Kelyaha oo ah unug qaabka midhka faasuuliyaha ah leh ayaa ka mid ah unugyada jidhka ee ugu hawsha iyo waxtarka badan, lagama maarmaankana u ah nolosha qofka. Kellidu waa unuggag jidhka bani’aadamka masuulka uga ah nadiifinta dhiigga, maadaama oo dhigga wareegga jidhku uu maro kelyaha waxa ay mar kasta ka reebaan qashinka iyo sunta ka dhasha hawsha dheefshiidka. Sidoo kale kelyuhu waxaa ku dhex abuuran unugyo shaqadoodu tahay burburinta maaddooyinka jidhku uu ka nuugo cuntada ee ay ka mid yihiin Barootiinta iyo dufanka, taas oo ay kelyuhu u beddelaan tamar si uu jidhku uga faa’idaysto. Hawlaha kale ee muhiimka ah ee ay kelyuhu qabtaanna waxaa ka mid ah, in ay xakameeyaan xaddiga dareeraha jidhka ku jira, in ay habeeyaan cusbada iyo maaddooyinka kale ee la midka ah, isu-dheelli-tirka asiidhka, iyo xakamaynta hab-sami u wareegga dhiigga.
Marka la soo koobo kelyuhu waxa ay ka mid yihiin unugyada lagama maarmaanka u ah nolosha aadamaha ee hawshooda oo ay gabaan ay si degdeg ah u saamaynayso nolosha qofka.
Haddaba qormadan waxa aynu kuu soo qaadanaynaa lix caado oo ay khubarada caafimaadku si weyn u xaqiijiyeen in ay kaalin libaax ka qaataan in kelyuhu ay shaqadooda gabaan.
Cunista milixda oo la badsado:
Cunista milixda cuntada lagu darsado oo qofka ku badataa waxa ay culays ku keentaa shaqada labada kelyood. Marka horeba milixdu iyada oo dabiici ah ayaa ay ku jirtaa khudradda iyo xitaa biyaha aynu cabbayno, sidaa awgeed kelyaha oo ay shaqadooda tahay in ay jidhka ka reebto milixda dheeraadka ah waxaa culays kale oo badan ku sii noqonaya milixda kale ee dheeraadka ah ee aynu cuntada ku darsanayno. Waana sababta in badan ay khubarada caafimaadku ugu celceliyaan khatarta ay milixdu ku leedahay caafimaadka kelyaha.
Kaadi haysta oo aan si joogto ah kaadida looga faaruqin:
Qofka oo marka uu kaadinayo aan faaruqin kaadi-haystiisu waxa ay keentaa in kaadidu ay dib u soo noqnoqoto, taasina waxa ay kelyaha ku kordhisaa cadaadis. Sidaa awgeed waxaa fiican in qofku marka uu kaadjayo uu ku dadaalo in uu iska soo wada faaruqiyo iyo tan ka muhiimsan oo ah in mar kasta oo uu kaadi yar dareemaba kaco si uu u soo kaadjo, si aanay kaadidu isuguba gaadhin kaadi haysta. Waxa ay khubaradu ku taliyeen in carruurta yaryar lagu tababaro in ay si joogto ah u kaadjaan mar kasta oo ay kaadi dareemaan ba.
Biyo badan oo aanu qofku cabbin:
Qofka oo cabbi waaya biyo nadiif ah oo jidhkiisa ku filani waxa ay khatar ku tahay caafimaadka kelyaha. Khubarada caafimaadku waxa ay xaqiijiyeen in jidhka aadamuhu uu maalin kasta u baahan yahay 10 illaa 12 koob oo biyo ah, waana xaddiga ugu fiican ee caawin kara shaqada kelyaha. Xaddigan biyaha ah ee aynu soo sheegnay laguma tirinayo sharaabbada kale ee uu qofku cabbo maalintii, balse waxaa laga hadlayaa biyaha saafiga ah. Waxa kale oo ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay jiraan dareerayaal iyo sharaabbo kale oo iyagu aan u fiicnayn caafimaadka kelyaha, gaar ahaan kuwa milixdu ku badan tahay, sidaa awgeed ay muhiim tahay in qofku dareeraha uu cabbo kala tashado cid aqoon u leh caafimaadka.
Cunista hilibka iyo guud ahaanba cuntooyinka Barootiinta leh:
Qofka oo isku badiya cuntada barootiinta badan leh, oo ay ugu horreyso barootiinta ku jirta oonta xoolaha oo inta badan qani ku ah milixda, waxa ay dhibaatooyin caafimaad darro ku keentaa kelyaha.
Dawooyinka badan:
Cunista dawooyinka oo jidhka ku bataa waxa ay khatar ku yihiin habsami u shaqaynta kelyaha. Waxa aanay khubarada caafimaadka ee arrimahan ku xeeldheeri si gaar ah farta ugu fiiqeen dawooyinka loo yaqaanno Antibiotic, iyo sidoo kale dawooyinka kaadida badiya.
Sigaarka:
Waxaa jira daraasado badan oo xaqiijiyey in qiijinta sigaarku ay raad taban oo caafimaad ku leedahay shaqada kelyaha. Sidoo kale sigaarka waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay sababaha ugu waaweyn ee keena kansarka ku dhaca kaadi haysta iyo qanjidhka ragga ee Prostate ka loo yaqaanno.
–Kamaal Marjaan
-Wargeyska Geeska Afrika