MA MUHIIM BAA AF-SAN XIDHKU, QAABKEE SE LOOLA MACAAMILAYAA?

Af/San xidhku waa hab loogu talagalay in qofku uu iskaga ilaaliyo fayraska Caronavirus ee laga yaabo in uu soo raaco neefta qofka xanuunkan qaba ama dhibcaha qoyan ee ka soo baxa sankiisa iyo afkiisa marka uu hindhiso ama qufaco. Si kastaba ha ahaato ee khubaradu waxa ay sheegayaan in aanay qasab ahayn in qofku uu afka iyo sanka xidho haddii aanu lahayn qufac isla markaana ay qasab tahay in hindhisada uu suxulkiisa ku qabto.

Hay’adda caafimaadka adduunku waxa ay ku talisay in af / san xidhka ay xidhaan dadka isku arka calaamadaha xanuunka Covid-19 iyo dadka ay shaqadooda tahay in ay daryeelaan dadka xanuunkan qaba ama guud ahaan bahda caafimaadka ee jooga xarumaha caafimaadka iyo dhakhtarrada iyo dadka guryaha ku haya qof xanuunkan qaba. Sida oo kale waxaa waajib ah in ay xidhaan dadka xummad ama qufac isku arkaa. Intaas kaddib dadka kale uma baahna in ay afka iyo sanka xidhaan, balse waxa ay u baahan yihiin in ay kala durkaan oo aanay qofka kale u jirsan masaafad ka yar hal mitir. Gaar ahaan marka uu arka dad qufac ama hindhiso leh.

Adiga oo xasuusnaanaya in isticmaalka maradani aanu qasab ku ahayn qofka badqaba dad xanuunka qabana aan ku dhowaanayn, haddana waxaa muhiim ah in marka aad isticmaalayso aad si fiican u ogaato habka ay tahay in aad u isticmaasho, oo ah sidan hoose:

-Inta aanad taaban af / san gashiga farahaaga nadiifi adiga oo isticmaalaya biyo iyo saabbuun aad ku maydho ugu yaraan 20 illaa 30 ilbidhiqsi, haddii kale isticmaal dareeraha Alkahoolka leh ee faraha lagu nadiifinayo.

  • Hubi in af-san xidhku aanu dalool ama dillaac lahayn.
  • Hubi dhanka aad dusha sare marinayso, adiga oo mar kasta ogaanaya in dhinaca uu caagga ama birta jilicsan ee qalloocanaysa ku leeyahay ay tahay dhinaca dusha oo xagga sanka ah maraysa.
  • Hubi in marada dhina dibadda soo marayaa uu yahay kii saxda ahaa. Af-san xidhka dhinaciisa midabka leh ayaa dusha sare soo maraya dhinaca kalana afka iyo sanka xaggiisa ayaa uu marayaa.
  • Marada dhinaceeda birta ama cagga qallocsamayaa uu ku jiro hareeraha iskaga soo cadaadi si ay u yeelato qaabka sanka oo ay hareeraha kaga xidhanto sankaaga.
  • Xagga hoose u kala bixi af-san xidhka oo gaadhsii illaa gadhka qaybtiisa wajahaadda oo dhan (Afka hoostiisa).
  • Marka aad iska furayso, waxa aad ka soo furaysaa xadhiga / rabadhka dhegaha kuugu jira, kuna dadaal in maradu aanay sii taaban wejigaaa meelo ka mid ah ama dharkaaga ama xitaa gacantaada. Waayo lagama aamin qabo in ay dusha ku sidato fayraska oo ku hadhi kara jidhkaaga ama gacmahaaga.
  • Si dhaqso ah u tuur marada af-san xidhka ah ee aad iska furtay adiga oo ku ridaya qashin qub xidhan, si aanay cid kale si uun gacanteeda u aadhin. Dib u h u isticmaalin af / san xidhka aad isticmaashay mar.
  • Marka aad bixiso af-san xidhka nadiifi gacmahaaga adiga oo u isticmaalaya hababkii aynu hore u soo sheegnay.
  • Iska jir in aad hadba af / san xidhka hoos uga furto sanka iyo afka oo aad ku sidato raqabadda iyo gadhka, marka aad doontana dib ugu daboosho afka iyo sanka.

DIYAARIYE: Kamaal Marjaan

Xigasho: Al Jazeera Channel -/ World Health Organization (WHO)

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *