Laanta cuntada iyo dawada ee dawladda Maraykanka ayaa ku talisay in aan la cunin sonkor ka badan 50 garaam Maalintii. Mark Hyman oo ah dhakhtar ku xeeldheer caafimaadka qoyska iyo Ron Gottman oo ah kaaliye bare-sare oo ka tirsan jaamacadda Stanford ayaa maqaal ay bishii May ku daabaceen majaladda TIME, waxa ay ku yidhaahdeen, “Waxaa la gaadhay waqtigii sonkorta khatarteeda loola macaamili lahaa sida sigaarka oo kale”
Labada qoraa waxa ay sheegeen in waxyaabaha ay ka kooban yihiin cuntooyinka qasacadaysani ay boqolkiiba 74 sonkor yihiin. Waxaa la mid ah cuntooyin aynnu u naqaanno in aanay dhibaato caafimaad lahayn, sida faasuuliyaha diyaarsan ee qasacadaysan, khalka noocyadiisa qaar iyo caanaha sabaadiga loo yaqaanno.
Sonkorta badani waxa ay keentaa khataro caafimaad oo ay ka mid yihiin miisaanka oo kordha, buurni xad dhaaf ah, wadne xanuun, faalig, noocyo ka mid ah Kansarka, iyo macaanka. (Sonkorow).
Shaybaadho lagu sameeyey raadka ay sonkortu ku yeelato maskaxdana waxaa lagu ogaaday in ay dhibaato iyo khalkhal ku keento habdhishyada kiimikaad ee neerfaha maskaxda qaybteeda loo yaqaanno “The Striatum”. Waa qaybta samaysa ka dareen celinta dhadhanka ama marka uu qofku sameeyo wax uu xiisaynayo.
Sonkorta laga digayaa ma’aha midda caddaanka ah ee cuntada ama cabitaanka dusha lagaga darayo oo keliya, balse waxaa la mid ah ama ka khatar badan sonkorta cuntooyinka qaarkood ku samaysan, waxaana ugu daran cabbitaannada soodhaha leh, ama loo isticmaalo tamar kordhinta (Energy), iyo guud ahaan sharaabbada warshadaysan ama xitaa dabiiciga ah.
Cilmibaadhista ay sameeyeen Mark Hyman iyo Ron Gottman, ayaa ay ku ogaadeen in sonkortu ay dhinaca qabatinka la mid tahay maandooriyaha khatarta ah. tusaale ahaan, waxa ay siddeed jeer ka qabatin badantahay maandooriyaha awoodda badan ee “Cocaine”.
Dhibaatada ay sonkortu balwaddaas sii dheertahay ayaa ah in qofku aanu is dareemayn in uu qabatimay, sidaas awgeed aanu ka fikirayn joojinteeda, ama yaraynta isticmaalkeeda. Sidaas awgeed waxa ay ku taliyeen in sonkorta iyo waxyaabaha ay ku jirto oo dhan lagu dhajiyo qoraal digniin ah sida sigaarka, si dadka loogu sheego khataraha caafimaad ee ku jira.
W/D: Kamaal Marjaan