Kansarka Lafaha: Noocyadiisa, Sababaha Keena Iyo Dadka Halista U Ah

Kansarka lafaha wuxuu yimaada marka buro ama kasoo-bax baaxad leh uu ku sameysmo lafaha. Burada waxey noqon kartaa mid sii faafi karta. Hadii burada ay awood uleedahay iney faafto waxaa loo yaqaanaa kansar. Kansar kasoo bilowda lafaha waa mid aan sidaas usii badneyn.

Noocyada kansarka lafaha

Kansarada lafaha waa kuwa ugu khatarta badan, waxey si toos ah uga soo bilowdaan lafta ama nudaha lafta ku hareereysan sida carjawda.

Kasarka wuxuu ku faafi karaa lafta isagoo kasoo bilowday xubin kale, noocaan ayaa ka badan nooc sida toos ah uga soo bilowda lafaha.

Noocyada kansarka lafaha waxaa ka mid ah:

Multiple myeloma: Waa marka kansarka uu ka soo bilowdo gudaha dhuuxa, wuxuu inta badan ku dhacaa dadka waaweyn, kansarkaan wuxuu lee yahay rajo nolol oo ah mid wanaagsan, inta badan dadka qaba dawo uma baahna.

Osteosarcoma: Wuxuu guud ahaan ku dhacaa caruurta iyo dadka hada qaan gaaraya, sidoo kale wuxuu ku dhici karaa dadka weyn. Kansarkaan wuu inta badan ka soo bilowdaa lafaha dhaadheer ee gacmaha.

Chondrosarcoma: Wuxuu ku dhici karaa lafaha miskaha, cajarada ama garbaha ee dadka waaweyn. Kani waa kasanrka labaad ee ugu caansan ee kasoo bilowda lafaha.

Ewing’s sarcoma: Waa kansar dhif ah oo kasoo bilaaban karo nudaha ku hareereysan lafta ama lafaha caruurta.

Maxaa sababa kansarka lafaha?

Waxa sababo kansarkaan si dhab ah looma garanayo, laakin waxaa jiro arrimo badan oo ka qeyb qaata ama kor uqaada fursadaha uu qofku ugu dhici karo, arrimahaas waxaana kamid ah:

  • Unugyad jirka oo aan si caadi aheyn u kora
  • Isticmaalka dawooyinka shucaaca wata
  • Hiddo qaldan oo laga dhaxlo waalidka

Yaa halis ugu jira?

  • Dadka qaba qoys leh taariikh hore oo xanuunkaan ah
  • Qof horay loogu daweeyay dawooyinka shuucaaca wata
  • Qof qaba xanuunka paget’s oo ah xaalad sababto in lafaha ay si fudud u jabaan kedibna si aan caadi ahyn u kobsamaan
  • Qof qaba ama horay ugu dhacay burooyin badan oo ku dhaca carjawda

Waa maxay astaamaha?

Astaamaha kansarka lafaha waxaa kamid ah:

  • Xanuun iyo barar saameeyo lafta
  • Buro la taaban karo oo lagu arko lafaha lugaha iyo gamcaha.
  • Daal badan.
  • Qandho
  • Dhidid habeenkii
  • Qarqaryo

Astaamaha aaan caanka aheyn waxaa kamid ah:

  • Lafaha oo si fudud ku jabo
  • Misaanka oo lumo

Markaxadala kansarka lafaha

  • Marxaladda kowaad: Waa inta uusan kasanrka uu weli ku egyahay booskiisa
  • Marxaladda labaad: Kansarka weli ma faafin, laakin wuxuu gaaray meel uu ku faafi karo
  • Marxaladda saddexaad: Kansarka wuxuu ku faafay meel ama laba kamid ah jirka ah, wuuna sii faafayaa
  • Marxaladda afaraad: Kansarka wuxuu ku faafayaa hareerahiisa sidoo kale wuxuu ugudbay xubnaha qaar sida maskaxda iyo sambabada.

Daweynta

Dawada kansarkaan waxey ku xiran tahay:

  • Marxaladda kansarka
  • Xaalada bukaanka
  • Guud ahaan caafimaadka bukaanka
  • Cabirka iyo booska ay burada ku taalo

Waxaa lagu daweeyaa qaab dawo ah, qaab qalliin ah iyo qaaba shucaac ah.

Check Also

cuntooyinka koritaanka caruurta,

10 Cunno Oo U Wanaagsan Koritaanka Caruurta

Caruurta oo hela cunno dheelitiran oo nafaqo ahaan hodan ah waxay aasaasi u tahay koriimadooda, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *