Hurdo Intee Le’eg Ayaa Qofka Ku Filan, Hurdada Yar Se Maxey Sababi Kartaa?

Xaddiga hurdo uu qofka ubaahan yahay waxay la xiriirta arimo dhowr ah sida da’da.

  • Ilmaha dhalaanka ah waxay ubaahan yihiin inta udhexeysa 14 ilaa 15 saacadood
  • Dhalin yarada waxay ubaahan yihiin isku celcelis 8.5 ilaa 9.5 saacadood
  • Dadka weyn waxay ubaahan yihiin 7 ilaa 9 sacaadood habeen kasta in kastoo dadka qaar ay ubaahnaan karaan inta udhexeysa 6 ilaa 10 saacadood
  • Dumarka 3da bil ee ugu horeysa uurka waxay ubaahnaadaan sacado dheeri ah

Hasayeeshee khubaradu waxay lee yihiin hadii aad lulootid maalinti, ma aadan helin hurdo kugu filan.

Deynta hurdada nuqsaantay

Xaddiga hurdo uu qofku u baahan yahay wey siyaadaa hadii qofku hurdadiisa ay ahayd mid nuqsaan ah xiliyadi ugu dambeeyay, hurdo yari waxay keentaa deyn xaga hurdada ah uu jirkaaga ubaahan yahay inuu gudo, jirka bani aadamka ma ahan mid la qabsan kara hurdo yari, xataa qofku hadii ay jadwalka hurdadiisa yar tahay waxaa cillad ku timaadaa go’aan qaadashada wanaagsan ee maskaxda, falcelinta qofka iyo shaqooyin badan oo jirka uu qabto.

Hurdada yar maxey sababtaa?

• Dhibaatooyin xagga xasuusta
Niyad jab
• Difaaca jirka oo daciif noqda
• Dareenka xanuunka oo bata

Khatarta hurdo yarida

Baaritaano badan oo lasameeyay ayaa tilmaamay halista ay leedahay hurda yarida qofka bani aadamka, waxaana lagu ogaaday qofku hurdadiisa yartahay isu duwidiisa iney ka xuntahay tan qofka sarqaansan

Darawaladda daalan ayaa sababo in ka badan 100 kun oo shil gaari ah, hurdada waxay dheeli tir ku sameysaa shaqooyin badan uu jirka qabta sida dheefshiidka shaqadiisa, qofka ay ku yar tahay hurdada wuxuu unugul yahay inuu cayilo, iyo in halista cudurka sonkoroowga ay badato, sidoo kale hurda yarida waxay si dadban usaameysaa difaaca jirka, oo hadii qofka uusan seexan hurdo ku filan, difaaca jirka waxaa quusiya waxyaaba uu ka adagyahay xiliga jirka uu haysto hurdo ku filan.

Talo

fadlan ha kaxeen gaari

  • Hadii aysan indhaaha diirada saarneyn
  • Hadii halaaqyadaada ay badan tahay
  • Hadii aadan xusuusan meelihi ugu dambeeyay ee aad gaariga ku soo kaxeeysay
  • Hadii aad riyooneysid maalinta cad
  • Hadii aadan kor ucelin karin madaxaaga
  • Hadii aad khadkaaga wadada kabaxeysid marar badan

Akhriso: Si Aad U Heshid Hurdo Macaan Habeenkii, RAAC TALLAABOOYINKAN

Akhriso: Haddii Aad Ka Mid Tahay Dadka Dhafra Habeenkii, AKHRI QORAALKAN!

Akhriso: Qodobo Qofka Ku Dhaqma Siinaya Hurdo Fiican Habeenkii, Subaxdiina Firfircooni

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *