahaan su’aalo ku saabsan shirkadda sida: waa maxay qorshaha istiraajiyadeed ee u yaalla shirkadda?

Waa maxay sababta ugu way nee looga shaqayn karo shirkaddaan? Su’aalahaan waxa ay caddaynayaan sida aad u danaynaysid shaqada shirkaddaan.

  1. Noqo qof diyaarsan dhanka labiska: libiska aad xiranayso maalinta qaabilaadda waxa uu qayb wayn ka qaadanayaa ku guulaysigaada shaqada aad ka doonaysid shirkad.

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *