Erayga qabatin ama in qofku wax la qabatimo wuxuu baryahaan dambe noqday eray aad loo isticmaalo, waxaad arkaysaa ayadoo loo isticmaalayo waxyaalo aan horay loogu isticmaali jirin, tusaale ahaan hada waxaad arkaysaa ayadoo la oranayo hebel wuxuu la qabatimay daawashada aflaanta, iskamana joojin karo waayo waa wax naftiisu la qabsatay.
Hadaba waxaan doonaynaa inaan halkaan ku cadayno waxa caafimaadku ka qabo
La qabatinka ma cudurbaa mise waa dabeecad mise waa khiyaali qofku naftiisa ka dhaadhiciyay?
Qaybo kamid ah khuburuda caafimaadku waxay aaminsan yihiin in la qabatinku uu yahay cudur maskaxeed, halka kuwo kalana aaminsan yihiin inay tahay dhibaato jir ahaaneed.
Sidoo kale waxaa jira dad kaloo aaminsan inay tahay dambi maadaama badanaa dadku jecelyihiin inay la qabatimaan waxyaalaah xun xun sida mukhaadaraadka iyo waxyaalaha waqti dhumiska ah. Laakin dhamaan bulshada caalamku way ka siman yihiin ogaan la’aanta ama kala saarid la’aanta qabatinka, waxaana jira su’aalo badan oo dadku is waydiiyaan sida; Qabatinku ma cudur baa? ma cudur jir ahaaneed baa? Ma mid maskaxeed baa? Ma wax waalidka laga dhaxlaa? Mala dawayn karaa?
Dhamaan su’aalahaas waa kuwo jawaabahooda aan la isku raacin balse waxaan halkaan kusoo gudbinaynaa waxa bahda caafimaadku ka tiri su’aalahaas.
Waa maxay waxyaalaaha badanaa la qabatimo?
Waxaa jira waxyaalo badan oo la qabatimi karo oo iskugu jira kuwo xun iyo kuwo fiicanba balse kuwa ugu badan waxaa kamid ah; Mukhaadaraadka sida khamriga, sigaarka, tubaakada, xashiishka iyo daroogooyinka. Waxaa kaloo la qabatimi karaa galmada, khamaarka, dukaamaysiga, jimicsiga, daawashada filimaanta iyo waxyaalo kaloo badan.
Waa maxay calaamadaha lagu garto in qofku shay gaar ah qabatimay ama caado ka dhigtay?
Calaamadaha lagu garto la qabatinka waxyaabaha waa kuwo kala duwan, waxayana ku xiran yihiin qofka iyo sida uu u isticmaalo walxaha ay la qabatimeen.
- In qofku si xad kabax ah u isticmaalo shay gaara
- In qofku noloshiisa badalo iyo qaraabadiisa naco si uu shayga uu la qabatimay boos ugu helo.
- In aad nacdid waxyaalihii aad awal samayn jirtay o aad jeclayd booskooduna ku badashid shaygaas cusub ee aad la qabatintay.
- In aadan ilaalin karin xadiga aad ka isticmaalayao shaygaas
- Iyo inaad dhawr mar isku dayday inaad joojiso oo aad ku fashilantay.
Maxaa sababa la qabatinta?
Khuburuda caafimaadku waxay cadeeyeen in shayga la qabatimay ama qofku dhaqanka iyo caadada ka dhigtay isticmaalkiisa ay maskaxdiisu u fududaysay isticmaalkooda, maskaxda aadanuhu waxay awoodaa inay qofka ku tababarto inuu jir ahaan iyo maskax ahaanba ku xirnaado shay gaara.
Hadaba marka maskaxdaadu kugu xunkunto inaad shay gaara la qabatintid waxay maskaxdu bilaabaysaa inay si xawli ah u shaqo galiso qaybo maskaxda laftirkeeda kamid ah oo u qaabilsan la qabatinka waxyaabo sida, qaybta dhiira galinta, qaybta isbadalka amra xaladaha, qaybta abaal marinta, yo qaybo kaloo badan kuwaasoo qofka ku adkaynaya inuu shaygaas lasii qabatimo. Tusaale ahaan hadaad tahay qof sigaarka isticmaala markasta oo aad shaqo yar qabatid waxay maskaxdaadu kuu sheegaysaa inaad wax wayn qabatay sidaa daraadeed loo baahan yahay inaad naftaada abaal mariso oo aad sigaar cabtid si naftaadu u faraxdo.
Hadaba marka laga soo tago maskaxda oo door wayn ka ciyaarta la qabatinka waxyaabaha waxaa kaloo jira waxyaalo kale oo sababi kara sida, deegaanka qofku ku nool yahay, dhaxal ahaan ama in waalidkaa ay qabeen, caafimaadka maskaxda, iyo cuntada.
Sidee baa loo maareeyaa la qabatinka?
Gaba gabadii la qabatinku maahan wax dawo gaara leh sida cudurada caadigaa oo kale balse waa shay la maarayn karo taasoo ku xiran qofka ay hayso dhibtaasi.
Waxyaalaha lagu maarayn karo waxaa kamid ah, kalsoonida qofku ku qabo naftiisa oo ah inuu waxaas naftiisa ka joojiyo, inuu qofku yahay qof go’aan qaadasho leh diidina karo waxyaalaha beenta ah ee maskaxdiisu u sheegto had iyo jeer, inuu naftiisa iyo maskaxdiisaba u sheego in waxaan ay yihiin wax uusan doonayn inuu sii wado uuna baro naftiisa siday u ilaawi lahayd, inuu badalo deegaanka uu daganaa hadii ay awal dhibtu ka kacday deegaankaas,inuu badalo asxaabta hadii ayagu bareen, iyo qaabab kaloo badan.