Ma Ogtahay Waxa Dhacaya Hadaad Maalin Walbo 30 Daqiiqo Oo Jimicsi Ah Sameysid?

30-daqiiqo jimicsi maalin kasta ah = caafimaad iyo miisaanka jirka oo yaraada – daraasad

Daraasadaan ayaa si qoto dheer waxaa ay uga hadleysaa jimicsiga dadka ay sameeyaan, waxaana ay sheegaysaa qofka hadii uu sameeyo maalintii oo dhan 30-daqiiqo oo jimicsi ah inuu wax badan ka dareemayo caafimaadkiisa.

Cilmi-baaris lagu soo daabacay bogga inta badan lagu daabaco darasadaha caafaimaadka kuwoodii ugu dambeeyay kuna soo baxa afka carabiga ee Al-arab, waxaa ay muujisay dadka inta badan in aysan ku baraarugsaneyn jimicsiga waqtiga gaaban la sameeyo faa’idooyinka uu leeyahay.

Taasi bedelkeeda, ayaa warbxintaan waxaa ay xustay dadku in ciyaaraan oo keliya banooniga waqti badan balse aysan ka war qabin in ay ku filan tahay 30-daqiiqo oo maalin kasta la sameeyo jimicsi gaaban.

Mid ka mid ah Culimada soo saartay daraasadaan, waxaa uu leeyahay: “waxaan ka gaarnay darasadan guul la taaban karo, waxaana ka mid ah in hadii qofka uu sameeyo jimicsi waqti yar oo ka mid ah waqtigiisa hoos u dhacaayo miisaankiisa isagoon waqti badan ku bixinin jimicsi kale”.

Culimo ku xeel dheer culuumta caafimaadka, ayaa waxaa ay isku raceen jidkuu rabo qofku ha u maree jimicsiga muhiim inuu u yahay caafimaadkiisa, dhimista miisaankiisa iyo la dagaalanka halista ku soo wajahan jirkiisa.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *