Ku Jahwareeri Aamusnaantaada, Kadibna Kaga Nixi Natiijadaada!

Ma aha inaad had iyo jeer ka hadasho waxa aad ku hawlan tahay, Natiijadaada ayaa kuu hadli doonta, Ficiladaada ayaa kuu hadli doona. Baraha Bulshadu ma aha inay mar kasta ogaadaan bootada iyo bood-boodkaaga. Dadku iyagaa ogaan doona marki ay arkaan natiijadaada. Natiijada waa waxa keliya aan fake laga dhigi karin. Waxaa jira dad badan oo fake ah, faan iyo is muujin badan, laakiin halka wax aysan marnaba fake ka dhigi karin waa Natiijada sababtoo ah iyada ayaa muuqanaysa indhuhuna ka marqaati kacayaan. Noqo qofkaa. Kan horumar horseeda, ha noqon kan hadalka badan. Kan gaara ugu dambeynta natiija cad oo muuqata.

Waxaa jira oraah ahayd, “Goortii qorshahaaga aad ku dhisato aamusnaan ma garan karaan wax ay weeraraan.” Ha siin kuwa ku neceb fursad ay kugu soo weeraraan ka hor intaadan guushaada gaarin.

Qorshahaaga ku dhis aamusnaan, Natiijada ayaa kuu hadli doonta.

Waa inaad ogsoonaataa in natiijadu imanayso hadii aad dadaal badan samayso, si adag u shaqeyso. Uma baahnid inaad qof kasta u sheegto waxa aad samaynayso, ama waxa aad noqon doonto, Natiijada ayay ka arki doonaan. Ku jahwareeri aamusnaantaada, ka dibna kaga nixi natiijadaada.

W/Q: Farah Cawaaah

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *