Kombuyuutarradu waxay ka kooban yihiin laba qaybood: qayb muuqata iyo qayb aan muuqan. Qaybta hore waxay ka samaysan tahay biro, caagag, fiilooyin, iwm. Qaybta qarsoon waxay ka kooban tahay xog (data) amarro iyo tilmaamo siisa qaybta muuqata.
Sida wax kasta ugu baahan yahiin cusboonaysiin ayaa labada qayboodba ugu baahan yihiin cusboonaysiin. Cusboonaysiinta qaybta muuqata waxay noqon kartaa in maskax cusub oo ka weyn middii hore lagy xiro ama la geliyo walax sare u qaadda awoodda deg-degga hawl qabashada. Qaybta aan muuqan waxay ka kooban tahay qaybo badan oo mid walbaaba qabato hawl gaar ah. Tusaale ahaan, qaybo waxay qaabbilsan yihiin sidii qaybta muuqata u shaqayn lahayd una wada shaqayn lahayd, qaybana, sidii adeegyo kale loogu qabsan lahaa aaladda kombuyuutarka. Labada qayboodba si ay iyagu si fiican ugu wada shaqeeyaan ama ugu dhug yeeshaan cabsi cusub, tusaale ahaan, jirro cusub, waxay had iyo jeer u baahan yihiin cusboonaysiin.
Haddaan si joogto ah loo cusboonaysiin qaybta aan muuqan waxaa dhacaya in kombuyuutarkii halis u noqdo jirro joogto ah; fahmi waayo amaradda la siinayo; fahmi waayo marka lagu xiro aalado kale sida xog kaydiye ama madbacad; iwm.
Sida kombuyuutarku uga kooban yahay qaybahaas ayaa qofka biniaadamkuna wuxuu ka kooban yahay qaybo muuqda (jirka) iyo qaybo aan muuqan (nafta, caqliga, dareenka, iwm). Qaybaha muuqda waxay u baahan yihiin korin iyo ilaalin. Qaybaha aan muuqanna waxay, sidoo kale, u baahan yihiin korin iyo ilaalin. Meesha dadkeennu, badi, qaybta muuqata u dadaalaan, waxaa muuqata in qaybta aan muuqan aynu, badi, dayacno.
Dayacaadda qaybta muuqata markiiba waa la arkaa ama la dareemaa. Tusaale ahaan, qofku hadduusan dhar fiican xidhan, jirkiisa iyo dharkiisa nadiifin, cunto fiican cunin dhinacna wuxuu cannaan iyo waano kala kulmayaa bulshada, dhinacna, jirkiisa ayaaba dareemaya xanuun. In qaybta muuqata la daryeelo waa fududahay, waayo, qofku markiiba wuxuu arkayaa maxsuulkii. Tusaale ahaan, qofkii taga meelaha jirka lagu dhiso maalmo gudohood ayuu isbeddel muruqyadiisa ah arkayaa.
In kastoo daryeelka qaybta aan muuqan qudhiisu uusan dhib badnayn, haddana, waxaa muuqata in badi dadku aysan dareensanayn siyaabaha loo daryeelo. Tusaale ahaan, qofkii raba in uu ‘nafta’ daryeelo ama ilaaliyo, wuxuu badinayaa cibaada iyo alle ka cabsiga; qofkii raba in uu caqliga daryeelo wuxuu kororsanayaa aqoon anfac u leh naftiisa.
Qaybta aan muuqan, sida qaybta muuqata, daryeel kaliya uma baahna ee waxay sidoo kale u baahan tahay cusboonaysiin (updating). Tusaale ahaan, caqligu wuxuu u baahan yahay cilmi joogto ah.
Sida aalada kombuyuutarka, haddii caqligu waayo cilmi joogto ah qofku wuxuu noqonayaa mid aan wax tar ahayn, la dhaqmi karin bulshada, dareemi karin isbeddellada cusub, bulshadana aan waxba ku soo kordhinayn.
Si haddaba aan u noqono bulsho waxtar ah waa in aan nafteenna ku nafaqaynaa cilmi waxtar ah, alle ka cabsi iyo cibaado.
W/Q: Dr. Siciid Cali Shire